Xabbad joojin ka dhaqan gashay deegaanka Dhagtuur oo dhawaan lagu dagaallamay

Galmudug ayaa xabbad joojin ka dhaqan galisay degaanka Dhagtuur ee Koofurta gobolka Mudug kadib markii saacadahii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsatada labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay qaboojinta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta dhib kale oo halkaas ka dhaca.

Dhinacyada oo maanta ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana maalinta berri ah ayay u balameen shir weyne ka dhici doona deegaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii labada dhinac ee walaalaha ah kala gaartay.