Xuska maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka Oof-wareenka

Dalalka dunida ayaa manta u dabbaaldegaya xuska  munaasabadda 12-ka Nofembar oo ah maalinta wacyigelinta cudurka ku dhaca sanbabaha ee loo yaqanno Oof-wareenka

Cudurka Oof-wareenka waa dilaaga kaliya ee sida aadka ah u saameeya dadka waaweyn iyo carruurta ,iyadoo sanad kasta cudurkaasi oo ku dhaca sanbabaha ay u dhintaan in ka badan hal milyan

Inkastoo cudurkaan uu dhaliyo Bakteeriyo halis ah,haddana.waxaa saacida wasaqowga hawada ee ay sababaan qiiqa ay sii daayaan warshadaha,gawaarida,gaaska iyo sigaarka la cabo,kuwaas oo noqon kara qodobada ugu horreeya ee soo dedejiya qatarta fjimashada oof wareenka.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa dunida ka dilaacay cudurka Covid 19- oo ka mid ah cudurada ku dhaca sanbabaha,wuxuuna sii laba jibaay fafidda cudurka ,isagoo keenay  dhimasho degdeg ah.

Xuska Maalintaan waxay gacan ka geysataa sidii dhibaatada caafimaad loo gaarsiin lahaa dadweynaha,isla markaana loo dejin lahaa siyaasad cad oo ka tarjumeysa in si isku mid ah loola dagaallamo cudurka.

Qorshaha Caalamiga ah ee Ka-hortagga iyo Xakamaynta cudurka oof-wareenka oo fikrad ahaan ka yimid WHO,ayaa qeexaya in 1 milyan oo carruur ah noloshooda la badbaadin karo sannad kasta,haddii la helo daawooyin tayo leh oo la gaarsiiyo dalalka caalamka,gaar ahaan kuwa saboolka ah.

Xuska sanadkaan ayaa ku soo beegmayxilli caalamka ay walwal ka muujinayaan Isbeddelka ku yimid cimilada ,kaas oo dhaliyay in dunidu ay ka shiraan sida wax looga qaban karo ama loo yareyn karo qiiqa warshadaha oo keena kuleylka cimilada iyo cudurada.

Maamulka Maxkamadda Sare ee dalka oo la kulmay madaxda Garsoorka Ruwanda

Godoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo  Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo Ku sugan Dalka Rwanda. ayaa kulamo kala duwan la Yeshen madaxda hay’addaha Garsoorka, dambi baadhista, asluubta, Xeer Ilaalinta iyo iskaashiga Rwanda.

Kulamadaasiayaa diirada lagu saaray xoojinta xidhiidhka bahda caddaaladda Soomaaliya iyo Rwanda iyo gaar ahaan hannaanka ay Rwanda ugu guurtay hannaanka electroniga ee maamulka iyo maaraynta caddaaladda.

“Boqoshadii aanu Kigali ku joognay ayaa si guul leh noogu soo dhammaatay. Waxaan reer Rwanda uga mahadcelinayaa soo dhoweynta ay noo saameeyeen,waxaanan ku bogaadinayaa horumarka baaxada leh ee ay ku talaabsadeen”,sidaasi waxaa yiri guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.

 

Ciidamada Gobolka Hiiraan oo howlgallo ka fuliyay deegaanno dhowr ah.

Ciidamo ku midoobay la dagaalanka Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Hiiraan ayaa howlgal ka dhan ah kooxdaasi  ka fuliyay  deegaanno dhowr ah oo hoostaga gobolkaasi.

Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada Baladweyn iyo ciidamo wadajir ah oo ka  howlgla galbedka iyo koofurta , waxaa  intii uu socday ay  ciidamada isku ballaariyeen Deegano dhowr ah oo ay kamid yihiin Deeganka ceelka baar, Biitale Jaaburow iyo degano kale.

Gudomiyaha dagmada Balad weyne Mudane Cusmaan dhicisow dhubow ayaa ciidamadaasi ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan soo celinta nabadgelyada iyo la dagaalanka kooxaha nabad-diidka ah ee weli ku harsan gobolka.

Gudomiyaha ayaa sheegay in  deegaanadaasi ay gaareen ciidamada ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay  In hey’adah sama falka iyo shrkadaha hormuud iyo dahabshiil in ay gurmad u sameyaan dadkaasi o la ildaran abaaro.

 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa oo safar shaqo ku joogo Turkey ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee wadanka Turkey gaar ahaan magaalada Ankara iyo istanbul.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagaalanka Musuq-Maasuqa JFS Abuukaate Mohamed Hussein Haamud oo safar shaqo ku joogo Turkey ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee wadanka Turkey gaar ahaan magaalada Ankara iyo istanbul.
Guddoomiyaha ayaa xarunta safaaradda kula kulmay danjiraha safaaradda Soomaaliya ee dalalka Turkey Mudane Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo howl wadeenada safaaradda.
Guddoomiyaha ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyay shaqada ay Qaranka u hayaan isla markaana kula dardaarmay in la dardargaliyo howlaha safaaradda ayada oo la ilaaliyo hufnaanta shaqada, Tirakoobka dadka Soomaaliyeed, ka warhaynta iyo dhisida Jaaliyad midaysan, Haggaajinta nidaamka maaliyadda iyo dakhliga ay Safaaraddu qabato laguna xareeyo Bangiga Dhexe, In la hagaajiyo kala danbaynta shaqada ee Diplomaasiyiinta Safaaadda ka hawlgala si loo hormariyo dowladnimada.

Ra’iisulwasaare Rooble oo booqday xarumo ku yaalla degmada Balcad

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga degmada Balcad ayaa booqday Isbitaalka guud ee Balcad iyo qeybo ka mid ah magaalada oo ay ka mid yihiin buundada Iyo suuqa degmada Balcad.

Mudane Rooble oo uu kormeerkiisa ku wehliyaan madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen iyo madax kale ayaa waxay la kulmeen maamulka iyo howl-wadeennada Isbitaalka, iyagoo kala sheekeystay baahiyaha halkaasi ka jira iyo sida ay howluhu u socdaan.

Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay Buundada dhexmarta Magaalada, isagoo u kuurgalay goobaha ugu halista badan ee uu fatahaadda ka sameeyo Webiga Shabeelle.

Ciidanka XDS oo howl-gallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Jubbada hoose

-Ciidanka XDS iyo kuwa maamulka Jubbaland oo is kaashanaya ayaa howl-gallo qorsheysan ka fuliyay manta degaannada Labi_kuus, Qudus, Yaaq dabeeyl iyo Dharkeeyn oo hoos-taga magaalada Kismaayo.

Howl-galladan oo lagu baacsanayay haraadiga kooxda Al-shabaab ayay Ciidamadu ku bur-buriyay goobo ay Argagixisadu dadka ku dhici jireen iyo Maxkamad beenaad ay lahaayeen nabad-diidka.

Ciidamada wada jira ee halkaasi ka howl-galay ayaa dadka halkaasi ku dhaqan u fidiyay kaalmo kala duwan, maaddaama ay shacabka cuna-qabateeyeen nabad-diidka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar-weyne oo manta xilka la wareegay

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay kusimihii Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne iyo Guddoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Degmada Xamar Weyne, Daahir Maxamed oo maanta ka dhacday Xarunta Degmadaas.

Guddoomiye Basma Caamir ayaa kula dardaarantay shacabka reer Xamar weyne in ay la.shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub si uu u guto wajibaadka shaqo ee horyaala, iyadoo masuulka haatan xilka la wareegayna ku boorrisay inuu la yimaaddo howl-karnimo.

Duqa Muqdisho oo kormeeray xarumo ka tirsan Aqalka dowladda hoose oo uu ka socdo dayactir

-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeer ku sameeyay dib-u-dhis ka socda xafiisyada Xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar,

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka Gobolka Banaadir ee dib-u-dhiska xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada.

Digniin loo diray dadka ku howlan boobka dhulalka danta guud ee ka socda degmada Afgooye

Gar-yaqaanka guud ee Qaranka ayaa ka digay boobka lagu hayo dhulalka danta guud ee ka socda degmada Afgooye, taasi oo la sheegay inay ku lug leeyihiin Hay’ado iyo Shaqsiyaad, iyagoo raba inay u adeegsadaan danahooda gaarka ah sifo aan sharci aheynna kula waregaan.

Warqad kasoo baxday Xafiiska garyaqaanka guud ee Dowladda FS ee Muqdisho, Dr; Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa ka digay in la boobo dhulka dowladda ay leedahay, iyadoo loo marayo sifo aan waafaqsaneyn sharciga.

Gar-yaqaanka ayaa u digay hay’adaha gaarka loo leeyahay iyo cid kasta ee ku howlan qabsashada cabirashada ama wax kasta oo wax ka baddelaya asalka dhulalkaas inay ka waantoobaan.

Halkan ka aqriso:-

Dowladaha Caalamka oo si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska cimillada ee Mareykanka iyo Shiinaha

Dadka u Dhaqdhaqaaqa isbadalka cimilada iyo siyaasiyiinta ayaa si taxadar leh u soo dhaweeyay heshiiska lama filaanka ah ee Mareykanka iyo Shiinaha ay ku doonayaan inay sare u qaadaan iskaashiga cimilada tobanka sano ee soo socda.

Dhinaca kale Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid dhiirri-gelin ah, balse hey’adda Greenpeace ee deegaanka waxay sheegtay in labada waddan looga baahan yahay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayaa la filayaa in horaanta toddobaadka soo socda ay yeeshaan kulan dhanka farsamada ah oo lagu gorfeynayo arrimahaasi.

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in yareynta ama xadidaadda heerkulka caalamiga ah ee kor u kaca ilaa 1.5C ay ka caawini doonto bini’aadanku in ay ka fogaadaan saamaynta cimilada ugu xun.

Maraykanka iyo Shiinaha waa labada dal ee sida aadka ah u isticmaala warshadaha sii daaya qiiqa kaarboonka ee sumeeya hawada.