Ra’iisyl Wasaare Rooble oo bogaadiyay dhismaha Waddada isku xirta Hobyo iyo Gaalkacyo

Ra’iisyl Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay wakiillo ka socday Guddiga dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo.

Mudane Rooble ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay howshu ku socoto, isagoo warbixin ka dhageystay wakiillada Guddiga dhisaya Waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Hobyo, wuxuuna ku dhiirrigeliyay howsha muhiimka ah ee ay hayaan

Booliska Gobolka Banaadir oo Gacanta ku soo dhigay Miinooyin

Booliska Gobolka Banaadir oo howlgallo qorsheysan maanta ka sameeyay degaanka Siinka dheer, ayaa Gacanta ku sooo dhigay walxaha qarxo, gaar ahaan  Miinooyinka Dhulka lagu aaso, taas oo ay Dhagar-qabayaasha A-lshabaab qorshaynayeen inay ku wax yeelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.

Saraakiisha ciidanka ayaa boggaadiyay shacabka Degaanka oo si wanaagsan arrintaan ugala shaqeeyay, kuwaa xogta Dhagar-qabayaashana la wadaaga ciidanka, si looga hortago dhagarta arxan laaweyaasha cadeeystay waxyelleeynta Shacabka.

Sidoo kale Sarakiisha ayaa xaqijiyay inay sii socon doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo ka hortagga dhagarta argagixisada.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgallo kula wareegay degaanno dhowr ah

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad, qeybta 60-aad ayaa Maanta howlgallo qorsheysan waxa ay ka sameeyeen degaano hoostaga Degmada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa howlgallada waxaa ay ka fuliyeen degaannada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Xuddur.

Howlgallada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmada Xudur, waxaana Ciidamada ay la wareegeen degaannada ay howlgalka ka sameeyeen oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Guutada 9-aad Qeybta  60-aad  iyo  mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ayaa waxaa ay la hadleen qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool degaannada howlgallada laga fuliyay, iyaga oo ka codsaday inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u dhis lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga kajaray dib udhiska lagu sameeyay xarunta degmada Cabdicasiis si loo ballaariyo adeegyada uu maamulka degmada gaarsiiyo bulshada degaanka.

Xarigjarka kadib ayaa duqa magaalada Muqdisho waxa uu kormeeray dhismaha cusub ee degmada si uu qiimeeyo fulinta mashruucan iyo tayadiisa isagoo mid mid u kormeeray xafiisyada kala duwan ee xaruntan iyo adeegyada lagu bixin doono, iyadoo dadka baahiyaha gaarka qabo loo sameeyay goob ay isticmaalan hadii ay adeeg usoo doontan xarunta degmada.

Midowga Afrika oo canbaareeyay qaraxyadii ka dhacay Uganda

Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u canbaareeyay labadii qarax ee shalay lala beegsaday caasimadda Uganda ee Kampala.

Guddoomiyaha Miodwaga Afrika, Muuse faki ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weeraradii argagixisanimo ee ka dhacay Kampala, wuxuuna sidoo kale u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay caafimaad deg-deg ah.

Muuse Faki ayaa intaas ku daray in Midowga Afrika garab taaganyahay dowladda iyo shacabaka Uganda.

Booliska dalka Uganada ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen labo qarax oo maalintii shalay gilgilay magaalo madaxda dalka Uganda ee Kampala, waxaana ka mid ah dadka dhintay Seddex qof oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

 

Kenya oo xirtay Toddobo kamid ah Saraakiisha ilaalada xabsiyada dalkeeda.

Toddobo kamid ah saraakiisha xabsiyada Kenya ayaa la xiray kadib markii saddex Maxbuus ay ka baxsadeen xabsi si weyn amnigiisa loo ilaaliyo oo ku yaalla duleedka magaalada Nairobi ee xarunta Kenya.

Maxaabiistan baxsatay waxaa kamid ah Maxamed Cali Abiikar oo ku xukunaa 41 sanno ,kaas oo lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa sanadkii 2015, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in heegan ay gelisay ciidamadeeda si ay gacanta ugu soo dhigaan saddex Maxbuus oo ka baxsatay xabsiga Kamiti oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo.

Kenya waxay sidoo kale sheegay in $178,000 doolar ay siin doonto ciddii keentay xog horseedi karto in gacanta lagu soo dhigo Raggan baxsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in dowladda ay qaadeyso howlgal ay ku baadigoobeyso Maxaabiista baxsatay.

“Waxaan qaadeynaa tallaabooyin wax ku ool ah si aan u xaqiijino in dayacaad noocan ah aysan ka dhicin xabsiyada mar kale” ayuu yiri Matiangi.

Sidoo kale maxaabiista maxsabatay ayaa la sheegayaa inuu kamid yahay Musharraf Abdalla Akhulunga, oo la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu waxyeelleeyo baarlamaanka Kenya iyo Joseph Juma Odhiambo oo horraan lagu qabtay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaa sida la sheegay damacsanaa inuu ku biiro maleeshiyaadka argagixisada Al Shabab.

 

QM oo maanta ka shiraysa xaaladda Soomaaliya

James Swan oo ah wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM, iyo madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin ku saabsan Soomaaliya looga dhageysan doonaa kulanka Golaha ammaanka ee QM.

Kulanka ayaa la filayaa inuu qabsoomo maanta oo Arbaca ah 6:00 da Galabnimo xilliga Muqdisho wuxuuna ka dhici doona magaalada New York ee dalka Maraykanka.

James Swan iyo Danjire Francisco Madeira ayaa waxay QM kaga warbxixin doonaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo xaaladaha Bini’aaddannimo ee dalka.

 

Waa maxay sababta Mareykanka looga mamnuucay Madaxda sare ee dalka Nicaragua?

Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii shalay ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, tallaabadan uu qaaday Biden ayaa waxay jawaab u tahay doorashadii dhawaan ka dhacday ee uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega.

Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaamay mid ka fog cadaaladda asigoo sheegay in ay aheyd mid ay xareeyeen musuq iyo wax is daba marin.

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiyaal gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen dimoqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika.

Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicaragua.

 

Madaxweyne Joe Biden ayaa Talaadadii shalay ka mamnuucay madaxda sare ee dowladda Nicaragua inay soo galaan Mareykanka, tallaabadan uu qaaday Biden ayaa waxay jawaab u tahay doorashadii dhawaan ka dhacday ee uu ku guuleystay markiisii afraad madaxweyne Daniel Ortega.

Mareykanka ayaa doorashadan ku tilmaamay mid ka fog cadaaladda asigoo sheegay in ay aheyd mid ay xareeyeen musuq iyo wax is daba marin.

Xayiraada madaxweyne Biden ayaa saameyneysa dhammaan saraakiisha la doortay oo ay ku jiraan Ortega iyo xaaskiisa oo ah madaxweyne ku xigeenka waddanka, haweeneyda lagu magacaabo Rosario Murillo.

Dadka kale ee laga mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan ayaa waxaa ka mid ah xubno ka tirsan ciidanka amniga, garsoorayaal iyo guddoomiyaal gobol, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay wiiqeen dimoqraadiyadda dalka ku yaal bartamaha dalalka Ameerika.

Canada iyo Britian ayaa xayiraad tan la mid ah saaray saraakiil sare oo ka tirsan taliska Daniel Ortega ee dalka Nicaragua.

 

xigasho: VOA

Dagaalo ka socda koonfurta Ma’rib ee dalka Yeman

Jiida koonfureed ee Ma’rib ayaa la sheegayaa maanta oo Arbaco ah in ay ka dhaceen dagaallo aad u qaraar, sida ay ku soo warramayaan Suxufiyiinta halkaas ku sugan.

Diyaaradaha Isbaheysiga dalka Yeman ayaa saacadihii la soo dhaafay halkaas duullaan xooggan ku qaaday, iyaga oo duqeeyay fariisimo ay ku sugnaayeen Kooxda Xuutiyiinta.

Dagaalka ayaa hadda ka socda qeybo ka mid ah buuraha Al-Sawaad ​​oo u dhexeeya magaalada Bani Dabyaan iyo Sirwaax oo ka tirsan Ma’rib.

Wasiirka Warfaafinta Yeman, Mucamar Al-Eryani, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee ka dagaalamaya Ma’rib lagu xoojin doono Ciidamo kale oo hor leh, si gabi ahaanba halkaas looga saaro Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo bilihii la soo dhaafay, qeybo ka mid ah Ma’rib ka waday dagaallo.

Dagaallo is daba jooga ah oo todobaadyadii la soo dhaafay ka socday halkaas ayaa sababay in dad badan ay ka barakacaan deegaannada ay colaaduhu ka jiraan ee gobolka qaniga ku ah saliidda.

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wafdi ka socday Bangiga Adduunka

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Bangigga Adduunka oo uu hoggaaminayo madaxa mashruuca tayeynta hey’adaha dowladda Gregory Kasunko.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee madaxtooyada iyo Mas’uuliyiinta dowladda ee wadashaqeynta la leh Bangigga Adduunka ayaa waxaa looga hadlay dardagelinta mashaariicda Bangiga Adduunku uu ka wado Puntland.