Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} oo maanta kormeer howleed ku tegey Hoggaanka Gaadiidka Boliiska

S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar}Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa maanta kormeer howleed ku tagay Hoggaanka Gaadiidka Boliiska si loo dardargaliyo howlaha u yaalla Ciidanka Boliiska.
Taliyaha ayaa sidoo kale kormeer midkaan la mid ah ku tegey dugsiga tobabarka Boliiska ee General kaahiye halkaas oo lagu qabanayo doorashada xildhibaanada gobollada Woqooyi isagoo u kuur galaya qaabka sarreya ee loo sugayo amniga goobta.
Kormeerka taliyaha ayaa qeyb ka ah dardar gelinta howlaha amniga doorashooyinka ee Boolisku u xilsaaran yahay.