Ra’iisul wasaaraha XFS oo kormeeray xarunta Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, isagoo warbixin ka dhageystay agaasimaha KMG iyo saraakiisha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka. Ra’iisul wasaaraha waxaa ku wehliyey kormeerka wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee XFS mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweynaha Puntland oo ugu hambalyeeyay Shacabka doorashada Golaha deegaanka

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shacab weynaha Puntland gaar ahaan bulshada magaalooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ugu hambalyeeyay Doorashada goleyaasha deegaanka ee taariikhiga ah ee qabsoomtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul Soomaaliyeed oo Puntland ay horseeday, wuxuuna u mahadceliyay Guddiyada ka shaqeeyay, Ciidamada Amniga, Ururada Siyaasadda, Warbaahinta iyo Shacabka degmooyinka doorashadu ka dhacday.

Source Sonna

Safiirka Switzerland ee Soomaliya oo booqasho ku tegay wasaaradda caafimaadka Puntland

Garoowe- Safiirka dalka Switzerland ee Soomaaliya Valentin Zellweger oo ay wehelinayeen Agaasimaha iskaashiga geeska Africa Thomas Oertle iyo lataliyaha maamulka iyo siyaasadda ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaana ku soo dhaweeyay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdinaasir Yuusuf Xaaji iyo Agaasimaha guud Dr Cabdirisaaq Xirsi Xasan.

Shir kooban oo ay ku wada qaateen xafiiska Wasiirku xigeenka ayaa looga wada hadlay mashaariicda dhanka caafimaadka ah ee ay ka wadaan deegaannada Puntland.

Waxaa sidoo kale inta uu shirku socday lagu soo qaaday mashariicda caafimaadka ee gobolada Mudug, Sool iyo Sanaag oo gabagabo maraya iyo sidii loo sii wadi lahaa, loona buuxin lahaa gaabka galaya sanadka dhamaadkiisa.

Mas’uuliyiinta ayaa waxay ugu dambeyn kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, sida qaybta daawooyinka, qaybta keydka talaalada iyo qaybta Xogta Wasaaradda oo ay soo arkeen.

Shirka ayaa ku soo dhamaaday guul waxaana inta badan la isku afgartay sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta adeeguada caafimaadka ee deegaannada Puntland.

Guddiga Ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo soo saaray natiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka degmada Qardho.

Guddiga Ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa soo saaray natiijada codbixinta doorashada golaha deegaanka degmada Qardho.

 

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Maamulka Wasaaradda dekadaha,gaadiidka iyo hay’adaha amniga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Maamulka Wasaarada dekaddaha,gaadiidka iyo hay’adaha amniga ayaa ku booriyay inay caawiyaan gaadiidka xamuuulka ah ee u adeega bulshada soomaaliyeed kuwaasi oo geeyaan badeecooyinka ay u baahan yihiin ganacastada soomaaliyeed,waxaa ayna kasoo qaadaan degadda muqdisho.

 

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay taliyaha ciidamada AMISOM  Jeneral Diomede Ndegeya, iyo ku xigeenkiisa maj gen w k Shume, oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Madaxweynaha iyo sarakiishan kasocotay AMISOM ayaa ka wada hadlay howlaha sugida amniga Doorashooyinka iyo sidii si wadajir ah loogu fulin lahaa howlgalada nabadgalyada lagu sugayo.

Jaamacadda Carabta oo Suudaan ugu baaqday in xiisadda taagan lagu xalliyo wada hadal

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abul Geyt, ayaa walaac xooggan ka muujiyay arrimaha kasocda dalka Suudaan, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada Suudaan inay u hoggaansamaan heshiskii la saxiixay sannadkii 2019-ka.
Xoghayaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in reer Suudaan helaan xasilooni iyo nabad, taas oo lagu gaari karo in loo hoggaansamo heshiisyadii hore loo wada galay.
Xoghayaha aayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta iyo ciidanka Suudaan in khilaaf kasta oo jiro lagu xalliyo wada hadal si dalka looga saaro xaaladda kumeel gaarka ah.
Ciidanka Suudaan ayaa aroornimadii shalay sameeyay afgenbi, waxaana la xiray ra’iisal wasaarihii dalkaaas iyo dhowr wasir oo kale.
Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Maryan Al-saadiq Al-mahdi ayaa sheegtay in shacabka Suudaan aysan raali ka ahayn afgenbi kana hor tegi doonaan.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xaalada Guri-Cel

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay Xaaladda Galmudug

Madaxweenaha ayaa ugu horeen shacabweenaha Galmudug uga tacsiyeyay dhiibaatadii Ka dhacday degmada Guri-Cel.

“Waxaan si gaara ugu tacsiyeyaynaya shacabka degmada Guri-Cel oo ay Ku soo duuleen kooxda Ahlu Sunna meeshaas intii ku dhimatay Allah unaxariisto inta dhaawacaana Allah u booga dhayo inagoo aad iyo aad uga xun arintaas uga tiiraayeesan shacabkeeni degmada Guri-Cel dagaalka abaabulan ee lagu soo qaaday guryahoodiina looga dhigtay dhufeesyada iyo xeryaha ciidamada lagana barakaciyay shacabkii deganaa”

Madaxweenaha ayaa soo saaray guddi Ka kooban golle Wasiiro iyo maamulka degmada Guri-Cel kuwaas oo loo xilsaaray in ay gar gaar iyo mucaawino wixii ay Dowlad Goboleedka Galmudug awoodo lagaaraan dadka soo barakacay ee maatada ah ee Ku dhibaateysan geedaha hoostooda.

Madaxweenaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqday dadka reer Galmudug Dal iyo dibadba in ay taageeraan shacabka dhibaateysan ee la soo barakiciyay.

Madaxweynaha Ruushka iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ka hor shirka G20,

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimaha isbeddelka cimilada, xaaladda Afgaanistaan ​​iyo dib u soo celinta Qorshaha Wadajirka ah ee Waxqabadka (JCPOA), oo loo yaqaan heshiiska Nukliyeerka  Iran.

Johnson wuxuu ogolaaday in “Xiriirka UK uu hadda la leeyahay Ruushka uusan ahayn midka aan dooneyno,” isagoo tilmaamay “dhibaatooyin muhiim ah oo laba geesood ah,” oo ay ku jiraan sunta lagu eedeeyay Salisbury 2018 ee basaaskii hore ee Ruushka Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia iyo kala duwanaanshaha Ukraine .

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dalalka waaweyn ee dhaqaalaha adduunka oo leh taariikh dheer, oo wadaag ah, UK iyo Ruushka ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada caqabadaha la wadaago sida isbedelka cimilada iyo ilaalinta heshiisyada caalamiga ah sida Iran. heshiiska nukliyeerka.

Maxkamadda Gobolka Benaadir oo xukun ku riday Mulkiilaha Heya’adda Sahan

Matt Brydan mulkiilaha Hey’adda Sahan Reseach ayey Maxkamadda gobolka Banaadir waxay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka, waxayna Maxkamaddu maanta ku xukuntay shan sano oo xabsi ah.

Sidoo kale Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya.