Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha dalka oo yeeshay kulan looga hadlyay Tiirka arrimaha Bulshada ee XFS

Kulan ay ka soo qeyb galeen Agaasimeyaasha iyo mas’uuliyiinta Wasaraadaha iyo hay’adaha dowladda ee hoos taga Tiirka arrimaha Bulshada ee XFS, ayaa ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka oo uu soo Agaasimay hoggaanka tiirkan u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa looga dooday qaabeynta habsami u socodka howlaha tiirka arrimaha bulshada iyo diyaarinta qorshe howleedyo.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinta halbeegyada waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda ee hoos yimaadda tiirka arrimaha bulshada.