Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} oo maanta kormeer howleed ku tegey Hoggaanka Gaadiidka Boliiska

S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar}Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska.
Taliyaha ayaa sidoo kale kormeer midkaan la mid ah ku tegey dugsiga tobabarka Boliiska ee General kaahiye halkaas oo lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gobollada Woqooyi isagoo u kuur galaya qaabka sarreya ee loo sugayo amniga goobta.
Kormeerka taliyaha ayaa qeyb ka ah dardar gelinta howlaha amniga doorashooyinka ee Boolisku u xilsaaran yahay.

mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ugu tacsiyey wasiirka amniga geeridii ku timi Illaahay ha unaxariistee hooyadii Xabiiba Cariif Weydow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka geeridii ku timid Hooyadii marxuumad Xabiiba Cariif Weydow oo saaka Muqdisho ku geeriyootay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur oo hooyadiis marxuumad Xabiiba Cariif Weydow ku geeriyootay Muqdisho. Waxaan marxuumadda Eebbe uga baryayaaa in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelada iyo qaraabadana Samir iyo iimaan ka siiyo”. Ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble

Guddiga xallinta Khilaafaadka oo war ka soo saaray doorashada golaha shacabka ee gobolada Waqooyi

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020-2021, ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan doorashadda golaha shacabka ee Kuraasta Goboladda Waqooyi.

Golaha wakiilada Puntland oo maanta Gorawe ku shiray

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-Guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 48 Mudane ayaa looga dooday Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 49-aad, Dood dheer kadib, Waxaa Goluhu ansixiyey Ajandaha rasmiga ah oo ka kooban 13-qodob, Waxaana cod aqlabiyad ah ku ogolaaday 46 xubnood, waxaa ka aamusay 2 mudane, mana jirin cid diiday.

 

Madaxweynaha K/galbeed oo amray in la dardar geliyo howlgalada ka dhanka ah argagixisada

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidanka Xooga dalka qeybta 60aad iyo Ciidamada AMISOM.

Lafta-gareen ayaa kala hadlay Saraakiishan oo uu horkcayay taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed sheikh Cabdullaahi Ciirow arrimaha amniga iyo in la dardar geliyo dagaal ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo dhibaato ba’an ku haya shacabka gobolka Bakool iyo guud ahaan Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la furo qaar ka mid ah wadooyinka gobolka Bakool ee ay go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab si ay shacabka u helaan amni iyo nolol ka wanaagsan mida hadda ay ku jiraan.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Generaal Maxamed sheikh Cabdullaahi Ciirow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen in si wadajir ah shacab iyo ciidan la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah nabad-diidka Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka shaqada wanaagsan ee ay u hayaan shacabka gobolka Bakool, wuxuuna ku booriyay in ay sida ugu dhaqsaha badan ku bilaabaan howlgalada lagu baacsanayo argagixisada Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga oo shir guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’addu ku leedahey Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Kuxigeenada, iyo Agaasime waaxeedyada Hey’adda. Shirka ayaa lagu soo bandhigey warbixinada shaqo ee todobaadkii la soo dhafaay iyo qorshayaasha todobaadka soo socda.

Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha Md, Farxaan Cali Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Md, Yuusuf Cali Maxamed.
Wasiirka Amniga Gudaha XFS Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa mahadcelin iyo bogaadin u soo jeediyay Madaxda iyo Saraakiisha HSJ shaqada adag ay qaranka u hayaan, isagoo xusay inuu xog ogaal u yahay duruufaha adag ay ku shaqeeyaan howlwadeenada Hey’addu. Ugu dambeyn Wasiirka ayaa kula dardaarmay Agaasinka Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaya in la joogteeyo shaqada isla markaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeri.

Habraaca doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi oo la soo saaray

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa soo saaray habraaca doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ee lagu waddo in maalinta berri ay ka bilaabato magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyagoo tixgelinaya Dastuurka KMG ee JFS, heshiisyadii iyo habraacii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021, ayaa waxay soo saareen hannaanka loo marayo dooorashada Golaha Shacabka ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Shirka dhab u heshiissiinta Qaran oo ka furmay Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u Heshisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay magaalada Muqdisho ka daahfurtay Shirka 2-aad ee dib-U-Eegista Hanaanka hab u Heshisiinta Qaran.

Shirkaan oo socon doono mudo labo Maalmood waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Waxaana shirkan oo sanadkii mar la qabto kasoo qayb galay Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka,Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Maamulka Cisbitaalka Guriceel

Gudigga gurmadka Guriceel ee uu hore u magacaabay madaxwaynaha Galmudug ayaa shixnad Dawo ah oo ka kooban 3-diyaaradood ku wareejiyay Maamulka isbitaalka Istarliin ee Guriceel.

Agabkan oo loogu talagaley in gurmadka degdeg ah oo Caafimaad ay u noqoto kumanaanka qoys ee ku barakacey deegaanada ku xeeran Guriceel ee mudadii ay bannaanka joogeen la soo Wariyay in ay wajahayaan xanuuno kala duwan kuwaas oo Wasaaradda Caafimaadku sheegtay in daawadan wax looga qaban doono ka jawaab celinta culeyskaasi baaxada leh iyo dardar galin shaqada isbitaalkan.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiinooyinka Galmudug Makaawe iyo Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul insaanka Ubax Xuseen Dhiblaawe oo Gudigga ka wada tirsan ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabadan wareejinta daawadan.

Dr.Cali Cabdi Muuse,iskuduwaha Caafimaadka Degmada Guriceel ayaa ka mahad celiyay taakuladan Guddiggu la soo gaaray isbitaalka Istarliin oo ka mid ah xarumaha Caafimaad ee waxyeeladu kasoo gaaray hubkii la isku adeegsadey maalmihii uu socday dagaalkii Guriceel ka dhacay todobaadkii hore.

Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Galmudug, Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa adkeeyay in gurmadkan Caafimaad ay Wasaaraddu sii wadi doonto, wuxuuna wasiirku ku booriyay shaqaalaha isbitaalka in ay heegan u galaan la tacaalida bukaanada xanuunadu kusoo riteen goobaha loo barakacey ee iminka bulshadu kasoo laabaneyso.

Madaxweynaha Galmudug oo ciidanka xoogga dalka ku booriyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shalay gelinkii dambe kormeer ku tagay xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee Degmada Guriceel.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada u jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn ku ammaanay Ciidanka Qalabka Sida wanaagsan ay uguteen waajibaadkooda iyo markastana ugu taaganyihiin difaaca ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan dagaalka ka dhan ah cadowga Al-Shabaab iyo cid kasta oo isku dayda in ay qal qal ka abuurta deegaanada nabdoon ee Galmudug.