MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO KULAN CASHO AH LA QAADATAY MADAXDA HAY’ADDA PAC EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Oktoobar 27, 2021; Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan casho sharaf ah ugu sameeysay Madaxtooyada Qaranka mas’uuliyiin ka socotay hay’adda PAC ee ka hawl gala Soomaaliya ayaa ku bogaadisay adeegyada caafimaad ee ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan daaweynta iyo qalliimada Fistula.

Marwada Koowaad ee dalka ayaa xustay in hay’adda PAC oo ka shaqeysa daaweynta iyo qalliimada Isku-furanka ay dalka ka fulisay adeegyo caafimaad oo wax tar u leh badqabka shacabka Soomaaliyeed, si ay ula tacaalaan haweenka Soomaaliyeed ee la il’ daran Isku-furanka ee Fistula.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxda iyo hawlwadeennada hay’adda PAC adeegyada caafimaad ee ay sida mutadawacnimada ah uga fulinayaan qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, gaar ahaan la tacaalidda Isku-furanka oo saamayn badan ku yeeshay hooyooyinka Soomaaliyeed”

Agaasimaha hay’adda PAC ee Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed oo ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulisay hay’adda PAC ayaa tilmaamay in ay soo geba-gabeeyeen ololihii sagaalaad oo lagula tacaalayo bukaannada qabo Fistula.

Sidoo kale, Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa ku ammaantay haweenka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u garab taagan dhaqaatiirta mutadawiciinta ah ee fuliya daaweynta iyo qalliimada Fistula oo baahi weyn looga qabay dalkeenna.

Kulanka waxaa ka qeyb-galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Mudane Axmed Xuseen Macallin, Agaasimaha hay’adda PAC ee Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Yuusuf Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Dhamaad.