HOWL-GAL LAGU XAQIIJINAYO AMAANKA GOBOLKA GEDO OO KA DHACAY DULEEDKA DEGMADA GARBAHAAREEY

Howlgalkani oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amaanka magaalada Garba-haareey iyo nawaaxigeeda halkaasi oo lagu wado inay ka qabsoonto Doorashada Goloha shacabka ee Baarlamaanka J.F.S.

Howlgalka ayaa waxa Hoggaaminayey Taliyaha Guutada 10-aad qeybta 43aad CXD ee Gobolka Gedo G/le sare Warfaa shiikh Aadan Faroole iyo Abanduulaha Guutada G/dhaxe Cismaan Shiikh Cabdi Qorax.