Anthony Blinken Oo Ku Booriyey Abiya Axmed In Uu Qaboojiyo Qalaalaasaha Dalkiisa Ka Socda!

Anthony Blinken, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ku booriyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiya Axmed, inuu qaato mas’uuliyad waxa ka socda dalka, isla markaana uu soo afjaro rabshadaha ka socda gudaha dalkiisa, xilli ay weli dagaallo kala duwan ka socdaan waqooyiga dalka Itoobiya, kuwaasoo u dhexeeya ciidammada Dowladda iyo Jabhadda xoreeynta Tigray ee TPLF.

Blinken, ayaa Muuq baahiyaha CNN u sheegay in dagaalada ay horkacayaan xoogaga Tigrayga ay Itoobiya u horseedeen burbur iyo barakac shacab.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa dib u soo cusboonaysiiyay baaqa Washington ee ku aaddan joojinta dagaalka ka socda Itoobiya, ka dib markii uu todobaadkii hore ka digay in Dowladda Itoobiya ay halis ugu jirto burbur, haddii aanan la helin wada-xaajood u dhexeeya dawladda iyo Jabhadaha ka soo horjeeda.

Dowladda Itoobiya ayaa horaantii bishan ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalka oo dhan ah, iyadoo ku amartay shacabka Addis Ababa inay u diyaar garoobaan difaacida deegaanadooda, iyadoo laga cabsi qabo in fallaagada TPLF, ay ka soo dhaqaaqaan gobolka Waqooyi ee Tigrega oo ay soo gaaraan caasimadda.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo saaray jadwalka diiwaangelinta musharaxiinta

Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa soo saaray jadwalka diiwaangelinta kuraasta ay horay u shaaciyeen guddiga.

 

War-saxaafaded: Xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaaraha Soomaaliya

War-saxaafadeed ku saabsan xaaladdihii ugu dambeeyay ee Abaaraha Soomaaliya oo ay wadajir u soo saareen Hay’adaha iyo Wasaaradda Gargaarka ayaa lagu sheegay in ay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xowliga ah uga sii daraya ee dalka ka jira.

Saadaasha cimiladu waxay muujineysaa in Soomaaliya ay qarka u saran tahay in uu baaqdo xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah, taas oo xaalad halis ah keeni karta marka la gaaro April 2022.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka fuliyay gobolka Sh/hoose

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ee Gorgor ayaa tuulooyin ka tirsan gobolka shabeelaha hoose ka sameeyay howlgal qorsheeysan oo ay  ku baacsanayeen maleeshiyaadka AlShabaab, waxaana halkaas looga hortagay miinooyin ay argagixisadu ku aasayeen dhulka si shacabka ugu dhibaateeyaan.

Taliyaha Ururka 7-aad ee Gorgor G/le  Maxamed Sheikh oo howlgalkani hoggaaminayay ayay ciidamada si gaar ah kaga fuliyeen Tuulooyin ay ka mid yihiin Buushka, Idimow, cabdow dibiley.

Inta uu howlgalka socday ayay ciidamada cagta mariyeen fariisimo Al-Shabaab dadka ku baadi jireen, waxaana howlgalkani soo dhoweeyay shacabka ku dhaqan deegaanadaas.

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo fariin u diray maamulada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada aan wali shaacin kuraasta ugu horeeya ee doorashada xildhibaanada golaha shacabka in ay si dhaqsi ah u bilaabaan doorashada, waxayna guddigu shaaciyeen in 25-ka bisha December ka daba mari doonin doorashada golaha shacabka.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federal,Axmed Safiina oo soo dhaweeyay liiska kuraasta ugu horeysay ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay maamulka Koonfur galbeed ayaa maamulada kale ee haray sida Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ugu baaqay in ay ku dhaqsdaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhammaan doorashada dalka 24-ka December la soo gabagabeyn doono.

“ Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, dhamaan doorashada dalka 24-ka December ka gadaal mari-meyso inshallah,” ayuu yiri Axmed Safiina.

Sidoo kale, Afhayeenka guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Koonfur galbeed ee soo xulaya ergooyinka dooranaya 11-ka kursi ee la shaaciyay looga baahan yahay in ay si deg deg ah ugu soo diyaargarowbaan shaqa oo maanta sabti ah ka dhici doonta xafiiska guddiga doorashada ee magaalada Baydhabo si tababar loo siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed, Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) shaacinta 11-ka kursi ee ugu horreeyay ee Golaha Shacabka kuwaas oo dhawaan la qaban doono .

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka tacsiyeeyay geerida muwaadiniinta ku shahiiday qarax ka dhacay Bardaale

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay maanta ka fuliyeen Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, kaasi oo ay la beegsadeen dad masakiin ahaa oo halkaasi ku ganacsanayey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed”. Ayuu yiri Mudane Cabdicasiis.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo bogaadiyay bilaabashada kuraasta Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa bogaadinayay guddiyada doorashooyinka Somaliland iyo Galmudug oo bilaabay Doorashada kuraasta Gollaha Shacabka waqtigii loogu tala galay, hadaba waxaanu mar kale war galinaynaa guddiyada doorashada ee Maamulada kale inay dhankooda dardargaliyaan bilaabidda doorashada Golaha Shacabka.

Wasiirka Amniga XFS oo sheegay in la diyaariyay qorshaha Amniga ee Caasimada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur oo maanta ka qeyb galay Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda amni ee dalka iyo qorshaha ku talagal ee u degsan wasaaradda.

“ Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa inay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka oo ka hadlayay hubka sharci darrada ah ee lagu qaato Magaalada muqdisho ayaa waxaa uu faray laamaha maniga inay ka hortagaan cid kasta oo hubka sharci darro ah ku dhex qaadata Magaalada Muqdisho.

hadalada kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga   ayaa ku soo aadaya xilli habeenadii la soo dhaafay Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ay howlgallo kala duwan ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Dowlad Goboleedka Galmudug oo ku howlan badbaadinta Deegaanka

Maamulka wasaaradda deegaanka, isbadalka cimilada iyo horumarinta reer miyiga ee galmudug ayaa kulammo wacyigalin ah oo ku Saabsanaa ka hortagga Xaalufinta Deegaanka ku qabtay deegaano ka tirsan miyiga Bandiradley ee Goboleedka Mudug.

Kulamadan oo loo qabtay dadka reer miyiga ah gaar ahaan odayaasha, waxgaradka, culimada iyo bulshada deegaanka, ayaa waxaa ujeedku yahay in lagu joojiyo jaridda dhirta loo adeegsado dhuxusha.

Xubnaha muhiimka ah ee ka qeybgalay barnaamijkaasi wacyigelinta ah waxaa ka md ah,Gudoomyaha deegaanka Bandiiradleey, Abdirisaq Ahmed jama, Taliyaha Saldhiga Booliiska  bandiiradleey Abdikafi bashir Ali mire iyo La taliyaha mashruuca yareynta jarista dhirta, Ahmed wali Daahir Mohamed.

Deegaanada hoosyimaada bandiiradley ayaa waxaa xilliyadaan  ku soo badanayay gubista dhuxusha oo ay dhaqaale ka raadiyaan dhallinyaro wax ma garad ah.

Shiinaha: Danjire Cawaale oo ka qeybgalay Madasha shacuubta Shiinaha iyo Afrika.

Shirkaan oo ka dhacay Machadka Shiinaha iyo Afrika ee magaalada Beijing ayaa waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Waaxda xariirka caalamiga ah ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Shuuciga “IDCPC” ee talada ka haaya dalka Shiinaha iyo madaxda Machadkaasi.

Danjire oo shirka uga qeyb galayay qaab fogaan arag ah ayaa waxa uu  halkasi ka jeediyay khudbad   taabaneysa dhinacyo badan wuxuuna xoogga ku saarayay xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire Cawaale Kullane ayaa ka dhawaajiyay muhiimada ay dhalinyarada u ledahay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna dhalinyarada ku dhiiri galiyay in ay dhaxlaan xariirka saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhankiisa warqad furan oo shirkan ku socotay oo hambalyo ah u diray shirka 6-aad ee Madasha Shucuubta Shiinaha iyo Afrika.