Booliska Soomaaliyeed oo ku howlan wax ka qabashada nuucyada maandooriyaasha

Maamulka Booliska Somalia ayaa sheegay in ay  bilaabeen howlgallo wax looga qabanaayo dadka caadeystay isticmaalka nuucyada maandooriyaasha iyo dhaqamada xun ee ku sii baahaya bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo u waramayey warbaahinta qaranka ayaa sheegay in in Magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro caadeystay waxyaabo dhaqan xumida ah, sida  isticmaalka  dawooyinka dooriya maskaxda.

Taliyaha ayaa xusay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaasha ay kala shaqeyn doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dadaalada wax looga qabanaayo nuucyada maandooriyaasha ,ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee gobolada ay kusoo bateen dhalinyaro si qaldan u isticmaalaya daawooyinka caadiga ah iyo waxyaabaha kale ee dooriya maanka.