Xildhibaankii ugu horeyay ee Golaha shacabla BJFS oo la doortay

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya  Mahdi Guuleed khaddar ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ee dooroshada Golaha shacabla BJFS ee deegaan dooroshadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa helay codod gaaraya 97-cod halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf oo la tartameysay aya heshay 3-cod

Waxana halaabay /xumaaday 1;cod

Doorashada Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Muqdisho ka bilaawaneyso.

Doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaawan doonto gudaha Magaalada Muqdisho.

Doorashada ayaa lagu bilaabi doonaa labo kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka kasoo galayo dhanka  Gobolada Waqooyi kuwaas oo la diyaariyey ergooyinkii u codeyn lahaa Musharixiinta ku tartamo kuraastaas.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa shalay booqday xarunta loo diyaariyey in ay ka dhacdo doorashada labada kursi ee ka tirsan Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo soo saaray Habraaca Soo Gudbinta Dacwooyinka Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa soo saaray Habraaca Soo Gudbinta Dacwooyinka Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Guddiga

Ra’iisul wasaaraha JFS oo kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada Kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kormeeray goobta ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye si uu ugu kuurgalo u diyaar garowga doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Waqooyi ee SEIT iyo saraakiisha amniga doorashada, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan u maamulaan howsha doorashada oo la qorsheynayo in ay berri bilaabato.

Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddiga fulinta ee ilaalinta dhulka danta guud.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magacabaya gudiga fulinta wareegtadii madaxweynaha ee ilaalinta dhulka danta guud.

Guddiga Fulinta ee uu Ra’iisal wasaare Rooble uu magacaabay ayaa ka kooban afar Wasiir oo ka tirsan golaha wasiirada XFS, waxa ayna kala yihiin.

  1. Wasiirka Arimaha: Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye
  2.  Wasiirka Cadaaladda: Cabduqaadir Maxamed Nur
  3. Wasiirka Amniga: Cabdulaahi Maxamed Nur
  4. Wasiirka Waxbarashada: Cabdulaahi Carab

Gollaha Wasiirada XFS oo magacaabay Agaasimeyaasha Laba Hay’adood

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulan ay maanta yeesheen ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’ adda Socdaalka & linsiyadda oo loo magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali, iyagoo uga mahadceliyay Agaasimihli hore ee hay” adda Mudane Maxamed Aadan Koofi howshii u soo qabtay.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada XFS ayaa ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Eng.Cabdulqaadir Aadan Maxamuud.

Madaxwayne Dani oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashoyinka heer Federaal iyo Xubnaha heer Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro .

Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Wafdigan Guddoomiyaha guddiga Doorashoyinka heer federaal ayaaa deegaanada Puntland u jooga indha indhaynta iyo u diyaargarowga iyo bulshada iyo Maamulka ee Doorashada xubnaha Baarlamaanka Aqalka Hoose oo qayb ka mid ah laga soo dooran doono deegaanada Puntland gaar ahaan Magaaloyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka u dabbaaldegaya xuska maalinta caasimadaha

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa 31-ka Oktoobar u aqoonsaday maalinta magaalooyinka adduunka,si kor logu qaado danaha bulshooyinka caalamka,iyadoo la riixayo iskaashiga ka dhexeeya dalalka ,isla markaana wax laga qabanayo caqabadaha ka jira magaalooyinka.

Xuska maalintaan oo lagu saleeyay qaraar tirsigiisu tahay 68/239, ayaa waxa ay  ka dhigan tahay in magaalooyinka ay yihiin kuwo suurtaalin kara qaabab cusub oo is dhexgal bulsho ah,taas oo ay ku jiraan  helitaanka adeegyada lagama maarmaanka ah,abuuritaank fursado cusub, iyo ka-qaybgalka maalgashiga caasimadaha.

Ujeedada loo asteeyay maalinta caasimadaha ayaa ah in la muujiyo horumarka caasimadaha iyo in magaalooyinka iyo degmooyinka ay yihiin kuwo dadku ay u  dhan yihiin, badbaado leh oo suurtagalin kara nolol waarta.

Qaramada Midoobay waxay sanadkii 2015-kii go’aamisay in labaatanka sano ee soo socda la dejiyo ajeendo ah sidii loola tacaali lahaa caqabadaha soo wajaha magaalooyinka,ka dib markii 193 dal oo caalamka ah ay isku raaceen tallaabadaasi.

Haddaba,caasimadda dalka Soomaaliya,waxa ay ka mid tahay kuwa lagu tiriyo in sanadihii u dambeeyay ay ku tallaabsatay horumar lixaad leh oo ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ku yimid  hiigsiga mustaqbal wanaagsan oo ifaya.

Si loo helo caasimad habboon oo ku wanaagsan dalxiiska waa in xil la iska saaraa soo celinta bilicda magaalada iyo in dib u dejin loo sameeyo barakacayaashha ee soo buux dhaafiyay caasdimadda.