Guddoomiyaha Guddida hirgelinta doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan Ciro iyo Xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa gaadhay Magaalada Baydhabo ee xarunta Koonfur Galbeed soomaaliya.

Ujeedada safarka Guddoomiyaha ayaa ah u Gogol Xaadhidda iyo diyaarinta Arimaha farsamo ee Doorashada golaha shacabka oo dhawaan la filayo inay ka bilaabmaan halkaasi.