Dowladda Soomaaliya oo mar kale ammartay in laga guuro dhulka War-laliska ee degmada Deyniile

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa lagu faray dadka deggen dhulka War-laliska ee degmada Deyniile inay muddo kooban ugu baxaan.

“Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay digniintii ugu dambaysa siinaysaa Dadka sida Sharci Daradda ah ku dagan Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile.

Wasaaraddu iyadoo tixraacaysa Xeer Madaxwayne ee ku taariikhaysan 27 October waxay wargalinaysaa Dowladda Hoose iyo Taliska Booliska Gobalka Banaadir inay guda galaan laga bilaabo 15 ka Bisha November banaynta Dhulka Warlaliska Raadiyo Muqdisho ee Degmadda Dayniile”.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Wasaaraddu fartay dadka deggen dhulka War-laliska inay isaga guuraan, waana markii labaad ee ay kasoo baxdo wasaaraddu digniin noocan oo kale ah.