WAA IN AAD GUULO KA GAARI KARTAA DHANKA DHAQAALAHA.

Ugu horeyn waa in aad sameesaa  hadaf dhaqaale ama maaliyadeed ( gool ).

Taa macnaheedu waa in aad lahaataa hadaf (gool) dhaqaale oo sanadle ah, mid labo sano ah, mid Shan sano ah, adigoo adeegsanaya qiyaas tirsamaysa iyo mudo go’an.

sanad kadib meeqa ayaad rabtaa in ay hantidaadu  gaarto? laba sano kadinna? shan sano kadibna?

Tusaale ahaan waxaan rabaa in aan sanadkan shaqeeyo 5000$ ama waa in aan gataa guri, ama beer, ahdaaftan waa kuwo la qiyaasi karo.

Tan xigta waa in dakhligaaga billaha ah aad laba jibaartaa.

Waa in aad qorsheyaasa in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala bishii ama dakhligaaga billaha ah sadexdii sano ba mar, oo hadii bishii aay ku soo geli jirtay 200$ sadex sano kadib waa in aad gaarsiisaa 400$, hadii kale waa tahay nin fashilmay {aan guulaysan}.

Tan sadaxaad  hantidaada waa in uu Laban laabmo.

Hanta guud eed haysato waa inaad labo laabtaa shantii sanoba mar , manta hantidaadu meeqa ayeey dhan tahay?  shan sano kadib waa in ay labo lab noqotaa , tani waa qiyaasta ugu yar ee guusha maaliyadda.

Tan afaraadna waa in aad bixisaa sadaqo joogto ah.

waxaa fiican inay leedahay waqti go’an sida sadaqo maalinle bille, ama todobaadle ah,

“ sadaqo maal ma nusqaamiso “ sidaa waxaa yiri xabiibkeena muxamad (scw), sadaqadu waxay damisaa carada rabi, waxa barakaysaa maalka, waxay celisaa balaayadda.

Kadhig sadaqadaada mid joogto ah oo le waqti , xabiibkeenu ( scw ) wuxuu yiri : “ camal waxaa ugu khayr badan kan joogtada ah haba yaraadee “ .

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

 

 

 

 

 

GOORMAAD SOOMAALI TAHAY ?

Nolosha qofk waxay soo martaa wadoo dheer iyo duruufo kala duwan mararka qaarkood ayey la kulmaan duruufo shaqo la’aan iyo baahi dadka ayuuna qofku kala bartaa , sidoo kalena wuxuu bartaa dahqamada wuxuuna aad u jecel yahay qofka wax kala qabta dhibaatada heysata .

Gobolada iyo degmooyinka waxaa uu u jecel yahay kuwa laga soo dhaweeyo ee uu ka helo nolol wanaagsan xiiliyada uusan helin shaqo iyo wax hanti ah wuxuu ballanqaadaa ama niyaddiisa u sheegaa inuu soo dhaweyn doono dadka oo dhan ciddii soo mudata ehel iyo qaraabo wixii ahna waaba ka sii fiican yihiin laakiin sidaas dhab kama noqoto dadka qaar marka ay helaan shaqo wanaagsan ama madax laga dhigo wuxuu gooyaa saaxiibadiisii hore , gacal iyo ehelo wuxuu lahaa ayu gees iska dhigaa isagoo moodaya in aanu mar dambe u baahaneyn .

Muddo dheer marka marka u uku dhex jiro raaxadaas ayu uku dhacaa isbedel dambe waayo adduunyada keligaa saaxiib ma kula aha waxaana ku yimaada khasaare maaliyaded cudur iyo shaqo la’aan.

Muddo marka uu isqariyo ayuu soo fariistaa bannaanada iyo meelaha la isugu yimaado isagoo isha la raaca in wax uu abaal gashaday ay meelaha joogaan waxaana qalbigiisa ku shiraya sheydaankii waswas iyo qanaas iyo bakehylnimadii iskaashaday kuwaas oo ku akhrinaya wel wel kale iyo murugo iyo calaacal.

Wuxuu niyadda iska yiraahdaa haddaan shalay bixin lahaa xoolihii badnaa maanta ayaan u baxsan lahaa oo la I siin lahaa bedelkeedii , talo adduun taaduba maaha haddaad shalay aad diidi lahyd talooyinka xunxun maanta dadku sow gacan wanaagsan kuma siiyeen.

Gurmad la’aanta iyo guul darada waa dadkii aad shalay goysay oo maanta gacmaha kaa laabtay.

Wuxuu ka dhoofaa degmooyinkii hore looga yaqaanay wuxuuna isku sheegaa nin soomaali ah oo wanaagsan .

Hadaba ma wanaagsana in aad soomaali noqoto marka ay baahidu ku heyso oo keliya waxayna rag badan oo waayo arag ah ku tusaaleeyaan waano iyo caqli fiican oo berrito u aayo.

Qaar baa waxay yiraahdaan waddadii wanaagsanyd ee aad soo martay dib ugu noqo laakin ninka xun ma jecla in uu dib ugu laabto wadadii uu soo maray laakiin wuxuu raadiyaa dad cusub oo u uku beerlaxowsado soomaalinimo .

Ninka xun wuxuu jecel yahay in uusan gadaal u laaban oo uu hor u socdo iadoo gacan waliba ay harsato geedkii ay beertay .

Hadaba ha noqon soomaali maalinta guusaha iyo barwaaqada oo keliya ee noqo mid soomaalinmada naf iyo maalba u hura.

Gadaashaada ha ka nixin in aad hortaada ka cabsato mooyee waayo hortaada ma ogid wax kaa horreeya .

Iska ilaali inaad beerto geedo xun oo dhibaateynaya soomaalida kuna dadaal in aad yeelato hal weji oo ah kan soomaalinimada dhabta ah , guushaaduna waa godob la’aan.

WQ : Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

DOORKA MARAAKIIBTA EE HORUMARKA DHAQALAHA

Maraakiib kala duwan oo hadana kala heer ah baaxadda , weynida iyo mugga qaadkeeda alaabeed oo noocyo badan ayaa dunida qaaradaheeda isaga goosha .

Wadamada horumaray ayaa si joogto ah uga howlagala , badweynta baasifiga, Atlaantiga iyo Indiya oo fuliya howlo baaxad leh ee daabulka waxyaabaha culus ee diyaaradaha qaadi Karin.

Horumar ayaa laga gaaray maraakiib dabaqyo badan le isla markaana leh bed wax lagu qaado waa lama huraan maraakiibta in ay isaga gudbaan qaardaha dunida oo wax la is dhaafsi ku guda jira.

Wadamada Yurub , Ameerika , Australia iyo Asiya ayaa si weyn uga macaasha daabulka alaabada , gawaarida iyo walxo kale oo ganacsi geli kara oo ay leeyihiin dalal kale xiriir wax wada qabsi iyo wax is dhaafsi .

Maraakiibta xamuulka qaadda ka sokow waxaa jira kuwo tanker ah oo qaada tan badan oo shidaal ah oo u gudbiya wadamo aad looga baahan yahay .

Inkastoo ay jiraan dhuumo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah leysugu gudbiyo waddan ka waddan hadana waa mid aan laga maarmin. Daabulka shidaalka si loo geeyo meelo fogfog.

Shixnadaha shidaalka ayaa isaga goosha Asia ilaa Yurub iyo Mareykanka , Scuudiga, Iraq iyo waddamo kale oo ka mid ah khaliijka ayaa arrintaa si aad ah ugu howlan.

Waxaa iyana jira maraakiib ku howlan daabulka xoolaha nool oo loo iibgeeyo wadaamada khaliijka iyo sacuudiga iyo Masar.wadamada Afrika ayaa si weyn ugu horreeya maraakiibta ganacsiga ee lagu daabulo alaabada calculus , badiyaa waa loo keenaa inkastoo wadamada qaar ay leeyihiin maraakiib wax daabusha .

Sida shirkadaha diyaaradaha ay u fuliaan nooca Cargo ee qaada alaabo ayaa maraakiibta aad ugu horreysa habkaasi wax qaadista waaa mid kor u qaada sanad walba koboca dhaqaalaha ee dalalka maraakiibta waaweyn leh ee ka howlgala dunida daafaheeda kuwaas oo door wacan ka qaata horumarka dhaqaalaha ee dalalkooda

Dhanka kale waxaa jira iyana maraakiib ku rakiban talaajooyin oo loogu talo galay kalluumeysiga kuwaas oo qalab casri ah iyo shabaakado u tuurta badaha si ay u jillabtaan kuwas oo ku howlan kheyraadka badaha ku jira ugu soo gudbiyaan wadamadooda si loo wershadeeyo gaar ahaan kallunka , waana wadiiqo kale oo lagu kobciyo dhaqaalaha.

Maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka iyo gantaalaha casriga ah iyo kuwa quusa biyaha hoostooda ee gujisyada ayaa iyana wadamada suuqgeyn iyo heshiis isla gala taas oo balaayiin lacag ah laga sameeyo.

Waxaa iyana jira maraakiib loogu talogalay dalxiiska oo dadka laga kireeyo oo ku dabaaldega xeebaha , jasiiradaha iyo halka ay xiisedynayaan dadka kireysta .

Waa hab kale oo loo adeegsado lacag ka abuurista koboca dhaqaalaha wadamada hore u maray iyo kuwa soo koraya oo intaba leh maraakiib noocaas ah oo lagu tamashleeyo laguna dalxiiso , waxaa jira qaar gaar loo leeyahay oo lagu raaxeysto laguna tamashleeyo.

W/Q: Ibraaahim Abuukar (Fanax)

 

SIDEE LAGU HELI KARAA MIDNIMO SOOMAALIYEED?

Soomaalidu shan gobo loo ku taalla geeska Afrika waxaa markii hore tgumeyan jiray Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaana shanta gobol loo aqoonsaday qeybsigii Afrika ee reer Yurub xilligii xornimada ya qaadanayeen Muqdisho iyo Hargeysa.

Ingiriiska ayaa saddexdii kale u dhiibay dowlado kala duwan sida Faransiiska oo Jabuuti oo haatan dowlad ah gacanta loo geliyey, Soomaalida Itoobiya oo ah tan ugu badan ooh adda uu ka jiro hal maamul oo ay Jigjiga xarun u tahay loo dhiibay Itoobiya iyo NFD oo kenya loo dhiibay.

Markii ay midoobeen labada gobo lee xornimada qaatay waxay baaq u direen saddexda kale ee ay wlaalaha yihiin kuwaas oo ay ku yiraahdeen iska qaada heeryada gumeysiga , taas waxaa kal faa’ideystay gumeysteyaashii gacanta ku hayey oo ku giijiyey xarigii gumeysiga siina fogeeyey isagoo kaashanaya tabcaneyaal soomaali ah.

Waxay u dhigeen darsiyo kala duwan iyagoo u sheegay dano gaar ah oo caqabad ku ah midnimada iyo horumarka soomaaliyeed waxayna gumeystuhu hore u ogaayeen haddii ay soomaalidu midoobaan in ay geeska Afrika qabsanayaan waxaan garabka nagu haya dowlado heysta diinta kirishtaanka oo aan u adkeysan Karin fatahaadda webiga muslimka ah ee garabka ku haya .

Waxaa gacan iyo talo siiyey kaniisadaha adduunka oo dhan iyagoo ku andacoonaya dhinac waxaa naga haya dhinaca galbeed Suudaan, bariga oo dhanna waxaa ku gadaaman soomaalida muslimka ah, sidaa darteed waa in nalaga difaacaa soomaalida si aanay awood u yeelan.

Waxay awood dheeraad ah ku bixyeen in aanay soomaalidu midnimo yeelan, jbuuti markii ay xornimada qaadatay taas oo naf iyo maalba soomaalida uga baxeen markii ay xorowday oo laga dulqaaday culeyskii gumeysiga waxaa la isku diray madaxdii soomaalida iyo kuwii Jabuuti iyadoo loo adeegsaday xeelado dadban oo ay ku jirto qabyaalad iyo u adeegid dano shisheeye.

Dhinaca Itoobiya, soomaalida Itoobiya waxaa ku jirta qabyo aan dhammaan mana xoroobi karto ilaa ay gacanta ku dhigaan dd ay soomaalinimada ku dheer tahay ama ay ka dhashaan xisbiyo siyaasadeed oo xoog leh.

Dagaal dheer ayaa sanadkii 1977 kii lagu qaaday si loo xureeyo taas oo ay soomaalida uga baxday naf iyo maalba .

Dhibaatooyinkii laga dhex abuuray halgankii inta uu socday waxaa la adeejiyey saraakiil badan oo ka hor timaada dowladdii xilligaas lama guran mirihii halganka loo galay soomaalida Itoobiya waxaana laga dhex abuuray soomaalida colaad iyo isnaceyb .

Waxaa dhacay bililiqeysi iyo dhac hantiyeed waxaa dacar lagu daray macaankii walaalnimada iyo soomaalinimada , waxaana la sameeyey jabhado qabaa’ilo ka socda .

Meeshii la kala sugayey abaaal, walaalnimo iyo is jaceyl waxaa dhashay isnaceyb iyo is colaadin iyo ugu dambeyn dhul kala goosasho taas oo weli socota iyadoo weliba hadda si casri ah loo dhigay. Degaanadii ayaa la siu sheeganayaa , sidaa awgeed , sidee soomaalida midnimo mar kale loogu soo celin karaa ?

LA SOCO QEYBTA LABAAD

WQ: Abwaan Gabayre

 

DEGENAANSHAHA IYO NABADDA OO KAALIN KU LEH KOBOCA DHAQAALAHA

Nabaddu waxay u leedahay noolaha guud ahaan ahmiyad gaar ah oo ay ku negaadaan.

Marka uu degenaanshuhu yahay mid wacan oo ay jirto isu socod han kasta ah ayaa waxaa markiiba muuqanaya wax is dhaafsi alaabo iyo badeeco, iyo ganacsiga oo suuq wanaagsan hela, isla markaana yeesha faa’ido la taaban karo.

Kororka dhaqaalaha ee waddan ayaa waxaa saldhig u ah nabadda taas oo u suutagalisa in la tiigsado qorsheyaal horumarineed ee dhanka qeybaha beeraha iyo wrshedaha.

Ka gungaarista waxbarasho heer sare ah iyo caafimaad horumarsan ayaa bartilmaameed u ah degenaansho iyo nabad joogto ah in la helo .

Marka nabadda iyo kala damebynta lunto waxaa la dareemaa welwel, fowdo ka dhalata amni darada oo ay soo uf baxaan kooxo dadka u dhigta jidgooyo una geysta boob iyo dhac .

Waxaa hakad gala isu socodkii ganacsiga oo isaga gooshi jiray gobolada iyo isu socodkii bulshada inteeda kale waana mid keeni karta dib u dhac , cabsi iyo shaki taas oo aan la isku alleyn karin biimo maahee .

Waddan kasta isaga ayey u taal sida uu u horumarin karo habdhiska nabadda ee dalkaa waana mid lama huraan ah .

Si kastaba ha ahaatee waxaan la isku heyn ahmiyadda degenaanshaha iyo nabadda ay ku leeyihiin horumarka dhaqaale ee dal walba waana mid looga bixi karo dhaqaalaha gaabiska ah ee dunida saddexaad la daalaa dhacayaan.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

DAALACASHADA IYO AKHRISKA BADAN OO GARAADKA KORISA

Ruux kasta oo caado u ah habdhaqanka akhriska waa hubaal in uu dheehanayo waayo aragnimo badan .

Dhaqanka wax akhriska waxaa uu u horseedaa qofka in uu wax badan ogaado taas oo isugu jirta waxyaabo badan oo aanu hore u ogeyn.

Wax akhriska wuxuu kuu suurtagaliyaa daalacashada taariikhdii hore ee dunida soo martay iyo horumarka laga gaaray teknolojiyada, sayniska iyo culuunta guud.

Isku taxluujinta raadinta macluumaad ayaa saldhig u ah akhriska badan .

Inkastoo dalku haatan laheyn maktabado oo wax laga akhristo ayaa hadana waxaa jira habka internetka wax looga kororsado.

Soomaalida inta badan ma laha dhaqan wax akhris , wallow inta yar eel eh hakaas waa kuwo aqoonta iyo garaadka kaga sarreeya inta kale .

Marka aad u fiirsato inta tababarada, seminaarada ka qeybgala waxay ka faa’ido badan yihiin kuwa iska fadhiya.

Dunida hore u martay ayaa ku sofowday habka wax akhriska oo waagii baryaba ku mashquulsan akhriska wargeysada iyo buugaag kala duwan oo xambaarsan sheekooyin iyo taariikh .

Sdee baad ku horumarin kartaa haddii aad wax akhriska meel iska dhigto oo aadan daneynin .

Ruuxba kan ka akhriska badan oo waa kan ka aqoon iyo garaadka sarreeya kan aan laheyn dhaqanka wax akhriska .

Arrintu si kastaba ha ahaatee yeelo dhaqan wax akhris iyo raadin aqoon kororsi  dhinacyo badan halka keliya aad wax dhageysan laheyd .

Waa arrin muhiim ah habdhaqanka wax akhriska ee aqoon maaddi iyo diiniba ah wax badan kaaga kordhayo.

W/Q : Ibraahim Abuukar (Fanax)

Jubbaland oo daah-furtay olole lagu daweynayo xoolaha nool

Wasiir kuxigeenka Waasaradda Xananada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowlad Goboleedka Jubbaland Ibraahin Cabdi Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaradda Cabdullaahi Cali Faarax ayaa maanta daah-furay olole lagu daaweynayo Xoolaha nool, iyadoo abaaraha jira awgood ay xooluhu ku dhaceen cuduro kala duwan.

Wasaaraddu ayaa daaweyntan maanta ka bilowday nawaaxiga magaalada Kismaayo, barnaamijkan oo socon doona muddo 15-maalin ayaa waxaa la daaweyn doonaa ilaa 30 kun oo neef.

Qaar ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ayaa sheegay in daawayntan loo samaynayo xoolaha Jubbaland ay tahay mid xilligan loo baahnaa.

Ciidamada Xoogga dalka oo ka qeyb qaadanaya gurmadka abaaraha

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Biyo dhaamin u sameeyey qaar ka mid ah Bulshada ku dhaqan deegaano ka tirsan Gobolka mudug oo ay  Saamaysay abaarta daran, taas oo ku dhufatay qaybokKa mida goboladda Dalka Soomaaliya

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa Gurmadkii ugu horeeyay oo Biyo dhaamin ah ka bilaabay Gobolka mudug.

Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha samafalka ayaa ka walaacsan abaaraha sida xowliga ah uga sii daraya ee dalka ka jira, saadaasha cimilada waxay muujineysaa in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in uu baaqdo xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah taas oo xaalad halis ah keeni karto marka la gaaro April 2022.

Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Belarus Oo telefoon Ku Wada Xiriiray!

-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Belarus Alexander Lukashenko iyagoo ka wada xaajooday xaaladda xuduudka Belarus iyo Poland.

Putin iyo Lukashenko waxay walaac xooggan ka muujiyeen “falka aan la aqbali karin, naxariis-darrada ah” ee ay ku kacayaan ilaalada xuduudaha Poland, oo ay ku jiraan isticmaalka firfircoon ee xoogga iyo habab gaar ah, ayay Kremlin ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

“Alexander Lukashenko waxa uu ka warbixiyey tillaabooyinka ay Minsk u qaadday si ay u dejiso dhibaatada iyo bixinta gargaarka bini’aadantinimo ee muhaajiriinta, iyo sidoo kale wadahadal joogto ah oo taleefoon ah oo uu la yeeshay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Federaalka ee Jarmalka Angela Merkel November 17,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Madaxweynayaasha Ruushka iyo Belarus ayaa xusay muhiimada ay leedahay in la sameeyo iskaashi dhexmara Minsk iyo Midowga Yurub si loo xalliyo dhibaatada.

Afhayeenka Turkiga iyo La taliyaha Amniga Maraykanka Oo Ka Wada Hadlay Xiriirka Labada Dal!

Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga, Ibrahim Kalin iyo La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka xili ay ku wada hadlayeen khadka Telephone-ka maalinimadii jimcaha.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka siyaasadda iyo dhaqaalaha, iskaashiga dhanka gaashaandhigga, arrimaha caalamka iyo gobolka, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Turkiga.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen xaaladda bini’aadantinimo iyo siyaasadeed ee Afgaanistaan, midnimada dhuleed ee Suuriya iyo nadiifinta argagixisada, geeddi-socodka siyaasadda iyo doorashooyinka soo socda ee Liibiya, Nagorno-Karabakh, horumarinta xuduudaha Ukraine, dhibaatada muhaajiriinta ee xuduudaha Poland-Belarus iyo horumarka. ee Bariga Mediterranean-ka.

Waxaa sidoo kale la isla soo qaaday faafaahin ku saabsan habka istiraatijiyadeed ee wadajirka ah ee lagu heshiiyey kulankii dhex maray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ka qeyb galayay shir madaxeedka G20 ee Rome.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Emily Horne ayaa sidoo kale bayaan uu soo saaray ku sheegay in Kalin iyo Sullivan “ay ka wadahadleen tillaabooyinka xiga ee iskaashiga laba geesoodka ah ee Maraykanka iyo Turkiga” ka dib kulankii Biden iyo Erdogan ee Rome 31 Oct.