Hojooge ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada Galmudug.

Deeq Cabdul Maciin oo ka mid ah argagixisada Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidamada daraawiishta ee dowlad Goboleedka Galmudug ee ka howlgal Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Horjoogahaan ayaa magaca afgarashadiisu aheyd Shiine waxaana uu sheegay inuu isku dhiibay ciidamada kadib markii uu adkeysa waayay dhibaatooyinka argagixisada.

Ninkaan ayaa muddo ka howlgalayay deegaanno ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug, xilligii ay ka socdeen dagaaladii u dhaxeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo argagixisada  Al-Shabaab.

Deeq Cabdul Maciin oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhigista miinooyinka, sidoo kalena sababta u uga soo baxay Al-Shabaab  ay tahay dhibaatooyin kala duwan uu kala kulmay Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa.