Maamulka wasaaradda deegaanka, isbadalka cimilada iyo horumarinta reer miyiga ee galmudug ayaa kulammo wacyigalin ah oo ku Saabsanaa ka hortagga Xaalufinta Deegaanka ku qabtay deegaano ka tirsan miyiga Bandiradley ee Goboleedka Mudug.
Kulamadan oo loo qabtay dadka reer miyiga ah gaar ahaan odayaasha, waxgaradka, culimada iyo bulshada deegaanka, ayaa waxaa ujeedku yahay in lagu joojiyo jaridda dhirta loo adeegsado dhuxusha.
Xubnaha muhiimka ah ee ka qeybgalay barnaamijkaasi wacyigelinta ah waxaa ka md ah,Gudoomyaha deegaanka Bandiiradleey, Abdirisaq Ahmed jama, Taliyaha Saldhiga Booliiska bandiiradleey Abdikafi bashir Ali mire iyo La taliyaha mashruuca yareynta jarista dhirta, Ahmed wali Daahir Mohamed.
Deegaanada hoosyimaada bandiiradley ayaa waxaa xilliyadaan ku soo badanayay gubista dhuxusha oo ay dhaqaale ka raadiyaan dhallinyaro wax ma garad ah.