Ra’iisul wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Guddoonka Barlamaanka Galmudug ,mas’uuliyiin iyo dadweyne tiro badan.

Ra’iisul Wasaaruhu Inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, nabadeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Agabka doorashada Golaha Shacabka oo la geeyay Beledweyn

Duqa Magaaladda Beladweyne ee xarunta Gobalka hiraan Marwo Nadar Tabaax Maalin iyo hay’adaha Amniga ayaa la wareegay Qalabka loogu talo galay Doorashooyinka Golaha Shacabka ee lagu qabanayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka hiiraan.

Marwo Nadar ayaa sheegtay muhiimada aay leedahay in Doorashada ay ka dhacdo magaalada Beledweyne waxa ayna bulshada rer Beladweyne ugu baaqday ineey ka shaqeeyan nabada iyo sidii loo soo dhaweyn lahaa Dadka Qeybta ka Noqon doona Doorashada.

Dhawaan ayaa lagu wada in doorashad 25-kursi oo ka mid noqonayo Golaha Shacabka lagu qabto magaalad Beladweyna iyadoon dhamaan Gobolada dalka ay ka socdaan u diyaar garowga bilaabashada doorashada Golaha Shacabka

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furta shirka wada-tahsiga qorshe howleedka 2021-2022

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha  Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa maantay ka daah-furtay  Magaalada kismaayo  Shirka wada-tashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubaland.

Wada-tashiga oo socon doonna  saddex cisho  waxaa diirradda lagu saarayaa diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka  Jubaland, oo ay ka qeyb  galeen  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubaland, Mudane Maxamed Cusmaan  Jaamac, Agaasimaha Xafiiska xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Marwo Sahra Cabdi Maxamed, masuuliyiin k socday Urur gobaleedka IGAD,  xubna ka socda Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad goboleedka Jubaland.

Shirka wada-tashiga  waxaa lagu gorfaynayaa  wax ka qabashada mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, Colaadaha iyo fatahaadaha  oo ah kuwa sababa in dadku barakacaan.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed Agassimaha Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa faah-faahisay hadafyada uu xabaarsan yahay wadatashiga saddexda cisho ah ee ka bilowday maantay dowlad gobaleedka Jubaland.

“Waxaa farxad noo ah in aan soo gaarno Dowlad Goboleedka Jubaland oo noqonaya dowlad goboleedkii saddeexaad intii aan ku jirnay howsha diyaarinta Qorshe Hawleedka sanadlaha ah ee Dowlad Goboleedyada dalka aan u samaynaynay. Si loo fuliyo Istaraajiyadda  Xalka Waara ee Qaranka (2020-2024) waxaa lagama maarmaan ah in la diyaariyo Qorshe Hawleed sanad leh ah ee Xalka Waara wax looga qabanayo oo uu yeelan doono Dowlad Goboleed walba” ayey tiri Agaasime Sahra Cabdi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorsheynta Jubaland  Mudane Maxamed Cusmaan  Jaamac ayaa  sharaxay muhiimadda ay u leeyihiin  Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubaland ee 2021-2022.

“Maantay waxaan u fadhino waa  diyaarinta qorshe howleed sanad leh ah oo laga samaynayo dowlad goboleedka Jubaland, taas oo shirka looga goleeyahay in xal rasmi ah looga gaaro xaaladda barakacaayasha dowlad goboleedka Jubaland, maadaama Jubaland tahay maamulka ay ku soo barakeceen dadkii ugu badnaa. Saraakiisha dowladda iyo hay’addaha shirka fadhiya waa dadkii ugu mudnaa  si ay u soo gudbiyaan Qorshe Howleed ku salaysan baahiyaha ay leeyihiin bulshada barakacday iyo kuwa dalka dib ugu soo laabanaya. Waxaa la idinka rabaa in aad maskaxdiina tuujisaan mudada saddexda cisho ah ee wadatashigu socdo si aad uga soo saartaan Qorshe Hawleed la gaari karo oo rasmi ah” Ayuu yari Wasiir Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka Igad-DRDIP iyo Baanka Aduunka (WorId bank). Iyada oo gaba-gabada wada-tashiga  kasoo baxaan  qorshe howleedka sanadka 2021-2022 ee gobaleedka jubbaland, tasoo waxtar u noqanayo sidii xal waara looga gaari lahaa Arrimaha muhiimka ee kor ku xusan.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqanaaya dalal ay Kenya ku jirto

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa lagu wada inuu booqdo dhowr dal oo Afrikaan ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Blinken booqan doono dalalka kala ah Kenya, Nigeria iyo Senegal.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in ujeedka booqashaadaan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Mareykanka iyo Afrika.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa madaxda  dalalkaas kala hadli doona soo afjaridda Karoona fayras, isbedelka cimiladda iyo arrimaha nabadda iyo dimuquraadiyadeynta Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

-Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda isagoo kula dardaarmay xoojinta iyo dardargelinta howlaha iyo adeegyada hay’addu siiso shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Saraakiil ka tirsan Argagixisada AL-shabaab

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal balaaran xalay ka fuliyay Degmooyinka Hawlwadaag, Yaaqshid iyo Ceelasha Biyaha. Ee duleedka magaalada Muqdisho.

Hawlgalkan ayey ciidamadu ku soo qabteen saddex ka mid ah Horjoogayaasha Alshabaab oo Deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhuumaalaysanayey.

Sirdoonka Caasimadda waxay har iyo habeen u taagan yihiin sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga badbaadin lahaayeen, ugana hor tagi lahaayeen dhagarta ay cadawgu maleegayo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Waajid

Wasiirka gargaarka iyo arrimaha bini’aadanimada ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Caruush iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka socda hey’adda UNKA iyo hey’ado kale oo caalami ah ayaa goordhow ka degay magaalada Waajid ee gobolka Bakool

Wafdiga ayaa u kuur-galaan xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira magaaladaas iyo guud ahaan gobolka oo dhawanaha xalado bini’aadanimo laga soo warinayay

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo dib u howlgalisay xarunta caafimaad ee deegaanka gadoon oo Dhuusamareeb ka tirsan.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug  Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow”oo ay wehliyaan wasiiru dowlaha wasaarada Caafimadka Galmudug Ahmed Mire Ali “Faafale” iyo masuliyin kale ayaa socdaal shaqo ay ku tageen deegaanka Gadoon waxay halkaa dib kaga fureen xarun caafimaad oo mudo u xirnayd is qab qabsi dhanka maamulka ah taa oo bulshada deegaanka loogu adeegi jiray kadib markii ay xaliyeen khilaafkii kajiray gacan kuhaynta xaruntaasi.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb  Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” oo ay garbihiisa taaganyihiin guddoomiyaha deegaanka Gadoon Abdiaziz Qooje ayaa sheegay in waxii hada ka dambeeya xarunta caafimaad si saxa loogu adeegayo bulshada deegaanka oo baahi wayn uqabtay xaruntaasi.

wasiiru dowlaha wasaarada caafimadka Galmudug mudane Ahmed Mire Ali “Faafale ayaa dhankiisa sheegay inay la xisaabtami doonaan cid walba oo isku dayda inay carqadaladayso adeega xaruntani bixinayso maanta laga bilaabo

Abaaro daran oo laga soo werinayo gobolka Gedo

Soomaaliya ayaa waxay wajaheysaa abaaro ba’an oo soo noqnoqday gobollada koofurta waxaa sanadiihii ugu danbeyay saameeyay abaaro uu sababay roobka oo xilligiisa ku di’in

Haatan baartu waxay si gaar ah u saameysay reer miyiga xoolo-dhaqatada ah.

Gedo ilaa Jubbada Hoose, waxay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee abaaraha xoogan ay ka jiraan xiligaan oo la sugayo roobka Deyrta.

Roobka oo aan xilligiisa ku di’in, cimillada caalamka oo xumaatay iyo dhirta oo lajarayo ayaa loo aaneeyaa abaaraha soo noqnoqda ee ka jira Geeska Afrika.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo u safray Puntiland

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goorwdhow ka ambabaxay Magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntaland.

Wafdigaasi oo garoonka diyaaraha Sayid Maxamed ay ku sii sagootiyeen qaar ka mid ah maamulka Jubbaland,waxa uu xarunta Puntlan kula  kulmi doono Madaxwaynaha Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.