Gobolka Banaadir oo ansixiyay heshiis lagu mataaneenayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Konyo

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay in dowladda Hoose ee Xamar heshiis saaxibtinimo oo mataaneyn ah la gasho dowladda Hoose Konyo ee dalka Turkiya, taasi oo la filayo in dhawaan Maayarada labada Magaalo ay heshiiskaasi kala saxiixdaan.

Mataaneyntaan dhex mari doonta dowladda hoose ee Xamar iyo dowladda hoose ee Konyo ayaa waxa ay labada magaalo iska kaashan doonaan dhinacyada maareynta Qashinka, tayeynta Shaqaalaha, Maareynta Bulaacadaha, Qorsheynta Magaalada iyo Qodobo kale oo Muhiim u ah Labada Dowlad Hoose.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug

Dhuusamareeb -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay in guddigu ay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey ballan qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho oo daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.

Eng. Rooble ayaa xusay masuuliyadda hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka uu mudnaan siinayo, isagoo kula dardaarmay xubnaha guddiyada Doorashada in ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoonka Guddiyada Heer Federaal ee Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Maamulka heer-dowlad Goboleed ee Galmudug.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dakhli Kordhinta Dowlada Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Guddoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, waxaa looga hadlay kulanka la dagaalanka kooxaha ciyaal weerada iyo dhalinyarada isticmaasha mukhaadaraadka oo kusoo badanaya magaalada iyo dakhli Kordhinta Dowlada Hoose.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay mataaneynta Dowlada Hoose Muqdisho iyo Dowlada Hoose ee magaalada Kunya ee Dalka Turkiga.

Ciidanka NISA oo howlgal ku qabtay Saraakiil ka tirsan Argagixasada Al-shabaab

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa ka fuliyay Degmada Dharkeenley iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

War oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Duufaan ee NISA  ayaa lagu sheegay in howlgalka ciidamadu ay ku qabteen laba Sarkaal oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo muddo lagu raad joogay, isla markaana xogtooda ay hayeen Ciidamada.

Sarakiisha la qabtay ayaa argagixisda u qaabilsanaa,Amniyaadka iyo mid ka mida Horjoogayaasha Miina aasa ee maleeshiyada Al- shabaabu qaabilsna  kuwaas oo laga soo kala qabtay Deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Weedow.

Wasaaradda Shaqada XFS oo shir guddoomisay shirka Guddiga hagaya Mashruuca Hal-abuurka Dumarkaiyo Barashada Tamarta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shir guddoomiyey shirka Guddiga hagaya Mashruuca Hal-abuurka Dumarka iyo Barashada Tamarta sida loo cusbooneysiiyo oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirka Guddiga hagaya Mashruuca ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO, Rugta Ganacsiga ee (SCC), Xiriirka Ururada Shaqaalaha ee (FESTU) iyo Shirkadaha ka qeyb qaadanaya hirgelinta mashruucan sida Shirkada (BECO) iyo kuwa kale, qaar ka mid ahna kaga qaybgaleen aalada fogaan araga ee Zoom-ka ayagoo isweydaarsaday fikrado waxtar leh.Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa u mahad celiyay

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee Geeska Afrika ee (ILO). Mr. Alexio Musindo iyo ururka horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) oo mashruucan gacan ka gaystay. Wasiiru Dowlaha ayaa bogaadiyay wasaaradaha ka soo qaybgalay shirkan, waxuuna si gaar ah ku bogaadiyay dadaalka ay wadaan ku simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha qorshaynta ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Xirfadaha oo mashruucan ku hawlanaa in muddo ah.

Ugu danbayntii wasiiru dowlaha Wasaaradda shaqada waxa uu kulan gaar ah la qaatay ILO. Mr. Alexio Musindo agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha aduunka ee Geeska Afrika ,Waxuuna kala hadlay xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda Shaqada ee MOLSA iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka ee ILO.

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug oo gollaha Baarlamaanka hor geeysay qaraarka dhamaystirka habraaca degmada Guriceel

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa maanta hor gaysay gollaha Baarlamaanka Galmudug qaraarka dhamaystirka habraaca degmada Guriceel, oo ay hore u meel mariyeen gollaha wasirada shirki lagu qabtay guriceel bishi lasoo dhaafay.

Gollaha ayaa codka aqlabiyada u qaadaya goordhaw qaraarkan, si loo dhamaystiro hannaanka degmanimada Guriceel, kadib marki ay guricel soo dhamaystirtay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay yeelato degmo  isku filnasho buuxda leh.

laba qarax oo ka dhacay bartamaha Caasimada dalka Uganda ee Kampala

Laba qarax is xig-xiga ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhacay bartamaha Caasimada dalka Uganda ee Kampala, waxa jira cabsi ah in ay qaraxyada geystaan khasaare. Video Clips lagu arkayo twitter-ka ayaa muujinaya uuro ka ka kacaysa dhismooyin dhaadheer ee magaalada

Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxyadda ismiidaaminta ah ayaa sheegaya in lala beegsaday saldhiga dhexe ee booliiska magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, iyadoo laga cabsi qabo in Saddex askari oo booliis ah inay dhinteen iyadoo qaar kalena la sheegay inay dhaawacmeen.

Laamaha ammaanka oo ay horkacayaan Booliska ayaa goobta xiray.

Wasiirka Warfaafinta JFS oo gurigeeda ku booqday Fanaanada weyn ee Binti Cumar Gacal

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Senator Osman Abukar Dubbe oo ay weheliyaan Xildhibaano, agaasimayaal iyo fanaaniin ayaa waxa ay gurigeeda ku booqdeen fannanaddii weyneyd ee Binti Cumar Gacal oo kamid ah fannaaniinta qaranka.

Wasiir Dubbe oo Taariikhda fanaanada waxyar ka taabtay ayaa yidhi, “Binti Cumar Gacal waxay kamid ahayd xiddigihii loogu jeclaa uguna codka macaanaa Hobolada Waaberi, waxay caan ku ahayd heestii Anigoo Beled-Xaawo jooga, iyo heestii kale ee Haddaad moodday aakhiro Inay ehelo leedahay, iyo Hadduu Reer Gebegeboobo, Gurboodkiisuna xumaado, waxaa gabay aabahoode, iyo qaar kale oo ciiddaa ka badan. Waxa kale oo ay ahayd xiddigaddii ka dhex muuqatay filinkii caan baxay ee Cilmi iyo Caado. Ayuu yidhi Senator Dubbe.

Binti Cumar Gacal oo ay naafo ka dhigtay rasaas lugaha kaga dhacday Ayaa waxa uu Wasiirka Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Senator Osman Dubbe u balan qaaday Inuu u qaadi doono dhakhtar Dalka dibadiisa ah, sidoo kalena uu u raadin doono wixii xuquuq ah ee ka maqan.

Wasiirka Amni JFS oo qabtay Shir looga hadlayey horumarinta ciidanka booliiska federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cabdulllaahi Maxamed Nuur iyo ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u guddoomiyay kulanka Guddiga fulinta ee barnaamijka wadajirka ah ee booliiska, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala soctay wasaaradaha Amniga heer federaal iyo heer dowlad goboleed,saraakiil booliis iyo deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Kulanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray xaaladda amni ee dalka gaar ahaan horumarinta ciidanka booliiska federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka,waxaana lagu lafa-guray daboolidda baahiyaha hortebinta leh sida: Tababarrada iyo qalabeynta ciidamada, dhismaha iyo dayactirka saldhigyada Boliiska qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xoojinta awood dhisidda ciidamada booliska labada heer.

kulanka oo ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay xoojinta iyo horumarinta amniga caasimadda, waxaana intii uu socday kulanka leysku afgartay meelmarinta dhammaan dalabka iyo baahiyaha la soo gudbiyay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Interpol

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska ayaa kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock.

“Waxaan Magaalada Lyon ee Dalka Faransiiska oo aan safar shaqo ku joogno kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee INTERPOL Jurgen Stock, annagoo ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya CBS iyo Interpol ee ka hortagga danbiyada caalamiga ah iyo la dagaallanka argagixisada” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.