Facebook oo laga saaray qoraalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed

Shirkadda Facebook oo tirtay qoraalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyadoo ku dooday in uu ka dhan ahaa siyaasadda shirkadda ee hurinta rabshadaha.

Axaddii ayaa Abiy Axmed ugu baaqay shacabka in ay hubkooda qaataan isla markaana ka hor taggaan jabhadda TPLF oo ku soo sigaysa dhinaca caasimadda Adis Ababa.

Qoraalka Abiy ayaa ahaa sidan: “Mucaaradka waxay doonayaan in ay dalka burburiyaan, hubkiina qaata oo is abaabula, sameeya talaabo kasta oo sharci ah oo aad uga hor tagaysaan, sidoo kale aasa argagaxisada TPLF”.

Shirkadda Facebook ayaa horey loogu dhaliilay sida ay uga guuldareysatay in ay ka hor tagto isla markaana xakameyso faafinta wararka beenta ah iyo kicinta rabshadaha iyo naceybka.

Afhayeen u hadlay Facebook oo BBC soo xigatay ayaa sheegay in dadkii ku doodayay in Facebook aysan wax ka qabanin waxyaabaha kicinta ku saleysan, “Waxaan tirnay qoraalka Ra’isul wasaare Abiy sababtuna waxay tahay wuxuu xadgudub ku ahaa siyaasadeena ka dhanka ah kicinta iyo taageerada rabshadaha”.

Sidoo kale, Facebook oo dhowaan la baxday magaca Meta ayaa xustay in la tirayo waxyaabaha ay qoraan shakhsiyaadka ama hey’adaha ee ku saleysan kicinta anagoon loo eegeynin cidda qoreysa waxyaabahaas.

Dokumentiyo badan oo la soo dusiyay ayaa muujinaya in Facebook lagu wargeliyay in ay talaabo ka qaado dadka barteeda ku abaabuleya rabshadaha ku saleysan isirka ee ka socda dalka Ethiopia.

Bishii horey senate Mareykanka ayaa dhageystay Frances Haugen oo ka tirsaneyd shaqaalaha Facebook ayaa sheegtay in Facebook ku guul dareystay in uu wax ka qabto hadalada kicinta ah ee lagu isticmaalo barteeda meelaha colaadaha ka jiraan sida Ethiopia.

Colaadda Ethiopia ayaa bilaabatay sanad ka hor ka dib markii ciidanka dowladda ku duuleen gobolka Tigrey ee waqooyiga dalkaas.

Dagaaladaas waxaa ku dhintay kumanaan shacab ah iyadoo boqolaal kun oo kale qarna u fuuleen gaajo iyo macluul oo colaadda sababtay, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Dagaalkaas sanadka socday ee u dhexeeyay dowladda dhexe iyo TPLF ayaa hadda waxaa u uku fideyaa dalka intiisa kale iyadoo TPLF ay qabsadeen dhowaan magaalooyin muhiim ah.

Xabbad joojin ka dhaqan gashay deegaanka Dhagtuur oo dhawaan lagu dagaallamay

Galmudug ayaa xabbad joojin ka dhaqan galisay degaanka Dhagtuur ee Koofurta gobolka Mudug kadib markii saacadahii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay qaboojinta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta dhib kale oo halkaas ka dhaca.

Dhinacyada oo maanta ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana maalinta berri ah ayay u balameen shir weyne ka dhici doona deegaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii labada dhinac ee walaalaha ah kala gaartay.

Ciidamada oo howlgallo ka sameeyay magaalada Guriceel

Cadaado- Cutubyo ka kala tirsan Ciidamada Milateriga, Booliska iyo Nabad sugidda ayaa Maanta siwadajir ah howlgallo qorsheysan oo Ammaanka lagu xaqiijinaayo uga fuliyay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadu waxa ay siweyn ugu baarayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo sigaar ah u beegsanayay Gawaarida muraayadaha madow kaga fiiqayay .

Saraakiisha Ciidamada horkacaysay ayaa waxay sheegeen in howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmada kadib markii dhawaan Ciidanka dowladda ay magaalada dagaallo maalmo qaatay kaga sareen maleeshiyaadka Ahlusunna.

Diyaarad ku burburtay Dooloow Soomaaliya

Diyaarad nooca rakaabka oo ka ambabaxday magaalada Muqdisho kuna sii jeedday degmada Dooloow Soomaaliya ayaa maanta ku burburtay madaarka magaalada Dooloow.

Diyaaraddan ayaa u rarneeyd Hey’adda WFP, taasi oo  sidday qalab u badan Matoorro oo ay lahaayeen Ganacsato reer Doolow ah.

Maamulka iyo howl wadeenada Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow ayaa gurmad u sameeyay Diyaaradan uu dabka ka kacay.

Wali lama xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabka qabsaday Diyaaradan.

Wasiirka Caddaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabbilay ku xigeenka Ergayga QM u qaalbilsan Soomaaliya

Wasiirka caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane  Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qm u qaalbilsan arrimaha Soomaaliya, sidoo kalana ah isku duwaha arrimaha bini aadanimada Adam Abdelmoula.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caddaaladda oo kulanka qayb ka ahaa ayaa wafdiga ka socday Qm uga warbixiyey howlaha Baaxada leh ee Wasaaradu u hayso Bulshada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay  dardargalin iyo horumarinta hay’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka u qaalbilsan dalka iyo sii la isaga kaashan lahaa taageerada lagu tayeynaayo dhamaan Hey’adahan.

Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii ay u sii wadi lahaayeen taageerada ay ku bixiyaan horumarinta Hey’adaha Caddaaladda iyo Garsoorka.

Wasiirka Caddaladda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa uga mahadceliyey Madaxda QM ee Soomaaliya sida ay u garab taagan yihiin Hey’adaha caddaaladda, isaga oo ka codsaday inay sii laba jibaaraan taageeradooda.

HOWL-GAL LAGU XAQIIJINAYO AMAANKA GOBOLKA GEDO OO KA DHACAY DULEEDKA DEGMADA GARBAHAAREEY

Howlgalkani oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka magaalada Garba-haareey iyo nawaaxigeeda halkaasi oo lagu wado inay ka qabsoonto Doorashada Goloha shacabka ee Baarlamaanka J.F.S.

Howlgalka ayaa waxa Hoggaaminayey Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43aad CXD ee Gobolka Gedo G/le sare Warfaa shiikh Aadan Faroole iyo Abanduulaha Guutada G/dhaxe Cismaan Shiikh Cabdi Qorax.

AGAASIMAHA GUUD WASAARADDA GAASHAANDHIGGA OO KORMEER SHAQO KU TAGAY XARUMAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYA.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumaha kala duwan ee Ciidanka Badda Soomaaliya ku leeyahay caasimadda dalka, sida xarunta dhexe kmg ah iyo tan ku taallo dekedda Muqdisho.

Agasimaha wuxuu kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Admiral Cabdixamiid Dirir iyo Taliyaha hawlgalka Admiral Shiino. Waxaan kulammada qayb ka ahaa La Taliye Dr. Michael O’Hara oo xubin ka ah, kana socdo MODAT ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Xukumadda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay, kana dhabeenaysaa dib u dhiska Ciidanka Badda Soomaaliya iyo kuwa Ilaalada Xeebaha.

Soomaaliya oo ka qayb galaysa kulanka SMIIC oo ay ku midaysan yihiin 46 dal

Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Sucuudi Carabiya ayaa ka qeyb galaya Shirka lix iyo tobnaad ee Hay’adda Halbeegyada iyo Cabbirada Islaamka ee loo soo gaabiyo SMIIC.
Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo dhawrka Soomaaliyeed Mudane Adan Xasan ayaa kulan duceedyo la yeeshay madaxda kala duwan ee ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah SMIIC oo ay ugu horeeyaan Sucuudiga,Turkiga, Qadar, Nigeria, masar iyo Uganda.
Dawladaha xubnaha ka ah SMIIC ayaa soo dhaweeyey wadashaqeyn ay la yeeshaan Hay’adda Tayo dhawrka Soomaaliyeed, meelaha xoogga la saarey ayaa waxaa ka mid ahaa sidii la isaga kaashan lahaa Halbeegyada, Cabirrada iyo qiimeynta waafaqsanaanta taasi waxay Soomaaliya u fududeynaysa sidii ay u heli lahayd kobac dhaqaale iyo sidii dhoofka waxsoosaarka Soomaaliya uu u heli lahaa aqoonsi caalami ah.
Intii lagu gudajiray kulanka waxaa lagu ansixiyey soo jeedinta miisaaniyad sannadeedka 2022 ee SMIIC, ansixinta dhaqaalaha khasabka ah ee ay bixiyaan dalalka SMIIC xubnaha ka ah ee 2022, doorashada xubnaha golaha sare iyo xoghaya guud ee SMIIC 2022-2024.

Dalka Itoobiya oo lagu soo rogay xaalad deg deg ah

Dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda kusoo rogtay Xaalad deg deg ah, Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda ayaa laga soo saaray go’aankan iyadoo sabab looga dhigay xaaladdaha Dalku galay.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiye oo xalay goor dambe war-murtiyeed kooban soo saaray ayaa yiri “Xilligan waa mid dhibaatoyin is biir-biirsadeen oo imtixaan ah,inta xaalladan laga gudbayana cidkasta way saamayn.Xaalladan degdega ahna waxaa loo soo roggay si xal loogu hello arrimahan”;

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta xilka u kala wareejisay 3 dex Agaasime waaxeed

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta xilka u kala wareejisay 3 dex Agaasime waaxeed oo loo magaacabay Agaasimyaal Cusub kuwaas oo mudadii lasoo dhaafay si kumeel gaar ah u sii ahaa Ku-Simayaal Agaasime.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa buuxisay boosas ka banaanaa Wasaaradda kuwas oo kala ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Howlwadeenada Caafimaadka (HRH). g Agaasimayaasha xilka wareejinayay maanta ayaa si iskood ah xilka u baneenyay iyagoo maanta xilka ku wareejiyay Agaasimayaasha Cusub ee la magaacabay:

Mudane Cali Cabdiraxman Cusman:

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud

Mudane Cabdifataax Axmed Maxamed

Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta

Dr Maxamed Xuseen Calasow:

Agaasimaha Waaxda Howlwadeenada Caafimaadka (HRH).

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ugu dambeyntii u mahadcelisay Agaasimayaashii hore iyadoo kuwa cusubna ku boorisay inay xilkooda u gutaan si waafaqsan sharciga iyo nidaamka wasaaradda.