Agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda oo xilka la wareegay+Sawirro

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalk Mudane Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka qayb galay munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul) oo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.

Agaasimaha cusub ayuu Ra’iisal wasarae ku-xigeenka u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi oo uu ku ammaanay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay dhagar qabayaal ka tirsan argagixisada

Guutada 6-aad Qeybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa xalay howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka oo ay ciidamadu ka fuliyeen Goorsarow oo hoos yimaada Tuulada Buula-mareer ayaa waxay ku dileen labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxayna ciidamada sioo kale, gacanta ku dhigeen walxaha qarxa iyo labo qori oo ay wateen dhagar qabayaashii la dilay, kuwaas oo ay doonayeen in ay shacabka ku dhibaateen.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada qaranka ay wiiqeen awooddii kooxda nabad-diidka ah ayaa waxay bilaabeen weerarro u badan qaraxyo miino ay la beegsadaan dadka rayidka ah.

Horjoogayaasha Al-Shabaab ka soo baxsanaya oo isa soo taraya

Deeq Cabdi maciin oo magaciisa Af-graashada kooxda Al-Shabaab uu yahay “Shiino” ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee ku sugnaa aagaga dagaalka koonfurta gobolka Mudug.

Deeq oo soo goosashadiisu laga joogo muddo saddex bil ah ayaa wareysi gaar ah uu siiyay warbaahinta Qaranka wuxuu ku sheegay sababta ku khasabtay inuu maleeshiyada Al-Shabaab ka soo baxsado, wuxuuna AlShabaab u qaabilsanaa sameynta aaladaha qarxa (Miinooyinka).

Deeq Cabdi Maciin oo muddo labo ilaa iyo saddex sano ka mid ahaa nabad-diidka Al-Shabaab ayaa tilmaamay inuu qaatay mudadii uu kooxdaas ka tirsanaa tababaro ku saabsan sida miinooyinka dhulka loogu aaso looguna dhagro shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in muddo kooban uu ka mid ahaa jabhadaha dagaalka ee maleeshiyada.

“ Wallaahi waxaa igu dhaliyay baahi badan oo aan arkay, adigoo reerkaadii, ubadkaadii iyo dadkaada aadan ka war qabin oo afar iyo labaatan saac duurka ku jira iyo inaadan ku dhiiran Karin oo aadan dhihi Karin aniga waxaa rabaa inaan reerkeyga soo eego oo waqti la soo qaato,” ayuu wareysigiisa ku sheegay Deeq Cabdi Maciin Shiino.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu sheegay in falalka guracan ee Al-Shabaab diinta islaamka sal iyo raad toona ku lahayn,islamarkaana ay si cad u baneysteen dhiigga Shacabka Soomaaliyeed ee muslimiinta.

Tallaabadan ayaa imaaneysa iyadda oo bilooyinkii la soo dhaafay ay isa soo tarayeen horjoogayaasha iyo maleeshiyada Al-Shabaab ka soo baxsanaya ee isku soo dhiibaya ciidamada Dowladda.

Ugu dambeyntii, Sarkaalkan isa soo dhiibay oo ku dhashay gobolka Mudug ayaa ugu baaqay maleeshiyada wali baaqiga ku sii ah Al-Shabaab in ay ka soo baxaan.

Kumaadowska Xoogga Dalka Oo Howlgallo ka Sameeyay G/Shabeellaha Hoose!

Kumaandooska DANAB, ayaa waxay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedada howlgalkan ayaa ahaa ciribtirka haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhumaaleysanaya deegaano ka tirsan gobolka, kuwaas oo shacabka dhibaatooyin kala duwan u geystay.

Xoogga dalka ayaa howlgalkan si gaar ah kaga fuliyay deegaanada Tawakal iyo Daaruslaam oo dhammaatood hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelahha hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in howlgalka lagu bur buriyay gooba saldhigyo u ahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaa oo shacabka ay kaga qaadi jireen Lacago baad ah.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo nabad-diidka Al-Shabaab, si Shacabka degaanka ay ugu dul qadaan dhibata ay ku hayaan.

Dad Ka Shaqaynayay Ka Ganacsiga Khamriga Oo Xukun Adag Lagu Riday!

Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug iyo ninka ka ah Gudoomiyaha gobolkaas ayaa ka qaybgalay xukun ay maxkamadda darajada koowaad ee Mudug ay ku riday dad ka ganacsanayay maandooriyaha khamriga.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka  Mudug ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay Afar ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Haween, islamarkaan Saddex ka mid ah lagu xukumo Lix sano oo xabsi ah oo uu ka reeban yahay cafis Madaxweyne.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa digniin U diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha  xashiiska, iyo khamriga nuucyadiisa kala duwan oo fara ba,an ku haya deegaanada Puntland.

Guddoomiye Sanyare oo ka hadlayay fagaare lagu burburinayay 20 kartoon oo khamri ah, ayaa faray dhammaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa u qabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, waxaana uu sheegay in dagaalkooda iyo howlgalada gobalka loo weeciyay dhanka la-dagaalanka maandooriyaha.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbeeyntii sheegay in maamulkiisa aysan marnaba aqbali doonin in falal amni daro oo  ku saleysan khamriga ay ka dhacaan degaanada gobolka Mudug.

Maamulka Gobolka Mudug oo ku howlan joojinta xiisad colaadeed oo ka taagan Dhagtuur

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa Maalmahaan ku howllan sidii loo damin lahaa xiisadda colaadeed ee ka soo cusboonatay aagga deegaannada Dhagtuur iyo Dowgaab ee Gobolka Mudug.

Dadaaladan lagu daminayo xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa beelo Walaalo ah oo xoolo dhaqato ah, kuwaas isku haya dhul Daaqsin ah.

Maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno Odayaasha, Saraakiisha Ciidamada iyo Culimada Gobolka Mudug ee Galmudug qyaa qeyb ka ah waan.waanta lagu dhex -dhexadinayo beelaha walaalaha eh.

Shirar iyo kulamo isadaba jooga ahaa oo ka dhacey Deegaannada xiisaddu ka jirto ayaa lagu go’aamiyey in gacanta lagu soo dhigo Danbilayaasha fidnada ka wada deegaannadaasi.

Madaxweyne Laftagareen oo Kulan la yeeshay guddoomiye Mursal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guriga uu ka deganyahy magaalada Muqdisho  kulan  kula yeeshay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo isugu jiray qada sharaf iyo kala warqaadasho, isla markaasna saacado qaatay ayaa waxay iska xog-wareysteen Xaalada Dalka iyo Arrimaha Doorashooyinka.

Wasaaradda Awqaafta XFS oo soo saartay warsaxaafadeed ka dhan ah kooxda Al-Shabaab

Warsaxaafadeedku waxa uu u qornaa sidaan:-                                                                  Dhawanahaan ururka argagaxisada ah ee Al-Shabaab waxa uu sii deynaayey muuqaalo iyo war saxaafadeedyo ujeedkoodu yahay in kooxdu ugu cudurdaarato fikradahooda khaldan ee aan sal iyo raad toona kulaheyn Diinta Islaamka.

Kooxda oo u qiil raadineeysa baneysiga dhiiga, hantida iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed, ayaa soo gudbisay wax ay ku magacaabeen daliil Diimeed oo ay ku marin habaabinayaan ummadda Soomaaliyeed kuna ayidayaan afkaartooda guracan. Hadaba Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya oo si dhaw ula socotay muuqaalo tixane ah oo beryahaanba kooxdu sii deyneysay waxa ay soo saartay qodobada soo socda:

1) Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay ay u cadeyneysaa shacabka Soomaaliyeed in fariimaha kasoo yeeray Al-shabaab aysan Diinta Islaamka raad ku laheyn wasaaraduna diyaar u tahay in ay mid mid uga jawaabto dhaamaan qodobada ay ku xuseen doodooda.

2) Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay ugu baaqeysaa Culimada muslimiinta guud ahaan gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed shirweeyne lagu iftiiminaayo loogana jawaab celinaayo dooda ururka Al-shabaab u cugsaday kuna difaacay ficiladooda, si Ummadda Soomaaliyeed looga badbaadiyo dhagarta fikriga ah ee kooxda.

3) Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay mar waliba diyaar u tahay in aay si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duulaan kasta oo fikri ah ummadda Soomaliyeed kaga yimaada kooxda Al-Shabab & dhamaan kooxaha xagjirka ah.

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Shaqada XFS oo lagu soo dhoweeyay Baydhabo

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed

Wafdigaasi, waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Wasiirka Shaqada Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiiru dowladaha Madaxtooyada, Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay in uu howlo Shaqo u tegay Magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabduwahaab ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan Magaalada Baydhabo in uu kulan la qaato Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale dhagax dhigi doona mashaariic kala duwan, kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan Hay’ado Caalami ah.

Hojooge ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada Galmudug.

Deeq Cabdul Maciin oo ka mid ah argagixisada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ee ka howlgal Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Horjoogahaan ayaa magaca afgarashadiisu aheyd Shiine waxaana uu sheegay inuu isku dhiibay ciidamada kadib markii uu adkeysa waayay dhibaatooyinka argagixisada.

Ninkaan ayaa muddo ka howlgalayay deegaanno ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo argagixisada  Al-Shabaab.

Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta u uga soo baxay Al-Shabaab  ay tahay dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmay Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa.