Soomaaliya oo ka walaacsan xariga muwaadiniinteeda loogu geysanayo dalka Zambia

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday.

Madaxweynaha Mareykanka oo Yurub kaga qeybgalaya shirar muhiim ah

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa gaaray Magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga,si uu uga qeybgalo shir madaxeedka G-20 ee looga hadlaayo arrimmaha canshuuraha oo ah ajeendaha ugu horeeya oo heer caalami ah.

Madaxweynaha ,ayaa sidoo kale habeenka Axada ee soo socota u ambabixi doona Scotland, si uu uga qayb galo shirka cimilada ee Qaramada Midoobay.

Mr Biden waxa uu isku dayi doonaa in uu gudbiyo fariinta ah in Maraykanku uu dib ugu soo laabtay dadaalka loogu jiro wax ka qabashada isbadalka cimilada, ka dib markii madaxweynihii ka horeeyay ee Donald Trump uu ka baxay heshiiskii cimilada ee Paris.

Safarkaan, ayaa imaanaya xilli madaxweynaha iyo xubnaha dimoqraadiga uu ka dhaxeeyo muran ku saabsan meel marinta qarashaad loogu talagalay mashaariicda gudaha dalkaasi,wuxuuna Joe Biden codsaday in marka hore la taageero qorshayaashiisa sharci eek ku aadan ka qeybgalka labada shir madaxeed ee ka dhacay Rooma iyo Scotland.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer guriceel

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha Guutada 15-aad iyo Taliyaha qaybta 21-aad ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka reer guriceel oo ay kawada hadleen howsha ciidanka qalabka sida ay kawadaan deegaanka iyo guulaha laga soo hooyay howlgaladii ugu dambeeyay ee dib gacanta dowlada loogu soo celiyay degmadan, taasi oo sida waxgaradku sheegay soo af jartay hubanti la’aantii amni ee bulshadu wajahayeen.

General Odawaa Taliyaha Xoogga ayaa reer guriceel ku bogaadiyay shaqada adag ee ay la qabteen ciidanka qaranka iyo kuwa Galmudug mudadii uu socday howlgalku, isagoo tilmaamey in howshaasi qayb ka aheyd waajibaadka ciidanku u xil-saaranyahay ee isugu jirta ilaalinta xuduudaha iyo ka hortagida cadawga gudaha iyo kan dibada.

Waxgaradka reer guriceel ee la kulmay Taliyaha xoogga iyo saraakiisha kale ayaa goobta ku wareejiyay 10-neef oo geel ah, raashin iyo cabitaano ay ugu talagaleen dhiirigalinta ciidanka amniga.

Gudoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa balan qaaday in bulshada uu hoggaamiyo sii wadi doonto taageerida ciidanka.

General: Cabdi jaamac maxamed “Cigaal” Taliyaha qaybta 21-aad ee Ciidanka Dhulka xoogga dalka ayaa mahad celin kadib, adkeeyay in ay wali ku jiraan Ciidamadu heegan ay kaga jawaabi doonaan in la hubiyo kala dirida kooxda hubeysan ee laga saarey guriceel.

Kalluumeysiga sharci darada ah oo ku soo badanaya badda Soomaaliya

Qaar ka mid ah kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ka jilaabta xeebaha bariga Mudug ayaa cabasho ka muujiyay koorka maraakiib shisheeye oo si sharci dara ah uga kalluumeysta biyaha badda ee dalka.

Aamiin saciid Aadan oo ka mid ah kalumeystada ku dhaqan  xeebaha dagmada hobyo,ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in maalmihii u danbeeyay ay soo baxeen qeylo dhaan ku aadan maraakiib shisheeye oo sida sharci darada ah uga kaluumeysanaya xeebaha bariga Gobalka Mudug.

Kalluumeysatada gobolka Mudug ayaa sheegay in kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira badda Soomaaliya ay ay saameeyn ku yeesheen nolasha kumanaan qoys oo ku tiirsanaa wax soo saarka badda.

Qaar ka mid ah kalluumeysatada Soomaalida ayaa fikrad ahaan qaba in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban kalluumeysiga sharci darada ah ee maraakibta shisheeye ay dhallin karaan ,shaqo la’aan ku timaada kalluumeysatada,hoos u dhac dhinaca la xiriira kheyraadka badda iyo bulshada kalluumeysatada ah ka barakacda deegaanada xeebaha ah ee dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Kormeeray Hoggaanka baarista Dembiyada ee CID

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta kormeeray Hogaanka Baarista Dambiyada ee CID qeybihiisa Kala duwan.

Taliyaha ayaa warbixin ku saabsan habsami usocodka shaqada hay’addani u hayso bulshada ka dhageystay hogaanka CID, waxaana uu kula dardaarmay in la laba jibaaro shaqada Qaranka

Dowladda Soomaaliya oo mar kale ammartay in laga guuro dhulka War-laliska ee degmada Deyniile

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu faray dadka deggen dhulka War-laliska ee degmada Deyniile inay muddo kooban ugu baxaan.

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay digniintii ugu dambaysa siinaysaa Dadka sida Sharci Daradda ah ku dagan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile.

Wasaaraddu iyadoo tixraacaysa Xeer Madaxwayne ee ku taariikhaysan 27 October waxay wargalinaysaa Dowladda Hoose iyo Taliska Booliska Gobalka Banaadir inay guda galaan laga bilaabo 15 ka Bisha November banaynta Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile”.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Wasaaraddu fartay dadka deggen dhulka War-laliska inay isaga guuraan, waana markii labaad ee ay kasoo baxdo wasaaraddu digniin noocan oo kale ah.

Madaxweyne Lafta-gareen oo booqday Balli-doogle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa manta gaaray Xerada Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Mudane; Lafta gareen iyo wafdigiisa ayaa kormeer iyo Indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xerada Balli-doogle, iyagoo sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan howlaha tababarrada Ciidanka Kumaandooska ee Danab.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa la kulmay saraakiisha Sooaaliyeed iyo kuwa ka socda Waddamada ay saaxiibbada nahay, isagoo kala sheekaystay howlaha tababarka ciidamada ee halkaasi ka socda.

 

AMISOM oo beenisay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Guri-ceel

Hoggaanka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa iska fogeeyay eedeymaha ku saabsan in ay ku lug lahaayeen, isla markaana ay taageero ku siiyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalkii ay horraantii todobaadkan kula galeen kooxda hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca magaalada Guri-ceel.

War kasoo baxay xafiiska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay  oggolaasho u haystaan oo keliya nabad ilaalin, iyagoo raacaya waajibaadka ay Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u siinayaan.

“Eedeymahan ayaa ah been abuur , sun iyo kuwo xaasidnimo, oo si bareer ah loogu tala galay in mad-madoow lagu dhex geliyo AMISOM iyo Soomaalida” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya.

Hadalka AMISOM ayaa imanaya markii ay hoggaanka Ahlu-sunna ku eedeeyeen Ciidamada howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya inay gacan ka geysteen dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Guri-ceel.

AMISOM oo tababar usoo xirtay xubno ka tirsan Boliiska Koofur Galbeed

25 xubnood oo ka tirsan saraakiisha Booliska dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya ayaa tababar soconayay muddo todobaad ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Tababarkan oo ay bixinaysay waaxda Boliiska ee AMISOM ayaa lagu baranayay casharro la xiriira baaritaannada dembiyada, maareynta iyo la dagaallanka Argagixisada, xog uruurinta iyo adeegsiga siraha, baadi goobka iyo soo qabashada tuhmanayaasha IWM.

Taliyaha Booliska Gobolka Baay, Col; Amiin Maxamed Cismaan, ayaa sheegay in tababarkan gaarka ah uu yahay mid sare loogu qaadayo tayada Booliska Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si ay uga hortagaan, u maareeyaan, isla-markaana ula dagaallamaan Argagixisada.

“Tababarkan wuxuu ahaa mid baahi weyn loo qabay oo awood u siinaya hay’adaha ammaanka inay ka hortagaan qorshayaasha iyo tabaha ay Al-Shabaab ku doonayaan inay argagax ku geliyaan oo ay naf iyo maalba ku burburiyaan,” ayuu yiri Col. Amiin.

Bisong Ejue, oo ka mid ah saraakiisha Booliska AMISOM ayaa sheegay in tababarku uu kor u qaadayo xirfadaha lagu horumarinayo xiriirka ka dhaxeeya Booliska iyo bulshada, wuxuuna intaa raaciyay in saraakiishu ay haatan leeyihiin faham buuxa oo ku aaddan la dagaallanka Argagixisada iyo baarista dembiyada tuhmanayaasha.

 

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer kasoo saaray ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada Doorashada.

Oct 27, 2021;Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego; Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.

4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

DHAMMAAD