Facebook oo laga saaray qoraalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed

Shirkadda Facebook oo tirtay qoraalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed iyadoo ku dooday in uu ka dhan ahaa siyaasadda shirkadda ee hurinta rabshadaha.

Axaddii ayaa Abiy Axmed ugu baaqay shacabka in ay hubkooda qaataan isla markaana ka hor taggaan jabhadda TPLF oo ku soo sigaysa dhinaca caasimadda Adis Ababa.

Qoraalka Abiy ayaa ahaa sidan: “Mucaaradka waxay doonayaan in ay dalka burburiyaan, hubkiina qaata oo is abaabula, sameeya talaabo kasta oo sharci ah oo aad uga hor tagaysaan, sidoo kale aasa argagaxisada TPLF”.

Shirkadda Facebook ayaa horey loogu dhaliilay sida ay uga guuldareysatay in ay ka hor tagto isla markaana xakameyso faafinta wararka beenta ah iyo kicinta rabshadaha iyo naceybka.

Afhayeen u hadlay Facebook oo BBC soo xigatay ayaa sheegay in dadkii ku doodayay in Facebook aysan wax ka qabanin waxyaabaha kicinta ku saleysan, “Waxaan tirnay qoraalka Ra’isul wasaare Abiy sababtuna waxay tahay wuxuu xadgudub ku ahaa siyaasadeena ka dhanka ah kicinta iyo taageerada rabshadaha”.

Sidoo kale, Facebook oo dhowaan la baxday magaca Meta ayaa xustay in la tirayo waxyaabaha ay qoraan shakhsiyaadka ama hey’adaha ee ku saleysan kicinta anagoon loo eegeynin cidda qoreysa waxyaabahaas.

Dokumentiyo badan oo la soo dusiyay ayaa muujinaya in Facebook lagu wargeliyay in ay talaabo ka qaado dadka barteeda ku abaabuleya rabshadaha ku saleysan isirka ee ka socda dalka Ethiopia.

Bishii horey senate Mareykanka ayaa dhageystay Frances Haugen oo ka tirsaneyd shaqaalaha Facebook ayaa sheegtay in Facebook ku guul dareystay in uu wax ka qabto hadalada kicinta ah ee lagu isticmaalo barteeda meelaha colaadaha ka jiraan sida Ethiopia.

Colaadda Ethiopia ayaa bilaabatay sanad ka hor ka dib markii ciidanka dowladda ku duuleen gobolka Tigrey ee waqooyiga dalkaas.

Dagaaladaas waxaa ku dhintay kumanaan shacab ah iyadoo boqolaal kun oo kale qarna u fuuleen gaajo iyo macluul oo colaadda sababtay, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Dagaalkaas sanadka socday ee u dhexeeyay dowladda dhexe iyo TPLF ayaa hadda waxaa u uku fideyaa dalka intiisa kale iyadoo TPLF ay qabsadeen dhowaan magaalooyin muhiim ah.