Ra’iisul wasaare Rooble oo maanta gaaray magaalada Balcad

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar shaqo ku gaaray degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga XFS iyo mas’uuliyiin kale, ayaa booqashadooda ugu kuurgeli doona xaaladaha amni iyo nololeed ee degmada Balcad iyo degaannada ku teedsan.

Ra’iisula Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta lasocota ayaa sidoo kale soo indha indhayn doona halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar.

Duqa Muqdisho oo bogaadiyey horumarka ganacsi ee ka jira dalka

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ka qeyb galay munaasabad lagu abaalmarinayay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed (Somali Business Awards) ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay horumarka ganacsi ee kusoo badanaya dalka, asigoo amaanay ganacsatada Soomaaliyeed ee latimid hal abuurada iyo ganacsiyo casri ah ee aan horay looga aqoon dalka.

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay inay tani horseedi doonto tartan furan oo horumar leh taasi oo keeni karta in lagu baratamo wax soo saar iyo wax qabad waxtara guud ahaan dalka, mar hadiiba ay jiraan hay’ado ay ka mid tahay Somali Business Awards oo u taagan dhiirri gelinta ganacsatada hal-abuurka leh.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyay cid kasta oo gacan ka geysatay qabashada barnaamijkan, iyaguna ka maamul ahaan ay garab taagan yihiin.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo maanta gaartay magaalada Jowhar

Wafdiga ay hoggaamineyso Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, waxaana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxda Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abuukar Nuur, ayaa magaalada Jowhar gaar siisay dawooyin loogu talagalay xarumaha caafimaadka oo uu ugu horeeya Isbitaalka guud ee Magaalada Jowhar.

Wasiir Fowsiya, ayaa sheegtay in Dawooyinkan wax looga qaban doono xanuunada ka dhashay fatahaaada soo noqnoqday ee uu sameeyo Wabiga Shabeelle.
sidokale agabka Caafimaad ee maanta la gaarsiiyay Jowhar , ayaa waxaa ku jiray dawooyin iyo qalab loogu talagalay ka hortaga xanuunka Covid 19

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isu soo dhiibay Ciidanka XDS

Baydhabo- Cusmaan Caddow Xaaji oo ka mid ahaa kooxda nabad-diidka Al-shabab ayaa  maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, isagoo wata Qori AK 47 ah.

Cusmaan wuxuu Kooxda Al-shabab u qaabbilsanaa arrimaha Jabhaynta, wuxuuna ka qeyb qaatey dagaallo dhowr ah oo ka kala dhacay Gobollada Gedo, Baay iyo qeybo ka mid ah Waddanka Kenya.

Guddoomiyaha degmada Diinsor ee Gobolka Baay, Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa Sheegey in Cusmaan Caddow uu ka mid ahaa dhagar qabayaasha Al-shabab ee ku dhuumaaleysanayay degannada hoos yimada Degmada Diinsoor.

Mudane Siidoow ayaa ugu baaqay saaxiibbada Cusmaan ee ku jira  Al-shabab in ay isaga  soo baxaan oo ay ka faa’iideystaan cafiskii ay ufidisay Dowladda Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo furay Madasha arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS.
Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadminimo oo sii xumaaneysa.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

Turkiga ayaa maanta oo Arbaco ah laga xusay sanadguuradii 83-aad ee ka soo wareegatay markii uu geeriyooday Mustafa Kemal Ataturk

Dalka Turkiga ayaa maanta oo Arbaca ah waxaa laga xusay sanadguuradii 83-aad ee ka soo wareegatay markii uu geeriyooday Mustafa Kemal Ataturk oo ahaa hogaamiyihii dagaalka xornimada ee dalkaasi, isla markaana ahaa aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga.

Ataturk waxa uu dhashay 1881 kii waxa uu ku dhashay magaalada Giriiga ee Thessaloniki, oo markaas ka tirsanayd boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxbarashadiisa ciidanku waxay bilaabatay 1893 markii uu ku biiray dugsi ciidan oo ku yaal Thessaloniki,isagoo sii watay waxbarashadiisa ciidanimo isagoo ku biiray ​​Dugsiga Militariga ee Istanbul ka dibna waxa uu ka qalin jabiyay Sarreeyenimo 1902. Xirfadiisa aan caadiga ahayn ayuu Ataturk si degdeg ah u fuulay darajada ciidanka, isagoo noqday kabtanka shaqaalaha 1905tii.

Sannadku markuu ahaa 1911kii waxa uu Ataturk noloshiisa ku tilmaamay mid muhiim u ah markii uu Talyaanigu kula dagaallamay Tripoli, guulna ka gaadhay, isagoo caddeeyay xirfaddiisa dhinaca ciidammada,Waxa uu ku soo jiitay dareenka maamulladiisa adeegyadiisa aadka u wanagsan ka dib markii ay bilowdeen dagaaladii Balkanka ee 1912. Isaga oo weyn, waxa uu kaalin mug leh ka qaatay dib u soo celinta gobolada Dimetoka iyo Edirne.

Ataturk ayaa loo aqoonsan yahay asaasihii jamhuuriyadda Turkiga isagoo ku suntan dhismaha horumarka dowladnimada Turkiga iyo guulaha dagaal ee turkigu ka gaaray dagaalo dhacay wakhtiyo kala duwan kuwaas oo uu guushooda ku suntan yahay Mustafa Kemal Ataturk.

Kamala Harris oo ka degtay dalka Faransiiska.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Maraykanka ayaa safar booqasho ku gaartay dalka Faransiiska, Harris waxa ay afarta maalmood ee soo socda ku sugnaan doontaa Paris, waxayna kulamo la qaadan doonta Madaxweyne Emmanuel Macron iyo mas’uuliyiin kale oo ay kawada hadli doonaan arrimo dhowr ah, oo ay ugu horreyso khilaafka ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee AUKUS kaas oo dhexmaray Mareykanka, Britain iyo Australia bishii Sebtembar, kaas oo ay raadin doonto inay sii waddo dayactirka, sida laga soo xigtay shabakada wararka ee France24.

AUKUS waa isbahaysi cusub oo u dhexeeya saddexda waddan kaas oo Australia ay ka iibsan doonto siddeed Maraakiibta nooca quusa ee tamarta Nukliyeerka casriga ah ee Maraykanka ama UK, sidaas darteed waxay meesha ka saaraysaa barnaamijkeeda mustaqbalka (FSP) oo Faransiiska Maraakiibta naaftada.

Heshiiska ayaa lagu sheegay in dowladda Faransiiska ay aad uga naxday, taasoo aan haba yaraatee wax war ah laga hayn, iyadoo maalmo kaddib ay u yeertay safiirrada Faransiiska u fadhiya Washington iyo Canberra.

Shirkii G20 ee ka dhacay Rome dhamaadkii bishii hore, ayaa Madaxweyne Macron wuxuu la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden si ay u dejiyaan xaaladda. Intii lagu guda jiray wadahadalkooda, Biden wuxuu ku tilmaamay tallaabada uu Mareykanku sameeyay “mid cakiran.” Heshiiska cusub waxa uu Faransiisku ku khasaaray lacag lagu qiyaasay €56 bilyan oo u dhiganta ($64.9 bilyan).

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa shir looga hadlayo xaaladaha Ethiopia iyo Suudaan

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhawaan ka qeyb gasho shir looga hadlayo xaaladaha ka aloosan Ethiopia iyo Sudan oo ka dhacaya dalka Uganda.

Qoraal kooban oo uu bartiisa xiriirka bulshada soo dhigay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga Soomaaliya , Maxamed Cabdirizaaq Maxamuud ayuu ku sheegay in 15-ka bishan uu magaalada Kampala ka dhici doono shir ay isugu imanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD.

Kulanka oo looga hadli doono arrimaha ka taagan waddamada Itoobiya iyo Suudaan, ayaa sida wasiirku sheegay waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb geli doono madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirkan oo ah mid muhiimaddiisa leh ayuu sheegay Wasiirku in lagu gorfeyn doono xaaladaha ka taagan dalal ay kamid yihiin Bariga Afrika, ayna muhiim tahay in laga yeesho siyaasad isku mid ah.

Guddiga doorashada Galmudug oo soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee Aqalka sare ka harsan.

Guddiga Hirgalinta doorashada heer Maamul Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada labada xubnood ee ka harsan Aqalka sare.

Diiwaan gelinta Murrashaxiinta ayaa loo qabtay labada maalmood ee soo socota, halka Hadaljeedinta murrashaxiinta iyo Doorashadana loo asteeyay maalinta Sabtiga ah ee ay Taariikhdu ku beegan tahay 13-ka November.

UK oo muwaadiniinteeda ku sugan dalka Itoobiya ku amartay in ay si deg deg ah uga soo baxaan

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa loogu baaqday muwaadiniinta ka soo jeeda UK ee ku sugan dalka Itoobiya in ay si deg deg ah uga soo baxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Britain, gaar ahaan waaxda arrimaha Afrika, ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee Itoobiya ay sii xumaanayso, waxayna barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal u dhignaa, “ muwaadiniinta Britain ee ku sugan Itoobiya waxaan ugu digaynaa inay u safraan gobollada kale ee dalkaas, waxaan faraynaa inay si deg deg ah ugu soo baxaan guud ahaan dalkaasi”.

Digniintan ka soo baxday Dowladda UK, ayaa kusoo aadaysa xilli dagaallada ka socda Itoobiya ay kusii xoogeysanayaan gobollada Waqooyi, iyada oo dowladana ay sheegtay in aan wax gorgortan ah la gali doonin kooxaha la dagaalamaya Dowladda.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Jabhadda Oromada, Gal Moro, oo u waramay Wakaalladda Wararka Faransiiska, ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku sii dhawaanayaan Caasimadda dalka ee Addis Ababa, isla markaana ay isu diyaarinayaan inay si deg deg ah u soo afjaraan dagaalka ka socda qeybo ka mid ah dalka.