Faah faahin laga bixiyay howlgallo ka dhacay Gedo

Ciidamada dowladda Soomaaliya Soomaaliya noocyadooda kala duwan sida, Millateriga, Booliska iyo Nabadsugida ayaa saacadihiia la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Garbahaaray ee xarunta Gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa intii ay howlgalka ku jireeen waxay weerar ku qadeen goobo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaad ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, waxaana la sheegaya in maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa la gaarsiiyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Guutada 10-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Gashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole, ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa sugida Amniga doorashada, isla markaana ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmada Garbahaaray oo ay ka mid ahayeen Tuulo Barwaaqo, Kabis, Maykaa-reebe iyo degaano kale.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliyaha in dagaallo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan, sidoo kalena ay kala wareegeen goobahii ay kaga dhuumaalaysanayeen.

Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, taasi oo amaankeeda aad loo adkeeyay.

Galmudug oo soo saartay liiska murrashaxiinta xubnihii ku harsanaa Aqalka sare

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa xalay goor dambe soo saaray liiska labadii xubnood ee ka harsanaa Murrashixiinta u tartamayay aqalka sare ee BFS.

Warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweyne qoor-qoor ayaa u qornayd sidan:-

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay wafdi ka socday Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waajibaadka AMISOM

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo ku soo gaaray Muqdisho shalay oo Isniin ahayd booqasho shaqo oo seddex cisho qaadanaysa , isagoo kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31 December, 2021 , sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568.

Wasiirka iyo xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Mohammed Omar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo heerka ay gaadhsiisan tahay u diyaargarowga ciidamada qaranku u leeyihiin in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ka jeediyay kulanka, ayaa waxa uu sheegay in qorshaha kala guurka ee Soomaaliya aanu caddeynin oo qura sida la doonayo in amniga lagu sugo balse uu si cad u qeexayo howlgalka AMISOM ee diiradda saaraya oo kaliya amniga iyo howlgal cusub oo Midowga Afrika oo awood u leh inuu Soomaaliya ku taageero siyaasadda cusub, maamulka, arrimaha bulshada iyo amniga. Waxa uu Wasiirku sii raaciyay hadalkiisa “Qaranka Soomaaliyeed ma aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto”.

Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku daray “Xaqiiqadu waxa ay tahay in aanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay , qorshaha kala guurka waxa uu ahaanayaa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya , kaliya ma ahan maamulkan , xitaa waa maamulka mustaqbalku dalku yeelan doono.
Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ka mideysan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd mas’uuliyadda amnigeeda, iyad aan loo eegin siyaasadda doorashada iyo wax kaleba, tani waxay ahaanaysaa mid joogto ah”.

Ra’iisul wasaare Rooble oo Gudiyadda Doorashada faray inay deg deg u gudo galaan hawlaha dhamaystirka Doorashooyinka Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan habka fogaan aragga ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka labada heer, ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada,isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada.
Isagoo la hadlayay guddiyada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisulWasaare Rooble ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.

Kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha Akyaa pobee iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo soo gaaray baydhabo

Wafdi ay hogaamineyso Kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha  Akyaa pobee  iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan  ayaa Maanta Soo gaaray Magaalada  Baydhabo .

Waxaana ay  Shir la yeesheen Guddiga Doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed  Shirka oo  looga Hadlayey Dardar gelinta Dooraashada  Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Waxaana Warbixin ku saabsan Diyaargarowga Doorashada looga dhageystey Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ( SEIT) Mudane  Nuuridiin Ibrahim Aadan wuxuuna Sheegey in ay Si wanaagsan ay ugu diyaar garooween  Qabashada Doorashada.

Shirka Waxaa Shir Gudoominaayey Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi.

Dhanka Kale Wafdiga  ayaa Waxaa ay Booqdeen Goobaha loo qorsheeyey in lagu Qabto Doorashada , iyagoona Bogaadiyey Diyaar garowga Wanaagsan ay  ugu jirto Koonfur Galbeed Doorashada Qabashadeeda.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Warsaxaafadeed kasoo saaray Adeega Waxbarasho ee Gobolka Banaadir

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Warsaxaafadeed kasoo saaray Adeega Waxbarasho ee Gobolka Banaadir

Iyadoo la tixgalinaayo warsaxaafadeedkii Ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa arrimaha adeegyada waxbarashada Gobolka Banaadir maalinnimadii shalay aheed ayuu maamulka Gobolka Banaadir Ka soo saaray war saxaafadeed waafaqsan dastuurka dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DALKA FINLAND.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka, waxa uu kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo safiirka cusub ee ay Jamhuuriyadda Finland u soo magacawday Soomaaliya Mudane Pirkka Tapiola.
Danjiraha Dowladda Finland Mudane Tapiola ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Jamhuuriyadda Finland Mudane Sauli Niinisto, waxa uuna dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey.
Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Tapiola ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Finland, kaas oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo iskaashi. Waxa uuna Danjire Tapiola bogaadiyey horumarka ballaaaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay, isaga oo Madaxweynaha uga war-bixiyey dadaalka uu ku bixin doono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Labada Dal.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub, guulaha muuqda ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib-u-dhiska dalka, dib-u-heshiisiinta, Maalgashiga, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Finland ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, wuxuu na u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaageyso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
DHAMMAAD

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay safiirada xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Ambassador Maxamed Omar Gad oo ah safiirka Masar u fadhiya Itoobiya , kuwaas oo ay  ka wada hadleen howlaha howlgalka Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo mustaqbalkooda kadib 2021 iyo sidoo kale xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waxa ay dalka ku joogi doonaan booqasho sadax cisho ah iyaga la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda.

Ciidmada xoogga dalka oo la wareegay degaanno hoostaga Garbahaarey

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee Gobalka Gedo ka howlgala ayaa la wareegay degaanka Tuulo Barwaaqo oo ka mid ah degaanada Kooxda Al Shabaab ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah, Tuulo Barwaaqo ayaa hoos tagta magaalada Garbahaareey.

Xarunta ay fariisimaha ku leeyihiin Al Shabab ee Kabis ayaa sidoo kale ciidamada la waregeen iyada oo wax dagaal ah la kulmin.

Boqollaal tahriibayaal ah oo lagu xinnibay xadka Poland.

Mas’uuliyiinta Dalka Poland ayaa sheegay in ay ka hortageen isku day boqolaal tahriibayaal ah oo doonayay in ay dalkaasi ka soo galaan dhanka bari ee dalka ay jaarka yihiin ee Belarus.

Mas’uul u hadlay dowladda Poland ayaa sheegay in xadka kala dhexeeya dalka Belarus ay geeyeen ciidamo dheeraad ah oo ka mid ah ilaalada xuduudaha iyo booliis si ay uga hortagaan kumanaan kale oo la tilmaamay in ay ku sii jeedaan xadka Poland. .

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad u sii socda dhanka xuduudka iyo qaar isku dayaya in ay jebiyaan xayndaabka ku sameysan xuduudda iyaga oo isticmaalaya bir iyo walxo kale.

Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamulka magaalada Minsk ee Belarus inay ku dhiirigelinayso muhaajiriinta ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika inay u gudbaan Poland, Lithuania iyo Latvia .