Diyaarad ku burburtay Dooloow Soomaaliya

Diyaarad nooca rakaabka oo ka ambabaxday magaalada Muqdisho kuna sii jeedday degmada Dooloow Soomaaliya ayaa maanta ku burburtay madaarka magaalada Dooloow.

Diyaaraddan ayaa u rarneeyd Hey’adda WFP, taasi oo  sidday qalab u badan Matoorro oo ay lahaayeen Ganacsato reer Doolow ah.

Maamulka iyo howl wadeenada Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow ayaa gurmad u sameeyay Diyaaradan uu dabka ka kacay.

Wali lama xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabka qabsaday Diyaaradan.