Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta xilka u kala wareejisay 3 dex Agaasime waaxeed

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa maanta xilka u kala wareejisay 3 dex Agaasime waaxeed oo loo magaacabay Agaasimyaal Cusub kuwaas oo mudadii lasoo dhaafay si kumeel gaar ah u sii ahaa Ku-Simayaal Agaasime.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa buuxisay boosas ka banaanaa Wasaaradda kuwas oo kala ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Howlwadeenada Caafimaadka (HRH). g Agaasimayaasha xilka wareejinayay maanta ayaa si iskood ah xilka u baneenyay iyagoo maanta xilka ku wareejiyay Agaasimayaasha Cusub ee la magaacabay:

Mudane Cali Cabdiraxman Cusman:

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud

Mudane Cabdifataax Axmed Maxamed

Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Qorsheynta

Dr Maxamed Xuseen Calasow:

Agaasimaha Waaxda Howlwadeenada Caafimaadka (HRH).

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka HE. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ugu dambeyntii u mahadcelisay Agaasimayaashii hore iyadoo kuwa cusubna ku boorisay inay xilkooda u gutaan si waafaqsan sharciga iyo nidaamka wasaaradda.