Madaxdii la afgambiyey ee dalka Sudan oo la la’yahay

Qareeno matalaya hoggaamiyayaasha rayidka ah ee Sudan ee lagu xabisay afgambigii militari ee dalkaas ka dhacay toddobaadkii tegay ayaa sheegay inaan la garaneyn meel ay ku sugan yihiin “ayna ku jiraan xaalad sharci oo halis ah.

Toddobaad kahor, ciidamada ayaa xiray ra’iisul wasaare Cabdalla Hamduuk, wasiiradiisa iyo hoggaamiyayaasha rayidka ee hoggaaminayey xaaladda kala guurka ee Sudan ay ugu gudbeysay nidaam dimoqraadi ah kadib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir 2019-kii.

Wixii markaas ka dambeeyey koox qareeno ah oo ay taageerayaan qoysaska madaxda ayaa sheegay inay matalayaan madaxda.

“Waxaan tagnay xarunta dacwad-oogista dambiyada oo aan rumeysneyn in lagu hayo, balse ma aysan joogin halkaas,” waxaa sidaas yiri Kamal al-Gizouli oo ah madaxda qareenada difaaca.

Gizouli ayaa walaac ka muujiyey badqabka maxaabiista, wuxuuna ku baaqay in la shaaciyo halka lagu hayo.

“Maxaabiistan waxay ku sugan yihiin xaaladda ugu halista badan ee sharci, maadaama aan waxba la ogeyn kiiskooda iyo cidda hogaamineysa baaritaanka,” ayuu ku daray.

Jeneraalka ugu sareeyay Sudan Cabdifataax Al-Burhaan ayaa 25-kii October sheegay inuu kala diray golaha wasiirada iyo golaha qaranimada oo ka koobnaa militariga iyo rayidka.

Cabdalla Xamduuk ayaa hadda ku jira xabsi guri, hase yeeshee waxaan waxba laga ogeyn xaaladda xubnaha kale ee golaha wasiirada.

Burhan ayaa golaha qaranimada hoggaaminayey tan iyo 2019, isaga oo ka dhinac shaqeynaya Xamduuk, taasi oo qeyb ka aheyd heshiis awood qeybsi.

Shirka Cimilada Adduunka oo ka furmay Glasgow

Magaalada Glasgow ee xarunta mandaqada Scotland ee dalka UK waxaa Isniintii si rasmi ah uga furmay Shirka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyey ku sheegay in xaaladda isbeddelka cimilada ay halkii ugu xumeyd mareyso, waxaana uu ku matalay bam la fili karo in uu qarxo taas oo kow u noqon doonta dhammaadka adduunka haddii aan caalamku si dhakhso ah wax uga qaban.

Boris ayaa u sheegay madaxda iyo waftida kulanka kasoo qayb gashay in xaaladu cakiran tahay isbeddelka cimiladuna aanu ahayn khiyaali ee uu yahay khatar dhan ah oo jirta.

130 wafdi iskugu jira madaxweenayaal ra’iisul wasaarayaal iyo madaxda hay’addo kala duwan ayaa lagu wadaa in ay meel wax wada dhigaan iyagoo lagu wado in laga xaajoodo waxyaabaha ay wadamadooda ka qabanayaan.

Dowladda Uganda oo xir xirtay 48 Ruux

Dowladda Yugandha, ayaa xirtey 48 ruux, oo loogga shakisan yahay qarax bambaano, kaasoo uu ku dhintey hal qof, magaalada caasimadda ee Kambala, taasoo lala xiriiriyey Kooxda Dowladda Islaamiga.

Sida laga soo xigtey barta Daily Monitor, dadka laga shakisan yahay, ayaa lagu eedeeyey falkii ay ku kaceen inuu yahay mid argagaxisnimo, iyadoo lagu xirey dadkani hawlgal ay sameysay hey’adda nabad sugidda.

Madaxweynaha Yugandha ayaa ku dhawaaqey in weerarka qaraxani yahay mid argagaxisnimo, laakiin booliiska Yugandha ayaan wax weyn kasoo qaadin sheegashada Kooxda Dowladda Islaamiga ee qaraxani.

Xiligaa kadib, ayaa dalka Yugandha, waxaa ka dhacey qarax kale oo lala beeg sadey bas, kaasoo u socdey magaalo ku taalla bartamaha dalkani ee Mbigi, taasoo uu Madaxweyne Musefeni sheegay in qaraxaasi uu ku dhintey dhagar qabihii.

Booliiska dalka Yugandha, ayaa kal hore xirey laba qof, kuwaasoo loogga shakiyey iney maal galiyaan kooxda ADF oo saldhig ku leh dalka Kongo DR, laguna eedeeyey iney ka dambeeyeen labada qaraxba.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo maamulada ugu baaqay bilaabida doorashada Gollaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 1- Nofember-2021 la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Roobleh oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.

Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)

Dalalka caalamka ayaa manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta dambiyada  ee loo geysto qeybaha suxuufiyiinta ee ka howlgala dubida .

Xuska 2-da Novembar waa maalin caalami ah oo qaramada Midooay ay u aqoonsatay in loo dabbaaldego,isla markaana dadka lagu baraarujiyo waxtarka iyo qiimaha ay leeyihiin qeybaha suxuufiiinta iyo weliba tacadiyada lala beegsado xilliyada ay ku jiraan shaqooyinka lagama maarmaanka u ah warbaahinta.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay  A/RES/68/163,soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayaa in dalka Soomaaliya iyo dunida kalebba,ay isu taagaan qodobo ay ka mid yihiin ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo soo afjaridda dhaqanka la xiriira ciqaab la’aanta dadka ka dambeeya dambiyadaasi.

Haddaba,Dalka Soomaaliya,waxa uu ka mid yahay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee daneynaya in maalinta caalamiga ah ay noqoto mid lagu soo afjarayo isla xisaabtan la’aanta dambiyada dagaal ee ka dhanka ah suxufiyiinta.

Waa dhab in dalka Soomaaliya uu ka mid yahay dalalka ay sida xoogan uga jiraan tacadiyada loo geyso suxuufiyiinta,gaar ahaan dilalka,hanjabaadaha, rabshadaha iyo dembiyada abaabulan ee lala beegsado qeybaha warbaahita.

Waxaa xaqiiqo ah in sanadihi u dambeeyay Warbaahinta Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn,waloow,ay barbar socdeen gumaad iyo xasuuq loo geysanaayey dadka xirfadlayaasha ah ee fursadda u helay in ay abuurtaan mustaqbal wanaagsan.

Inkasta oo dilku yahay nooca ugu xun ee hakin kara xowliga ay ku socdaan qeybaha warbaahinta,waxaa waajib ah in la helo cid u howlgasha dhowrista xorriyadda hadalka,gaar ahaan gudbinta macluumaadka iyo fikradaha dadweynaha ee lagama maarmaan u ah warbaahinta dunida.

Si looga baaqsado xadgudubyo dhalin kara cabsi iyo hakad shaqo, waa in ay jiraan heyado amni oo wax ka qabta tacadiya ay ka mid yihiin afduubka, jirdilka iyo weerarada kale.

Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay gudaha dalka Soomaaliya iyo caalamkaba,waxaa ku dhintay in ka badan 1848 ruux oo isugu jiray shaqaale warbaahin iyo suxufiyiin,kuwaas oo ku howlanaa tabinata warar iyo barnaamijyo loo gudbinaayey bulshada.

Ciqaab la’aantu, waa mid dhaawaceysa arrimaha bulshada,isla markaana  dhiirigelineysa in la qariyo xad-gudubyada xuquuqda aadanaha, musuqmaasuqa, iyo dembiyada kale

In la soo gabagabeeyo ciqaab la’aanta dambiyada ee laga galo saxaafiyiinta waa tallaabada ugu muhiimsan ee dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaad dhameystiran oo ay u baaham yihiin  muwaadiniinta.

Ujeedada guud ee xuska maalita caalamiga ah ayaa ah in la isku baraarujiyo wax ka qabashada dambilayaasha ka dambeeya xagudubyada  suxuufiyiinta, iyo in la helo xal  lagu  badbaadiyo dadka ka shaqeeya qeybaha warbaahinta .

Gabagabadii farriinta muhiimka ah ee aan gudbineyno ayaa ah in dowladda fedeaalka ah iyo bulshada Soomaaliyeed  ay garab istaagaan suxuufiyiinta,isla markaana ay qaataan doorka kaga aadan badbaadinta saxafiga.

W/qoray Shire Xasan Kulmiye

Dowladaha Ingiriiska iyo Faransiiska oo ka wada hadlaya khilaaf soo kala dhexgalay

Faransiiska ayaa isniintii dib uga laabtay khilaafkii kala dhaxeeyay UK ee ku saabsanaa xuquuqaha kalluumeysiga ee ka dib ka bixitaankii UK midowga Yurub waxayna meesha ka saareen cunaqabateyn la qorsheeyay saqda dhexe iyadoo Britain ay muujisay inay si wax ku ool ah u qaadayso shatiyada kalluumeysiga.

Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ka qayb galaya shirka 26-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka Cimilada, ama COP26, oo ka dhacaya Glasgow, Scotland, ayaa u sheegay suxufiyiinta in aan cunaqabatayn la qaadi doonin inta ay socdaan wada xaajoodyada u dhexeeya Faransiiska, UK iyo Guddiga Yurub.

Britain ayaa dhankeeda ku boorisay Faransiiska inuu ka laabto hanjabaadaha la xiriira kastamka oo kordhay iyo hubinta fayadhowrka ee badeecadaha iyo xamuulka ka imaanaya UK iyo mamnuucista maraakiibta kalluumeysiga ee Britain inay wax soo saarkooda ku dejiyaan dekeddooda, taasoo carqaladeyn doonta ganacsiga labada waddan.

Dabley dad shacab ah ku laysay dalka Burkina Faso.

Dabley aan la aqoonsan ayaa weerar ku qaaday dad rayid ah oo ku sii jeeday suuq ku yaal waqooyiga Burkina Faso subaxnimadii hore ee Isniintii, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof, afar kalena waa la la’yahay, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan wadankaasi.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Markoye ee gobolka Saaxil, sida ay wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegeen ilo ka tirsan wasaaradda amniga oo diiday in magacooda la shaaciyo.

Ugu yaraan shan sarkaal oo booliis ah ayaa Axaddii lagu dilay weerar la mid ah midkan waqooyiga dalka waxaana sidoo kale lagu dilay 15 “argagixiso” sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga.

Weerarkii ugu dambeeyay ayaa dhacay iyadoo Burkina Faso ay u dabaal dageysay sanadguuradii 61-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidamadeeda iyadoo xaflad diiradda lagu saarayay la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo kormeeray qaar ka mid ah isbitaalada magaalada Guriceel.

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac oo ay wehliyaan qeyb ka mid ah xubnaha wasiirada ah ee ku jira Guddiga gurmadka dadka ay saameyntu kasoo gaadhey dagaalkii Guriceel  ka dhacay todobaadkii hore ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah isbitaalada Guriceel ee ay saameynta ku yeesheen madaafiicdii ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa si gaar ah u booqday isbitaalada Istarliin iyo Kulmiye oo ay saameyn xooggan kuyeesheen dagaalada, si gaar ahna uu gabi ahaanba gubtay Isbitaalka Kulmiye oo ay basbeeleen 21-qol iyo waxii qalab ah ee dhex yaaley.

Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in waxyeelada gaadhey goobahan Caafimaadka tahay mid baaxad leh kana balaaran wax ay ku filantahay wax ka qabashadooda wasaradda Caafimaadka Galmudug oo si gaar ah isugu howshay in la dayactiro qaybta raajada isbitaalka Istarliin oo madfac ku dhacay uu burburiyay dhismahaasi.

Isbitaalada Guriceel oo qaarkood saameyntani soo gaartay ayaa qaabilaya daryeelka Caafimaad ee kumananaanka qoys ee guryahooda ka barakacay kuwaasi wali la daalaa dhacaya saamaynta caafimaad ee kasoo gaartay dagaalka dhowrka maalmood qaatay ee ka socday Magaalada Guriceel

Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha. Waxaa Kala qeyb galay Madaxweynaha Kulankan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Biixi Iimaan Cige oo loo doortay xildhibaankii labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Biixi Iimaan Cige  oo hora yuga tirsanaa Golaha Shacabka ayaa ku guuleystay kursiga labaad ee dooroshada Golaha shacabka BJFS ee deegaan dooroshadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod halka musharaxa la tartamayey C/raxmaan Ismaaciil uu helay Sagaal Cod waxaana halaabay hal cod ka mid ahaa codadka 101 ergo ee codeysay.

Biixi Iimaan Cige ayaa noqonaya xildhibaankii labaad ee kusoo baxay doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka aha ee Soomaaliya.