Booliska Soomaaliyeed oo ku howlan wax ka qabashada nuucyada maandooriyaasha

Maamulka Booliska Somalia ayaa sheegay in ay  bilaabeen howlgallo wax looga qabanaayo dadka caadeystay isticmaalka nuucyada maandooriyaasha iyo dhaqamada xun ee ku sii baahaya bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo u waramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in in Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro caadeystay waxyaabo dhaqan xumida ah, sida  isticmaalka  dawooyinka dooriya maskaxda.

Taliyaha ayaa xusay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaasha ay kala shaqeyn doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dadaalada wax looga qabanaayo nuucyada maandooriyaasha ,ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee gobolada ay kusoo bateen dhalinyaro si qaldan u isticmaalaya daawooyinka caadiga ah iyo waxyaabaha kale ee dooriya maanka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku amartay ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo in muddo week ah ay dalka kaga baxdo isla markaana lala xisaabtami doono.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo in muddo week ah ay dalka kaga baxdo isla markaana lala xisaabtami doono.
Wasiirka arrimaha dibadda XFS Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa goordhaw shaaciyay in XFS ay la xisaabtami doonto shaqaalaha Q,M, gaar ahaan saraakiisha aan shaqadooda u gudan sida sharcigu u ogolaanayo.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Tababar u soo xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed,

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble
ayaa Tababar u soo xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed, isla markaana derajooyin loogu xirayay saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.
Ra’iisul Wasaare Rooble” Waxaan hambalyeynayaa gabdhaha ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhammaaday iyo saraakiisha tababarka layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar,
Boolisku waa udub dhexaadka Ciidammada Qalabka sida, waana cudud fulinta sharciga, sugidda amniga iyo dhowrista nidaamka dowladnimada ku leh kaalinta ugu weyn.”

Agaasimaha guud ee Sanduuqa horumarinta Sacuudiga oo qaabbilay Safiirka Riyadh u fadhiya Soomaaliya

Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan bin Abdul Rahman Al-Murshed, ayaa maanta xarunta Sanduuqa ku qaabbilay Safiirka boqortooyada Sacuudiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Muwllid.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu lafa guray mashaariicdii la hirgeliyay ee ka qeyb qaatay in la gaaro himilooyinka horumarineed ee waara.

Waxaa xusid mudan in Sanduuqaasi uu Soomaaliya ku bixiyay (4) deyn horumarineed oo ujeedadiisu tahay in lagu maalgeliyo mashaariic dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada beeraha iyo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galaya munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galaya munaasabad tababar loogu soo xirayo gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed isla markaana derajooyin loogu xirayo saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, taas oo ka socoto dugsiga tababarrada booliska ee General Kaahiye.

Wasaaradda Batroolka oo sheegtay in Golaha wasiirrada ay hor geyn doonto xeerka maamulka ganacsiga Batroolka dalka

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka ,Maxamed Xaashi Carrabey ayaa sheegay inay sameeyeen xeerka dareere hoosaadka ee maamulka ganacsiga Batroolka dalka.

Agaasimaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay inay la tashiyo kala sameeyeen maamulka Gobolka Banaadir, qeybo ka mid ah iskaashatooyinka shidaalka iyo rugta ganacsiga si ay iyaguna ula wadaagaan ganacsatada.

Maxamed Xaashi Carrabey, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa sidoo kale sheegay inay dhowaan soo gaba-gabayn doonaan xeerkaas iyo la tashigiisa intaa ka dibna ay u qeybin doonaan golaha Wasiirrada, isagoo xusay inay door ku yeelan doonaan maamul goboleedyada dalka.

Agaasimaha ayaa u mahad celiyay Ganacsatadii gacanta ku soo haysay maamulka shidaalka dalka xilligii dowlad la’aanta, wuxuuna xeerkani ku tilmaamay mid meesha ka saarayo sabbaynta sicirka shidaalka iyo kala duwanaashaha tayadiisa.

Masar oo ammaantay Ardayda Soomaaliyeed ee dalkeeda wax ku barata

Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar , ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire; Ilyaas Sheekh Cumar oo kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay wasaaradda waxbarashada Dalka Masar ayaa la wadaagay warbixin ku aaddan Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata.

Danjire Ilyaas ayaa ugu mahad celiyay deeqaha waxbarsho ee ay Dowladda Masar siiso Ardayda Soomaaliyeed, isagoo xusay in xiriirka waxbarasho ee labada dal uu yahay mid qoto-dheer oo soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay in lasii xoojiyo.

Dhanka kale mas’uuliyiinta ka socotay wasaaradda waxbarashada ee dalka Masar ayaa waxay sheegeen in Ardayda Soomaaliyeed ay yihiin kuwa si wanaagsan ugu faa’iideysta deeqaha loo fidiyay, waxayna Safiirka ku bogaadiyeen xiriirka joogtada ah ee uu la leeyahay Wasaaradda waxbarshada Masar iyo Ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha dalkaasi.

Antonio Guterres oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda degdegga ah ee dalka Itoobiya.

Guterres “waxa uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya iyo ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo dhowaan lagu soo rogay,” afhayeenka madaxa Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa bayaan ku yiri. “Xasiloonida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka ayaa halis ku jira.”

Xaalada degdega ah ayaa timid kadib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada xili ay sii kordhayaan iska horimaadyada ay kula jiraan jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Jabhada Oromada ee Shene (OLA-shene).

Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah 29-kii Juun, waxayna kala baxday ciidamadeeda Tigrayga, ka dib ciidammada fallaagada ayaa isku fidiyay gobollada ay dariska yihiin ee Amxaarada iyo Canfarta.

Malaayiin qof ayaa ku barakacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ka digaysa masiibo bini’aadantinimo.

Guterres ayaa ku celceliyay ” baaqiisa ku aadan in si deg deg ah loo joojiyo colaada, gargaar bini’aadantinimo oo aan xadidneyn si loo gaarsiiyo gargaar nafo lagu badbaadinayo oo deg deg ah, iyo wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xaliyo dhibaatadan loona abuuro aasaaska nabadda iyo xasiloonida dalka oo dhan,” ayuu hadalkiisa raaciyay afhayeen Dujarric.

Maraykanka oo qirtay inay si khalad ah u dhacday duqayn uu ka fuliyey Kabul

Weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku leeyahay bishii Ogosto oo sababay dhimashada 10 qof oo rayid ah oo reer Afgaanistaan ​​ah, kuwaasoo ay ku jireen saddex rag ah iyo toddobo carruur ah, ayaa dowladda mareykanku ay qiratay, waxay ahayd “khalad run ah,” ayuu yiri kormeeraha Pentagon-ka.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa 29-kii bishii August la beegsaday gaari Toyota Corolla oo si qalad ah u qiimeeyay gaariga oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Hamid Karzai ee caasimadda dalka Afgaanistaan, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee ka baxaya dalkaasi.

“Waxaa wax laga xumaado ah in fasiraadda ama isku xirnaanta sirdoonku ay la xiriireen wixii xilligaa laga dareemayay, ee waqtiga dhabta ah, ma ahayn mid sax ah, runtii gaariga, qofka saaran iyo waxa ku jira, wax khatar ah kuma soo kordhin ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri kormeeraha. .

Duqeymaha ayaa dhacay saddex maalmood kadib markii Daacish/ISIS maxalli ah oo taabacsan ISIS-K ay dhowr jeer weeraro ismiidaamin ah ku qaadeen garoonka caalamiga ah ee Kabul, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​200 oo qof, oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah.
Kumanaan reer Afgaanistaan ​​ah ayaa doonayay inay dalka ka baxsadaan ka dib markii Taliban ay la wareegeen 15kii Agoosto ka hor inta uusan Mareykanka ka bixin dalkaasi dhamaadka bishaas.

Dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka diiwaanka mideysan

Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada Dawlad gobolleedyada Dalka ayaa Muqdisho ka furay shir wada tashi ah oo ku saabsan iskaashiga dhamaystirka diiwaanka mideysan.

Wadatashiga ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xog keydiyaha barnaamijka baxnaano, iyadoo hannaankan ay Dawladda maamuleyso uu gacan ka geysanayo in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota, taasoo sahlaysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaariicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bulsho iyo xog-keydiyaha.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Wasiir ku-xigeenka Koonfur Galbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay ka go’antahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaba gabada kulanka sheegay siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door ka qaadanayso kobaca Bulshada nugul, wuxuuna tilmaamay xog-keydiyaha inuu suragalinayo Dawladda inay maamusho dhammaan xogta Dadka nugul ee ku nool dalka.