Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kala hadlay ergeyga Midowga Afrika u diyaargarowga Ciidamada Soomaaliya la wareegidda waajibaadka amni ee dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Muqdisho, Ergeyga gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, waxa uu kala hadlay arrimaha ammaanka, doorashooyinka dalka ka socda, waajibaadka shaqo ee AMISOM iyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya (STP) oo ah dhabbaha qura ee lagu gaari karo xasillooni, amni iyo dowlad-dhisidda.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu taageerayo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyadoo laga duulayo sare u qaadida heerka diyaargarowga cutubyada ciidamada si ciidamadu ay u noqdaan kuwa dhufays u ah qaranka iyo gaashaan gabbaad ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka XFS Jen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka, iyadoo la tashiyo la samaynaysa dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayso in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda.

Shirka isbedelka Cimilada Aduunka oo ka dhacay dalka ingiriiska(COP26 Glasgow – UK)

Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Agaasinka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Raisul Wasaaraha, Mudane Axmed Yusuf Axmed, ayaa ka qayb galaya shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada, kaas oo ka dhacaya Magaalada Glasgow ee waddanka Boqortooyada Ingiriiska. Shirku wuxuu billowday 31dii Oktoobar wuxuuna socon doonaa illaa iyo 12ka bishan Nofeembar 2021.

Shirkan oo muhiimad gaara u leh dhammaan wadamada caalamka ayaa waxaa ka soo qayb galay in ka badan 30,000 oo qof, oo ay ka mid yihiin 120 Hogaamiye oo isugu jira Madaxweynayaal iyo Ra’iisul Wasaarayaal.
Heshiiska Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada waxa uu dhaqan galay bishii Maarso 21keedii sanadkii 1994 tii, waxaana la qabtaa sanadkiiba mar. Heshiiska waxaa qayb ka ah 197 waddan. Shirka hadda ka socda Glasgow waa kii 26aad (COP26). Shirkan oo ah kii ugu muhiimsanaa marka loo eego shirarkii ka horeeyay, ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo looga midha dhalinayo heshiiskii Paris ee sanadkii 2015kii, heshiiskaas oo dhigayay in korodhka heerkulka adduunku uu san kor u dhaafin 1.5°C.

Waddan kasta oo qayb ka ah heshiiskan Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada waxaa shirka uga qayb galaya wafdi ka socda dalkaas oo ku matala wada xaajoodyada heshiiska. Waddamada waxaa loo qaybiyaa kooxo waaxaana ka mid ah: Kooxda Afrika, Waddamada Horumarkoodu hooseeyo (Least Developed Countries- LDCs), Kooxda 77 + China (Isbahaysi ka kooban 134 dal oo ka mida waddamada soo koraya), Waddamada Jaziiradaha yar yar, Midowga Yurub, Carabta iwm. Kooxahaasi waxa ay ka shaqeeyaan danaha waddamada xubnaha ka ah.

Soomaaliya waxa ay qayb ka tahay Kooxda Afrika (African Group), Kooxda 77 + China iyo Waddamada Horumarkoodu hooseeyo. Khabiiro ka socda kooxahaas ayaa ka qayb gala wada xaajoodyada shirka iyaga oo soo bandhiga danaha iyo afkaarta waddamada xubnaha ka ah. Inta uu shirku socday, xubno ka tirsan wafdiga Soomaaliya ayaa ka qayb galayay wada xaajoodyada goobjoogna ka ahaa.

Ujeeddooyinka shirku waa afar:
1. Si korodhka heerkulka adduunka uusan u dhaafin 1.5 degree , waa in qarnigan badhtankiisa la joojiyo dhammaan kaarboonka hawada wasakheeya.
2. In la ilaaliyo bulshooyinka iyo khayraadka dabiiciga ah
3. Yaboohidda dhaqaalaha wax looga qabanayo isbeddelka cimilada, bartilmaameedka dhaqaale ee la rabo in la gaadho waa 100 bilyan oo dollar sanadkii.
4. In si wada jir ah looga wada shaqeeyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada
Soomaaliya ma lahan warshado qaac ku siidaaya hawada. Wasakheynta hawada waxaa sababa waddamada horumaray iyo kuwa warshadaha waa weyn leh. Laakiin saameynta isbeddelka cimiladu waxa uu aad u waxyeelleeyaa waddamada aan horumarin oo ay Soomaaliya ka mid tahay, sida abaaraha soo noqnoqda, fatahaadaha, caafimaad xumo, cuntada yaraan , deegaan burbur iyo heekulka oo sare u kaca. Inta uu shirku socdo, Soomaaliya iyo waddamada ay isku dhinaca yihiin waxa ay ku dadaalayaan in waddamada horumaray ay kala shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa cimilada isbeddalaysa, waxaana loo baahan yahay in lala qabsado isbeddelka cimilada. Laqabsigu waxa uu u baahan yahay dhaqaale. Heshiiska Qaramada Midoobay waxa uu dhigayaa in waddamada horumaray ay bixiyaan dhaqaalaha ay u baahan yihiin wadamada soo koraya si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, isla markaana wadamada horumaray u gudbiyaan waddamada soo koraya cilmiga iyo tiknoolajiyada si aqoontooda loo dhiso.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa maalmaha soo socda kulammo gaar gaar ah la yeelan doona hay’adaha deeq bixiyayaasha iyo waddamada saaxiibada la ah Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka.

Soomaaliya waxaa ka go’an in ay doorkeeda ka ciyaarto isla markaana ay ka midha dhaliso sidii uu dalku uga faa’idaysan lahaa go’aamanka ka soo baxa Shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay wakiilka xoghayaha guud Qaramada midoobay mudane James Swan

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya Mudane James Swan oo ay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka, iyadoo madasha uu qayb ka ahaa Guddoomiyaha Gudidda Hirgelinta doorashooyinka heer federaal mudane Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS

NISA oo gacanta ku dhigtay Shabakad isku xiran oo ka tiran argagixisada Al-Shabaab

Hay’adda Nasad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Shabakad maleeshiyada Alshabaab ay u diyaarisay qalqal-gelinta Amniga magaalada Baydhabo oo Xarun KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha Nabad sugida maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan Shaahiyow ayaa sheegay in tirada maleeshiyada la qabtay ay gaareyso 12-ruux,islamarkaana hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga, islamarkaana cadaaladdana la horkeeni doono.

Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen waxaa ku jiro dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan.

Soo qabashada Shabakadan dhagarta u maleegayay shacabka ayaa ku timid wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha barxadda Biyaasa-Liibaro

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha barxadda Biyaasa-Liibaro ee degmada Xamar Jajab oo ay dowlada hoose Xamar ku sameysay dib-u-dhis goobtaas oo loogu talagalay in lagu baakimo gaadiidka Xamuulka ah si loo yareeyo saxmada balaaran ee ka jira isku socodka wadooyinka Caasimadda.

Barxada Biyaasa Liibaro oo ah goob danguud ah ayaa muda ku dhow 30-sano helin wax dayactir ah, iyadoo dhawaan uu duqa magaalada Muqdisho amar ku bixiyay dhismaha goobtan si bulshada loogu qidmeeyo.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo goobta kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismahaan Biyaasa-Liibaro ay qeyb ka tahay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee la xariirta xal u helida saxmada xooggan ee kajira wadooyinka magaalada.

Wasiirka Gudaha Oo Daah Furay Ansaxinta Siyaasadda Maamul Dedejinta Iyo Federaalaynta!

Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax  Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka, iyadoo la tashiyo la samaynaysa dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee maamul daadejinta iyo Federaalaynta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen.Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa daahfuray ansixinta Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo ay wasaaradu ku hawllanayd inay dhammaystirto xoojisana hannaanka Maamul Baahinta Dalka, si taas loo gaaro Wasaaraddu waxay isku hawshay inay dhammaystirto Siyaasadda Qaran ee Maamul Daadejinta iyo Federaalaynta Dalka, iyadoo la tashiyo la samaynaysa dhammaan hay’adaha dowladda heer Federaal, Dowlad Goboleed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, si loo xaqiijiyo in geeddi socodkaan qayb laga ahaa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaalayaan in la dhaqan geliyo hannaanka Federaalka iyo Daadejinta Maamulka Dalka si waafaqsan Dastuurka dalka.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaaradda ayaa u mahad celinayay cid kasta oo gacan ka gaysatay dhammaystirka Siyaasaddan hay’adaha Dowladda iyo hay’adaha bah-wadaagta la ah Wasaasaradda

Janaalle Shacabka Ku Nool Oo Loogu Baaqay Ladagaallanka Argagaxisada!

Ururka 84aad, guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Taliye Xigeenkooda Labo Xidigle Calli Mahdi Cabdi ayaa shacabka Janaale kula dardaarmay in kaalintooda ay ka qaataan dagaalka lagu Ciribtirayo argagixisada Kooxda Alshabaab.

Wuxuu si qoto dheer bulshada Janaale ugala hadlay muhiimadda ay leedahay in ay qeyb weyn ka qaataan sugida amniga deegaanka iyo dagaalka lagula jiro nabad-diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale, Labo Xidigle, Cali Mahdi Cabdi ayaa shacabka deegaanka Janaale ee gobola Shabeellaha Hoose ku amaanay sida ciidamada xoogga ugala shaqeeyeen in laga hortago dhagarta ay Bulshada iyo ciidankaba u maleegaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka aya xaqiijiyay amniga deegaankaas oo hadda ka caagan falalka guracan ee nabad-diidka, waxayna dadka ku hoos nool yihiin harka nabada iyo Dowladnimada.

Argagixisada Al-Shabaab ayaa dhaqan xumada ay u geystaan shacabka ku waayay kalsoonida shacabka, taas oo keentay in xiriirka shacabka iyo argagixisada uu xumaado.

Heshiiska Saami Qaybsiga Khayraadka Dalka Oo La Ansaxiyey!!

Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.

Wasiirka Badtoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan.

“Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii  kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka.