Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo u hambalyeeysay Boqorka iyo shacabka Marooko.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS ayaa hambalyo ku aaddan xuska sanad guurada 66-aad ee ka soo wareegatay maalintii xoriyada u dirtay Boqorka, Xukuumadda iyo Shacabka Dalka Morocco.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah u diraynaa boqorka, dowladda iyo shacabka Boqortooyada Marooko oo u dabbaaldegaya munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay maalinta xorriyaddaFDalkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya,waxa ay u rajeeyeen maamulka Dalka Marooko in ay sii wadaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalkaasi  iyo guud ahaan hurumarada kale ee ay wadaagaan caalamka iyo Marooko.

Wasiir Durraan Faarax oo gaaray Garoowe

Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Durraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaybaha Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Socdaalka Wasiirka oo saddex cisho qaadanaya, ayaa muddada uu ku suganyahay Garoowe, wuxuu kullamo la qaadanayaa mas’uuliyiinta Puntland iyo qaybaha Bulshada.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi heer sare ah oo socda Dowladda Finland

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabbilay wafdi uu hogaaminayay Mr, Antti oo kamid ah madaxda Shirkada Forset Group oo ah shirkad Dowladda Finland u qaabilsan arimaha maareynta amniga.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Filish iyo wafdigaan ka socday Shirkada Forset Group ayaa kormeeray qaar kamid ah xarumaha dowladda hoose ee Xamar oo ay kamid aheyd xarunta Taliska ciidanka ilaalinta degaanka, xarunta Gaadiidka, Isbitaalka Laasaleeti iyo xarunta Aqalka dowlada hoose si ay ugu kuurgalaan baahiyaha gaarka ah ee kajira goobahaasi.

 

Qeylo dhaan xooggan oo laga muujiyay abaaraha ku dhuftay Wajeer

Biyo la’aan baahsan oo ay dhaliyeen abaaro dabadheeraaday oo ka jira Gobolka Wajeer ee Woqooyiga dalka Kenya ayaa sababay waxyeello ba’an oo soo gaartay nolosha dadka iyo xoolaha la dhaqdo ee ku sugan halkaasi.

Kuleylka cadceedda oo aad u daran iyo biyo la’aan isbiirsaday ayaa warku sheegayaan inay sababeen dhimashada xoolo aad u badan iyo barakaca dad reer guuraa ah oo u hayaamay deegaanada leh biyaha sida magaalooyinka.

“72 sano oo nolosha ah, weligey ma arag wax sidaan oo kale ah,” ayuu yiri Ibraahim Cadow, oo ka mid ah dadka deegaanka Biyamadow, oo ku taalla gobolka Wajeer ee woqooyiga Kenya.

Odaygaasi ayaa sheegay in kala bar ay ka dhinteen xoolihiisii oo u badnaa lo’da,wuxuunata intaa raaciyay in inta soo hartay ay yihiin kuwo macluul ah oo aan laheyn cad iyo caano.

Afartii bilood ee la soo dhaafay qiimaha la kala siisto xoolaha,gaar ahaan lo’da ayaa hoos ugu dhacay 357 Doolar,waxaana manta abaaraha dartood ay marayaan 45 doolar.

RW Rooble oo Galmudug ku bogaadiyay u diyaar garowga doorashooyinka

Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay habsami u socodka howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee BFS oo haatan ka billaabanaysa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Mudane Rooble, oo ka hadlayay Casha sharaf uu Xalay u sameeyay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweyntii ay walaalihii Galmudug u sameeyeen iyo sidii ay ugu shaqeeyeen dar-dar gelinta howlaha doorashooyinka Aqalka hoose ee BFS.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble“Waan ka mahadcelinayaa sida diirran ee naloogu maamuusay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.Howlihii aan u imid Galmudug ee arrinta doorashadu ugu muhiimsaneyd waxay ku dhammaadeen guul.

Waan ku ammaanayaa madaxweyne Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka JFS. Dowlad goboleedyada kalena waxaan ka codsanayaa in ay dhaqso u bilaabaan.

Dowlad-goboleedka Galmudug waxaan garab ugu nahay hirgelinta dowladnimada, nidaamka iyo kala dambeynta si bulshada deegaanku horumar u gaarto”.

 

Galmudug oo sheegtay inay bilaabayso Kuraasta ugu horreeysa ee Aqalka hoose BFS

Guddiga doorashada Galmudug ayaa Maanta Shaaciyey 5-ta Kursi ugu horreysa oo ay qabanayaan doorashadooda Maalmaha soo socda.

Kuraastaan oo kala ah HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#
026.
Maamul Goboleedyada kale ayaa sidoo kale la filaya in ay bilaabaan doorashada Aqalka hoose sida uu sheegay dhawaan Guddiga hirgelinta doorashooyinka dalka, iyadoo ay aheyd in 16ka bishan la bilaabo sida uu Guddiga horay uga dhawaaqay.

 

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland

Garoowe- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
  2. Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay

Ciidamada Qalabka sida oo howlgallo ka fuliyay waddada u dhexeysa Deynuunaay iyo Baydhabo

Baydhabo- Howlgal ka dhan ah kooxda Nabadiidka Al-Shabab oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Qalabka sida oo is garabsaneya Booliska,  xoogga dalka, Nabad sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta laga fuliyey Waddada xiriirisa Deegaanka Deynuuney iyo magaalada Baydhabo iyo Deegano kale oo dhowr ah.

Howlgalka oo Afarta jiho lagu qaadey ayaa ujeedkiisu ahaa baacsiga argagixisada Al-Shabab oo xogtoodi ay heleen Ciidamada Qalabka sida in ay ku dhuumaaleysanayaan Tuulooyinka hoos yimada Deegaanka Deynuuney ee Gobolka Baay .

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow oo howlgalka horkacayay qeybna ay ahaayeen Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad sugidda, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay joogteynayaan howlgallada argagixisada lagula dagaalamayo, ayna qorsheynayaan inay isku furaan waddooyinka deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Xafiiskeeda xalka waara oo Kismaanyo ku soo gaba gabeeyey Shirka wadatashiga qorshe howleedka 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran

Kismaanyo – Shirkan oo socday muddo shan cisho ah ayaa diirradda lagu saaray diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Jubbaland, iyadoo ay ka qeyb-galeen wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.

Mudane Cabdirashiid Cumar faratoon oo ah agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Jubbland oo kulanka ka hadalay ayaa sheegay in muddada wadatashiga socday ay ka faa’iideyn qodobbo muhiim ah, sida Xalka Waara loogu heli lahaa dadka ku jiro xeryaha barakacayaasha iyo qaxootiga soo Guruprem-noqday sidoo kalena ay helaan waxyaabaha aas-aasiga u ah sida biyo, goobo caafimaad, waxbarasho iyo dhul iyo guri ay degaan tasoo ka dhigayso in ay la mid noqon karaan dadka kale caadiga ah nolasha ay ku noolyihiin.

Ku simaha agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta maamulka Jubaland Mudane Cusmaan Xasan Cabdi ayaa yiri “waxaan bogaadinayaa hay’adaha kala duwan ee ka qeygalay wadatashiga ee quseeyso arrinta sida ay u muujiyeen dhabar adeeg iyo talooyinka dhaxal galka ahaa ku biiriyeen qorshe howleedka sanadlaha 2021-2022 ee Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara ee dowlada gobaleedka Jubbalad, tani waxa ay naga caawinaysaa ka maamul ahaan inaa xalka ka gaarno mushkiladahan soo noq-noqday ee IDPs”.

Agaasimaha Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa tilmaamtay in watashigan maanta la soo gaba-gabeeyay qorshaha hirgelinta dowlad goboleedka Jubbaland uu la jaanqaadi doono Istaaraajiyadda Qaranka Xalka Waara, iyada oo mashaariicda horumarineed loo sameenayo Maamulka Jubland ee loogu talagalay in xal waara loogu helo barakacayaasha, qaxootiga soo guryo-noqday iyo dadka nugul.

“Ujeeddadu waa inaa qorshaha u sameeyno mudnaansiin kala duwan oo hadba sida ay u kala culus yihiin inaa u qabanno, isagoo kala jaanqaadayo Istaraajiyadda xalka waara iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, marka mudnaan siinno waxaa innoo hirgelayo fulinta Istaraajiyadda qaranka ee xalka waara, iyada oo la fududeynaayo lana dar-dar gelinaayo qorshayaasha oo kor u qaadi doono awoodda iskuwidda ee waxqabadyada xalka waara ku sallaysan isla markaana hay’adaha ku howlgalaan ay tahay” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank). Iyada oo gebagabada wada-tashiga laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka Jubbaland. Sidan oo kale waxaa loola diyaariyay qorshe howleedka xalka waara ee dowlad goboleedyada kala ah Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Galmudug

Dhuusamareeb- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug ayaa  uu ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay argagixisada iyo nabad diidka uga difaacayaan dalka, kuna boorriyay in ay sii labo jibbaaraan howsha adag ee ay qaranka u hayaan.