Madaxweyne QoorQoor oo ka hadli doono Xaaladihii ugu dambeeyey Guriceel iyo mowqifka Galmudug.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa la filaya in goor dhaw ka hadlo Xaaladda Degmada Gurceel iyo mowqifka Galmudug ee ku aadan dagaallada kasoo cusboonaaday degmada Guriceel ee ka tirsan gobolka Galgaduud kana tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweyne QoorQoor ayaaa loo malaynayaa inuu hadalkiisa diiradda kusaari doono waxyaabo badan oo ku saabsan xaaladaha waqtigan ka jira Galmudugta uu Madaxweynaha ka yahay oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen dagaallo  u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulgoboleedka Galmudug oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaad taabacsan Ahlusunna waljamaaca.