AGAASIMAHA GUUD WASAARADDA GAASHAANDHIGGA OO KORMEER SHAQO KU TAGAY XARUMAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYA.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumaha kala duwan ee Ciidanka Badda Soomaaliya ku leeyahay caasimadda dalka, sida xarunta dhexe kmg ah iyo tan ku taallo dekedda Muqdisho.

Agasimaha wuxuu kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Admiral Cabdixamiid Dirir iyo Taliyaha hawlgalka Admiral Shiino. Waxaan kulammada qayb ka ahaa La Taliye Dr. Michael O’Hara oo xubin ka ah, kana socdo MODAT ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Xukumadda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay, kana dhabeenaysaa dib u dhiska Ciidanka Badda Soomaaliya iyo kuwa Ilaalada Xeebaha.