Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka JFS oo khudbad ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee looga hadlayo Isbeddelka Cimilada (COP26 )

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka JFS oo khudbad ka jeediyay shirka Qaramada midoobay ee looga hadlayo Isbeddelka Cimilada (COP26 )

“Waxaa si buuxda nooga go’an meel marinta isbadalka kaas oo ku saleysan wadatashi bulsho si sare loogu qaado hanaanka horumarinta oo loo dhan yahay ayuu yiri wasiirka qoraheynta oo maanta oo isniin ah qudbad ka jeediyay shirka isbadalka cimilada ee ka socda Scotland”

Wasiirka ayaa hoggaaminaya wafdi culus oo Soomaliya uga qayb gelaya shirka Cimilada Aduunka.

Ra’iisul wasaaraha Kuwayt oo iscasilaadda xukuumadda u gudbiyay amiirka dalkaas

Ra’iisul wasaaraha dalka Kuwayt Shiikh Sabaax Khaalid Al-xamad ayaa iscasilaadda xukumadiisa u gudbiyay maanta amiirka dalkaas Shiikh Nawaaf Al-xamad Al-jaabir.
Lama sheegin sababta dhabta ah ee ka danbeysay go’aanka xukuumadda laakin waxaa jiray maalmihii lasoo dhaafay wada shaqeyn la’aan soo kala dhaxgashay baarlmaanka iyo xukumada.

Iscasiladdaan ayaa noqoneysa tii labaad ee usoo gudbiyo ra’iisal wasaaraha dalka Kuwayt tan iyo markii loo magacabaay xilka oo laga joogo muddo sand ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS.

Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM.

Guddiga Xallinta khilaafaadka Doorashooyinka Oo Warqoraal ah soo saareen.

Guddiga Xallinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaa shaaciyay In Hanaanka loo maamuley Doorashada Kursi Lanbar HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan Habraacii loo dajiyay Doorashooyinka dadban 2020/2021, sidaas darted waxuu ku
wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Her Federal (GHDHF) in ay u fasaxan yihiin.

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo oo ka dhacay gobolka Bari

Shil gaari oo  sababay dhimashada seddex ruux  iyo dhaawacyo dhowr ah ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Dalwayn iyi Juriile oo ka tirsan Gobolka Bari.

Shilkan ayaa ka dhashay labo gaari oo isku dhacay , waxaan gawaaridaa saarnaa shacab rakaab ahaa , waxa uuna sababay khasaaro lixaad leh waxaana lagu soo warmayaa in uu shilkaan sababay dhimishada Seddex Haween ah oo gawaaridda saarnaa.

Dhaawacyadii ayaa la geeyey isbitaalada waxaana goobta shilka ka dhacay soo gaaray ciidamada Amniga ayagoo gurmad u fidiyey dadkii ku dhaawacmay Shilka.

Taliyaha Guutada 10-Aad oo kulan la qaatay Sarakiisha Ururka 27Aad ee Ku Sugan Xerada Ciidamada UK ee Magalada Ballad xaawo

Abaanduulaha Guutada 10-Aad Qeybta 43Aad ee ciidamada xoogga dalka G.dhexe Cismaan Sheikh Cabdi Qorax oo Ku sugan Magalada Baladxaawo Ee Gobolka Gedo Ayaa Kulan La Qaatay Sarakiisha Ururka 27Aad Ee Ku Sugan Xerada Ciidamada UK Ee Magalada Balladxaawo

Taliyaha ayaa Ciidamada Halkaasi Kusugan la hadalay isagoona Ku amaanay Shaqada adag Ee Qaranka  u hayaan una Sheegay Iney u Diyaar Garoobaan Hawlgalkii Ugu Danbeeyay Ee Lagu Ciribtiraayo Firxadka Malashiyaadka Argagaxisada Al Shabaab

Ugu Danbeyn Taliyaha Ayaa La Wareegay Feylka Guud Ee Ku Diwaangalsanyihiin Ciidamada Ururka 27Aad Guutada 10Aad Ee Ka howlgala Magalada Balladxaawo ujeedka Ayaana ahaa Sidi uu u Ogaan Lahaa Kuwa Shaqada Xaadirka u ah Iyo Kuwa Ka Maqan Shaqadooda Wuxuu Amar Kusiiyay Sarakiisha Ururkaasi In Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan Losoo Xareeyo Ciidamada Ka Maqan Xerada

Madaxweynaha Puntland oo is-bedel ku sameeyey qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada maamulka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegtooyin uu ku bedelay qaar ka mid hoggaanka ciidamada maamulkaas, waxaana dikreetooyinkaan lagu xusay in madaxweynuhu uu tallaabooyinkaan uga go’leeyahay baahiyaha loo qabo dar-dar gelinta amniga.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa G/Sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyiihii qeybta booliska gobolka Bari u bedelay Taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal, sidoo kale S/Guuto Cumar Cabdi Cilmi ayuu Madaxweynuhu u magacaabay hoggaanka dembi baarista booliska Puntland ee CID-da, halka G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland loo wajeejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari.

Dikreetadaan ayaa sidoo kale G/Dhexe Warsame Axmed Shirwac loogu magacaabay Taliyaha saldhiga dekedda magaalada Boosaaso, halka Maxamuud Silaal Cumar loo magacaabay Agaasime ku-xigeenka ciidanka PMPF-ta Puntland.

Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada oo Muqdisho lagu qabtay

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta Sare ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Caabi Xasan ayaa ka qeyb galay kulan looga doodayay ka qeyb galka haweenka ee waxbarashadda sare ee dalka.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii haweenka Soomaliyeed ay kaalin muuqata ugu qaadan soo kabashada iyo dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhanka waxabarashada oo ka mid ah meelaha uu sida aadka ah u saameeyey bur-burkii ku dhacay dalka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashadda iyo Bankiga Aduunka, waxaana ka soo qeyb galay haween isugu jiray aqoonyahano, xirfadleyaal iyo hal abuurayaal, waxaana la isku weydaarsaday talooyin ku aadan sidii dumarka Soomaaliyeed loogu dhisi lahaa goobo waxbarasho oo dumarka u gaar ah, si ay u yaraato waxbarasho la’aanta haweenka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan Arrimaha Afrika taageeridda deganaanshaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay Muqdisho Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Afrika dhanka Waaxyaha Arrimaha Siyaasadda, Nabad-dhisidda iyo Howlgallada Nabadda (DPPA-DPO), Marwo Martha Ama Akyaa Pobee, waxa uu kala hadlay horumarka siyaasadeed ee ka socda dalka, hannaanka doorashooyinka, howlgalladda Ciidamada Ammaanka iyo kuwa Xoogga dalka ay ku sugayaan amniga iyo xasiloonida, iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee la saaray tan iyo sanadkii 1992-kii.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xal siyaasadeed ugu raadinayso khilaafaadka gudaha iyo xoojinta iskaashiga Qaramada Midoobey ee dhinacyada siyaasadda iyo adeegyada aasaasiga ah si horumar looga gaaro xaaladaha bini’aadantinimo, dhaqaale iyo amni.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug oo ka qayb galay daah-furka hanaanka adeega maamul daadejinta Dowladda hoose

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa haatan ka qayb galaya munaasabada daah-furka Hannaanka adeeg daadejinta Dowlad Goboleedka Galmudug oo iminka kadib fududeyn doona in dowladaha hoose laga taageero adeegyada Caafimaadka, dhaqaalaha iyo Waxbarashada.

Barnaamijkan ayuu daahfurkiisu yimid kadib markii Galmudug noqotay maamulka 3-aad dhanka hormarinta dowladaha hoose, waxaana mashaariicda adeegan hoos imaanaya Galmudug ka taageeraya hey’adda UNISEF.