Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka tago xilka

Wasiirka Warfaafinta ee Lubnaan George Kordahi ayaa Jimcihii sheegay  in uu diyaar u yahay in uu is casilo haddii ay jiraan dammaanad qaadyo ah in dalalka Khaliijka ay beddelaan mowqifkooda ku wajahan Lubnaan.

Xidhiidhka u dhexeeya wadamada Khaliijka iyo Lubnaan ayaa xumaaday hadaladii uu Kordahi ka yidhi colaadda Yemen ka hor intii aanu qaban xilka dawladda cusub ee Lubnaan,iyadoo dalalka Sacuudi ,Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Kuwait, iyo Bahrain ay dib ugu yeerteen safiirradoodii Lubnaan.

Yemen ayaa waxaa hareeyay rabshado iyo xasillooni darro tan iyo sannadkii 2014-kii, markaasoo fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ay qabsadeen inta badan dalkaas oo ay ku jirto caasimadda Sanc, taas oo Xulafada Sucuudigu hogaaminayo na aad uga soo horjeedo qorshaha xuutiyiinta.

Carruur ku geeriyootay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen

Wararka ka imaanaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex carruur ah ay ku geeriyootay, halka saddex kale oo hooyada Qoyska ay ku jirto ku dhaawacmeen, kadib markii ay ku qaraxday haraadiga xabad saban ah oo carruurta geeriyootay ay kasoo qaadeen aaga xarunta Jaamacadda.

Taliska Booliska degmada Guriceel ayaa xaqiijiyay dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay, waxayna dadka dhibaatadan gaartay ka kooban yihiin hal qoys.

Hey’adaha Miino baarista ayaa horay uga digay waxyaabaha qarxa ee duugoobay ee looga tago deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ama xerooyinka ciidamada ka guuraan.

Cabdi Cismaan Xareed oo ku guuleystay doorashada Aqalka sare magaalada Dhuusamareeb

Cabdi Cismaan Xareed ayaa ku guuleystey tartanka doorashada Aqalka Sare ee kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug oo maanta ka qabsoontay magaalada Dhuusamareeb.

Musharax Mahad Aadan Guuleed ayaa u tanaasulay senatarka cusub ee Cabdi Cismaan Xareed wuxuuna helay codad gaaraya 83-cod.

83-Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa goobjoog ahaa doorashadii maanta, waxayna dhammaantood cod ka taag ah ugu codeeyeen Senator Cabdi Cismaan Xareed.

Labadan kursi ee maanta ay ku soo baxeen Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid iyo Senator Cabdi Cismaan Xareed ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Senator Cabdi-Qaybdiid oo dib loogu doortay Aqalka sare

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa dib loogu doortay kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ka dib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid ayaa ka guuleystay musharax Cawil Nuur Cali, waxaana Senator Qeybdiid codka kalsoonida siiyay 83-xildhibaan, doorashada waxaa codeeyay 83-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Labadan kursi ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashada Kuraastii Ka Harsanayd Aqalka Sare Oo Ka Socota- Dhuusamareeb!

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad gobaleedka Gal-mudug ayaa ka socota qaban qaabada doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa dooran doona Musharaxiinta u tartameysa qabashada labadan Kursi ee ugu dambeeyay golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Labadan kursi ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qaban qaabada doorashada kuraasta ka harsan Aqalka sare oo ka socoto Dhuusamareeb

Waxaa magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad gobaleedka Galmudug ka socota qaban qaabada doorashada labo kursi oo ka mid ah Aqalka Sare, kuwaasoo dhawaan uu shaaciyay liiskooda Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa dooran doona Musharaxiinta u tartameysa qabashada labadan Kursi ee ugu dambeeyay golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Labadan kursi ayaa guud ahaanba ugu dambeeyay 54-ka kursi ee uu ka kooban yahay aqalka sare, waxaana horay loo doortay 52 kursi, oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ruushka iyo Belarus oo Dhoollatus Wadajir ah Billaabay

Belarus iyo xulafadeeda Ruushka ayaa Jimcahan manta ah ku dhawaaqay in labada dal ay si wadajir ah dhoolatus milateri uga sameynayaan meel u dhow xuduudka galbeed ee Belarus uu la wadaago Poland, gobolkaas oo ay ka jirto xiisad dhanka socdaalka ah.

Wasaaradda Difaaca Belarus ayaa “Telegram-ka” ku sheegtay in ciidamada labada dal ay sameynayaan dhoolatus ay ujeeddasdiisu tahay “xoojinta dhaqdhaqaaqa militari” ee u dhow xadka, halka Moscow ay xaqiijisay in dhoolatusku uu qayb ka yahay ” hubinta u diyaargarowga dagaal lama filaan ah “

Arrintan ayaa imaneysa xilli dunida galbeedka iyo waddanka Belarus uu ka dhex aloosan yahay buuq weyn oo ku saabsan qaabka uu waddankaasi ay Raashka xulafada yihiin ula dhaqmo qaxootiga magan-gelyo doonka ah ee doonaya in ay xuduuddeeda gtooshaan.

Dadka ku dhibaataysan soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Belarus iyo Poland ee ay hadda Mosco iyo Minsk dhoollatuska ka biilaabeen waxaa kamid ah tobannaan Soomaali ah oo duruufo ba’an ay halkaasi ku hayaan.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa si kulul u cambaareeyay qaabka ay foolxumada ku sheegeen ee ay Belarus ula dhaqanto qaxootiga.

Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa isagana maata walaac ka muujiyay xaaladda caafimaad ee kumanaanka muhaajiriinta ah ee ugu xayiran Belarus khilaafka ka taagan xadka Midowga Yurub awgii.

Agaasimaha gobolka WHO ee Yurub Hans Kluge ayaa ku booriyay “dhammaan dalalku” inay “ilaaliyaan xuquuqda caafimaadka qaxootiga iyo muhaajiriinta ku sugan xudduudaha Belarusiya, kuwaas oo intooda badan u baahan gargaar caafimaad”.

Myanmar :suxufi Maraykan ah oo lagu xukumay 11 sano

Maxkamad ku taal dalka Mayanmaar ee ay maamulaan ciidamada ayaa xabsi gaaraya 11-sano oo xarig ah ku xukuntay suxufi u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Danny Fenster .

Suxufigaasi oo bishii May lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Yangon ayaa lagu helay saddex eedeymo oo ay ka mid ahaayeen kicin, kacdoon iyo ‘argagixiso’.

Goobtii lagu  Maxkamadeeyay saxafigaasi ayaa la sheegay in loo diiday qeybaha warbaahinta iyo shacabka,sida laga soo xigtay qareenka saxafigaasi.

Danny Fenster, ayaa ahaa tifaftire iyo wariye ka tirsanaa majaladda Myanmar’s Frontier.

Ciidamada Kumandowska Oo La Wareegay Deegaano Ay Joogeen- Al-Shabaab

Ciidamada Kumandowska Qaranka oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay Tuulooyin ka tirsan gobolkaas oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen waxaa ka mid ah, Ceelka-baar, Biitaale, Gaaburow iyo deegaano kale, deegaanadan oo dadkii ku nool ay daadasheen abaaro ayaa deeqigii la gaarsiin lahaa waxaa hor istaagay argagixisada Al-Shabaab.

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ahna guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda iyo siyaasadda ee gobolka Hiiraan Abuukar Sheikh C/llaahi Maadeey ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh ee nabad-diidka uga dulqaadeen dadka shacabka ah dhibaatada ay ku hayeen, wuxuuna sidoo kale, tilmaamay in ay garab taagan yihiin cid kasta oo ku soo biirta la dagaalanka maleeshiyada Al-Shabaab.

Dagaalka lagu wajahay argagixisada ee deegaanada galbeedka Baladweyne looga saaray ayaa waxaa qeyb ka ahaa dadka deegaanka oo is abaabulay qoryahana u qaatay sidii ay nabad-diidka ula dagaalami lahaayeen.

Ciidamada amniga oo la wareegay deegaano ay ku sugnaayeen nabad-diidka Al-Shabaab

Ciidamada amniga oo howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano dhaca galbeed magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa maleeshiyada Al-Shabaab kala wareegay Tuulooyin ka tirsan gobolkaas oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.