Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan (Ciro) oo kormeeray xarumaha doorashooyinka magaalada baydhabo

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Mudane Maxamed Xasan (Ciro) oo ay weheliyaan gudoomiyaha gudiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Yusuf Cabdiqadir Maxamed iyo xubno ka tirsan gudiyada Doorashooyinka oo maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, ayaa maanta kormeer ku tagey xarumaha loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Gollaha Shacabka ee KGS, Sedax (3) hool oo loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada Gollaha Shacabka iyo xarunta laga sugayo Amniga Doorashada inta ay socoto .

Gudiyada Doorashooyinka ayaa sido kale Kulan la yeeshey odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana Lagu war geliyay in dhawaan ay bilaaban doonan Doorashada Gollaha Shacabka ,waxana odayaasha dhaqanka ay kula dar-daarmeen in ay u cadaalad falaan musharaxiinta tartamaya.

Ugu danbayn, gudiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan ayaa kulan Is-xogwareysi ah kula yeeshey xaruunta Amniga Doorashooyinka sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan kuwaas oo hada ku howlan sugida Amniga Doorashooyinka .

Gudoomiyaha GHDHF Maxamed Xasan (Ciro) ayaa bogaadiyey qaabka wanaagsan ee loo diyaariyey hoolalka iyo sugida Amaanka Doorashada, wuxuuna sarakiisha ciidamada booliska qeybahooda kala duwan ka codsadey in ay guddiga maamulka Doorashada Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan Sugida Amaanka , ergooyinka iyo goobaha codbixintu ay ka dhacayaan .

Galmudug oo Amartay in loo gurmado dadkii ka barakacay Guriceel

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa furay Shirka agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee Galmudug oo maanta ka qabsoomay magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo aay soo qaban qaabisay Wasaarada arimaha gudaha Galmudug waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta adeegyada bulshada, soo bandhigidda caqabadaha iyo fursadaha shaqo ee jira iyo hirgalinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowlada Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku amray wasaaradaha Galmudug in aay gargaar la gaaran Dadka ku barakacay Guriceel ayago kashanaya Gudiga heer Wasiir ah oo uu magacaabay madaxweynaha Galmudug.

Sido Kale Madaxweyne kuxigenka Galmudug waxa uu faray Dagmoyinka Galmudug in ay ka so qayb qataan Gurmadka loo fidinayo Guriceel.

 

Midowga Afrika oo hakiyay in Suudaan ka qeyb qaadato howlaha ururka

Midowga Afrika ayaa maanta ku dhawaaqay in la hakiyay in Suudaan ka qeyb qaadato howlaha ururka midowga Afrika kadib markii ciidamada dalkaas afgenbiyeen xukuumadii rayidka
Go’aankaan ayaa ka yimid kadib markii midowag Afrika ka shiray xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka Suudaan.
Midowga Afrika ayaa canbaareeyay tillaaabada ay qaadeen ciidamada Suudaan, wuxuuna ku baaqay in xukunka dib loogu celiyo xukuumaddii rayidka
Midowga Afrika ayaa intaas ku daray in wefdi ka socda ururka loo diray Suudaan si ay uga qeyb qaataan xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka Suudaan.

 

 

 

 

MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO KULAN CASHO AH LA QAADATAY MADAXDA HAY’ADDA PAC EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan casho sharaf ah ugu sameeysay Madaxtooyada Qaranka mas’uuliyiin ka socotay hay’adda PAC ee ka hawl gala Soomaaliya ayaa ku bogaadisay adeegyada caafimaad ee ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan daaweynta iyo qalliimada Fistula.

Marwada Koowaad ee dalka ayaa xustay in hay’adda PAC oo ka shaqeysa daaweynta iyo qalliimada Isku-furanka ay dalka ka fulisay adeegyo caafimaad oo wax tar u leh badqabka shacabka Soomaaliyeed, si ay ula tacaalaan haweenka Soomaaliyeed ee la il’ daran Isku-furanka ee Fistula.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxda iyo hawlwadeennada hay’adda PAC adeegyada caafimaad ee ay sida mutadawacnimada ah uga fulinayaan qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, gaar ahaan la tacaalidda Isku-furanka oo saamayn badan ku yeeshay hooyooyinka Soomaaliyeed”

Agaasimaha hay’adda PAC ee Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed oo ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulisay hay’adda PAC ayaa tilmaamay in ay soo geba-gabeeyeen ololihii sagaalaad oo lagula tacaalayo bukaannada qabo Fistula.

Sidoo kale, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa ku ammaantay haweenka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u garab taagan dhaqaatiirta mutadawiciinta ah ee fuliya daaweynta iyo qalliimada Fistula oo baahi weyn looga qabay dalkeenna.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Mudane Axmed Xuseen Macallin, Agaasimaha hay’adda PAC ee Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaad.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo kormeeray goobo ay dooladda hoose ee xamar dib u dayactir ku samaysay

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta taalada Daljirka Dahsoon oo ay dowlada hoose Xamar ka fulisay howla dayactir ah, si loo muujiyo bilicda Taalada oo ah goob taariikhi ah oo ay bulshada Caasimadda ku dalxiisaan.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale booqday warta KM4 oo dib u habeyn lagu sameeyay, warta Ceel Qaloow iyo warta Fagax, warahaas oo ay dowlada hoose Xamar ugu talagashay maareenta biyaha Roobka Deerta ah.

Kormeerkaas marka uu soo idlaaday ayaa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu la hadlay warbahinta.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha dalka oo yeeshay kulan looga hadlyay Tiirka arrimaha Bulshada ee XFS

Kulan ay ka soo qeyb galeen Agaasimeyaasha iyo mas’uuliyiinta Wasaraadaha iyo hay’adaha dowladda ee hoos taga Tiirka arrimaha Bulshada ee XFS, ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka oo uu soo Agaasimay hoggaanka tiirkan u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga dooday qaabeynta habsami u socodka howlaha tiirka arrimaha bulshada iyo diyaarinta qorshe howleedyo.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinta halbeegyada waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda ee hoos yimaadda tiirka arrimaha bulshada.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gargaar deg-deg ah u dirtay Guriceel

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa gargaar deg deg u dirtay magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud halkaasi oo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Galmuudg ay ka wadeen howgallo ku saabsan dib u soo celinta magaaladda.

Wasiirka Gargaraka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Fedaraalka, Marwo; Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in gargaarkan oo ka kooban teendhooyin iyo maryaha kaneecada laga hoos galo uu gaari doono maanta iyo bari si loo gaarsiiyo dadkii dhibaatada kasoo gaartay howlgalladii ka socday maalmahi lasoo dhaafay magaalada.

Jubbaland oo wafdi u dirtay degaanno ay Abaar kajirto

Kismaayo- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada hoose.

Socdaalka Wasiirka iyo wafdigiisa oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha gargaarka ayaa la xiriira xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanno hoos yimaadda magaalada Dhoobley.

Wafdigan ayaa la filayaa inay tagaan degaano dhowr ah oo hoostaga degmada Dhoobleey, si loo gaarsiiyo gurmad kala duwan.

Source: Sonna

Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka wada hadlay abaaraha ka jira dalka

Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka ee ka howl-gala dalka ayaa wada qaatay kulan deg-deg ah oo ku saabsanaa wax ka qabashada Abaaraha.

Shirka oo ahaa mid ku dhacay aaladda fogaan aragga ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda Abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.

Kulanka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dedaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah degaannada ay sida ba’an u saameyeen  Abaaraha ka jira dalka.

Gabagabadii, Madaxda ayaa isla qaadatay in la dar-dargeliyo lana xoojiyo dedaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka tabaalaysan, iyagoo isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo Abaaraha ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah dalka.

Dowladda FS oo soo afjartay howl-galkii ka socday degmada Guri-ceel

Guri-ceel- Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen Kooxda Ahlu-sunna ee degmada Guri-ceel, kadib dagaal xooggan oo xalay halkaasi ka dhacay.

Malleeshiyaadka Ahlu-sunna oo ku sugnaa halka loo yaqaan Jaamacadda ayaa la sheegayaa inay u firxadeen degaanka God-wiil oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Guri-ceel, iyagoo halkaasna kaga cararay laba Gaari oo nooca dagaalka ah.

Ciidamada DFS iyo kuwa Galmudug ayaa gaafmeeraya goobihii ay ka carareen kooxda Ahlu-sunna, waxanay saraakiisha halkaasi ku sugan sheegeen inay dhowaan la hadli doonaan saxaafadda.