R/Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaminaayo oo ku wajahan Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta safar ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Booqashada wafdiga uu hoggaaminaayo ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay la xiriirto dardargelinta iyo hubinta Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee 11-aad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudada uu jooga Galmudug waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda maamulkaas, Bulshada qaybaheeda kala duwan Iyo Xubnaha Guddiyadda Doorashada Heer Federaal Iyo Heer maamul goboleed ee ku sugan Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u ballanqaaday in uu safar ku tago xarumaha Dowlad-Goboleedyada si uu u dardargeliyo qabsoomidda Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddiga hirgalinta dorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ku dhawaaqay inay bilaabayaan Doorashada xubnaha Golaha Shacabka

Guddiga hirgalinta dorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa maanta shaaciyey in maalmaha soo socda la qaban doono doorashada 9 kursi, oo ka mid ah kuraasta Aqalka Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in kuraasida ku xigta doorashadooda la shaacin donana iyana sida ugu dhaqsaha badan.

Doorashadda Kuraasta aqalka Sare ayaa shalay la soo dhamaystiray guud ahaan Dalka oo dhan iyadoo talaabada maanta la qaadayna tahay mid muujinaysa hore u socodka Guddo galka hawlaha doorashooyinka Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.

Ra’iisul Waaaaraha ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka.

Dad mudaaharadayaal ah oo lagu dilay Suudaan 2 Saacadood ka hor

Dad Goob joogayaal  ah iyo kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in 5 qof oo ka mid ah dadka mudaaharaadayaasha ah  la dilay,  iyada oo ay sii xoogeeysanayaan dibad baxyada ka socda Suudaan.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweeyn ee magaalada Khartuum iyo magaalooyinka ku hareereeysan, kuwaasoo ka soo horjeeda awoodda ku talinta ciidamada Milatariga Suudaan.

Warbaahinta Suudaan ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay isku dayeen in mudaaharadayasha ay kala eryaan, iyagoo adeegsanaya sunta dadka ka ilmeysiisa iyo Rasaas nool.

Dhanka kale Ciidanka Booliska Suudaan ayaa beeniyay inay Rasaas nool u adeegsadeen dibadbaxayaasha, iyaga oo si cad u beeniyay warka sheegaya in la dilay qaar kamid ah dadkii isusoo baxay.

Dibad baxyada ayaa Caasimadda Suudaan ka bilowday markii taliyaha ciidamada Militiriga Suudaan, General Cabdi Fitaax Al-Burhan, uu ku dhawaaqay dhismaha golaha cusub oo madax banaan oo gabi ahaanba meesha ka saaraya Xukuumadda rayidka ah ee ka taliso dalka Suudaan.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa dad goob joogayaal ah ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale xireen Waddooyin istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin kuwa gallo madaxtooyada, Garoonka diyaaradaha iyo kuwa kale oo looga cabsi qabo in ay saldhigtaan Mudaaharadayaasha.

Isbaheysiga Yeman oo sheegay in ku dhawad 200 oo ka mid ah Xuutiyiinta lagu dilay weerarro ka dhacay dalkaas.

Isbaheysiga Taageera Ciidamada Dowladda Yeman ayaa ku dhawaaqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay fuliyeen 42 weerar oo lagu bartilmaalmeedsanayay Maleeshiyadka Xuutiyiinta ee ku sugan magaalada Sirwaax ee galbeedka Ma’rib iyo Al-bayda oo iyadana dhanka koonfureed kaga beegan Ma’rib.

Maanta ayuu Isbaheysiga sheegay in howlgalkan  lagu burburiyay 17 ka mid ah gaadiidka dagaalka, laguna dilay 186 ka mid ah maleeshiyaadkii u dagaalamayay Kooxda Xuutiyiinta.

Sidoo kale, furimaha koonfureed ee Marib ayaa Sabtidii shalay waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Yeman iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta, halkaas oo la sheegay in lagu jibiyay Maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Koonfurta Mariib ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerarro ay maleeshiyaadkaasi ku soo qaadeen, iyagoo isku dayay inay dib u soo ceshtaan goobo horay loogala wareegay.

Ilo-wareedyo gudaha Yeman ah ayaa sheegaya in Maleeshiyaad badan oo u dagaalamaya Xuutiyiinta la dilay, Iyadoo  sidokale Ciidamada Isbaheysiga ay burburiyeen Taangiyo iyo tiro kamid ah gaadiid dagaal oo ay wateen Xuutiyiinta.

Ciidamada Xoogga dalka oo dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday Baraawe

Ciidamada Xoogga dalka ayaa jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku soo qaadaan garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada oo u diyaarsanaa dhagarta argagixisada ayaa jid-gooyo u dhigay,islamarkaana halkaas ku dilay 5-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, hubkii ay wateena ka furtay.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in ay jiraan khasaare intaasi ka badan oo la gaarsiiyay cadowga,islamarkaana ciidamada xoogga ay u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan dhagar kasta oo ay soo maleegaan kooxda nabad-diidka Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu qabto doorashada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga magaalada.

Shir gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Burco

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa shil gaari oo xalay ka dhacay deegaanka Beer ee Bariga Burco, waxaana lasoo sheegayaa inuu  jiro  khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la ogyahay labo qof oo haween ah ayaa ku geeriyootay 14-qof oo kalena waxaa ka soo gaaray dhaawac ka dib markii ay isku dhaceen labo gaari oo kala ah bas iyo Xaajiyad.

Mas’uuliyiinta maamulka oo dhacdadan ka hadlay ayaa tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha.

Deegaanadan ayaa waxaa inta badan ka dhaco shilal gaari, kuwaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac, soo gaaro dadka rakaabka ah, waxaana loo aaneeyaa in dawaralladu ay gaadiidka si xooggan ay u ka xeeyaan

Ciidamada NISA oo fashiliyay miinooyin ay argagixisadu ku dhibaateyn rabeen Shacabka

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal balaaran ka fuliyay gudaha iyo nawaaxiga Degmada Deyniile, gaar ahaan Oodweyne oo Argagixisada Al-Shabaab ku aaseen Miinooyin ku guulaystay in ay ka soo saaraan, si shacabka looga badbaadiyo dhagarta ay maleegayaan argagixisada.

Ciidamada Duufaan ee NISA waxay aad ugu mahadcelinayaan dadka deegaanka oo lasoo xiriiray laamaha Sirdoonka Caasimadda, kuna soo wargaliyey Miinadan ay maleeshiyada Al-Shabaab dhulka ku duugeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa inta badan fashiliya dhagarta ay shacabka u maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray dhammaan Sanatarada loo doortay Aqalka sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hambalyeey guusha dhammeystirka doorashada Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey dardar-gelinta doorashada.

Madaxweynaha ayaa xusay sida xilkasnimada ah ee Madaxda Dowlad-goboleedyada dalku ay u guteen waajibaadka Qaranka ee ka saarnayd soo gudbinta musharaxiinta Sanatarrada Aqalka Sare, waxa uuna ku ammaanay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaannada heer Dowlad-Goboleed gudashada masuuliyadda kaga aadanayd doorashada Sanatarrada Aqalka Sare.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, Xallinta Khilaafaadka, Guddiga Amniga Doorashooyinka iyo Ciidanka Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sugidda ammaanka goobaha doorashada Aqalka Sare, isaga oo tilmaamay kartida iyo aqoonta dadka Soomaaliyeed ay u leeyihiin qabashada doorasho ka turjumeysa hor u socodka dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey dhammaan 54-ta Sanatar ee loo doortay Aqalka Sare, waxa uuna Alle uga baryey in uu u fududeeyo gudashada Waajibaadka Qaran ee loo doortay, uuna waafajiyo go’aan kasta oo ku saleysan horumarinta dalka, dadka iyo danaha

La taliyihii madaxweynihii hore maraykanka Stephen Bannon oo dacwad lagu soo oogayo

Lataliyihii mudada dheer ee madaxweynihii hore maraykanka Donald Trump,Mr Stephen Bannon ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu diiday amar maxkamadeed oo ay sameeyeen guddiga gaarka ah ee Congress-ka ee baaraya weerarkii dhimashada dhaliyay ee 6-dii Janaayo ee Capitol-ka Mareykanka, tallaabada ugu weyn ee ay qaaday waaxda cadaaladda si ay ugu qasabto wadashaqeynta saaxiibadii hore ee madaxweynihii hore.

Bannon ayaa lagu soo oogay laba dacwadood oo quursi ah, waaxda cadaaladda ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay: mid uu diiday inuu yimaado meel dhigis iyo mid kale oo ku lug leh inuu diiday inuu soo saaro dukumentiyo. Taariikhda dacwadda lama dajin. Bannon wuu diiday inuu faallo ka bixiyo.

“Tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan xafiiska qabto, waxaan u balan qaaday shaqaalaha waaxda cadaaladda in si wadajir ah aan u tusi doono shacabka Mareykanka af iyo adinba in waaxdu u hogaansanto sharciga, raacdo xaqiiqda iyo sharciga ayna raacdo cadaalad loo siman yahay sharciga. ” Xeer Ilaaliyaha Guud Merrick Garland ayaa ku yiri bayaanka. “Darajooyinka maanta ayaa ka tarjumaya sida ay wasaaraddu uga go’an tahay mabaadi’dan.”

Xeer-ilaaliyeyaasha federaalka ee Washington ayaa helay dacwadda xeer-beegtida weyn, tallaabadii ugu horreysay ee sharci oo muhiim ah oo ay wasaaraddu ku dhaqaaqday intii uu xilka hayay Madaxweyne Joe Biden iyo Garland si ay u xoojiso baaritaanka ballaaran ee shirweynaha. Aqalka Cad ayaa su’aalo ku saabsan eedeynta Bannon u gudbiyay waaxda cadaaladda