Wasiirka Ganacsiga oo ka qeybgalay munaasabad lagu daah-furayay Bangiga cusub ee My Bank

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad daah-fur looggu samaynaayey Bangiga cusub ee My Bank oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho.

Munaasibadda daah-furka Banigaga oo sidoo kale uu ka soo qeyb-galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyey Wasiirku, wuxu hambalyeeyey ganacsatada Soomaaliyeed ee furtay bangigan oo uu sheegay inuu wax weyn ku soo kordhin doono horumarka iyo fududeynta ganacsiga dalka.

source: Radio Muqdisho

Allaha u naxariisto Agaasime Afrika oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax lala eegtay

Allaha u naxariisto waxaa caawa Muqdisho ku geeriyooday Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, halka ay ku dhaawacmeen Agaasime Sharma’arke Maxamed Warsame oo.ah Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Cabdiqaadir oo wade u ahaa Agaasimaha, kadib markii uu isku qarxiyay ruux naftii halige ah.

Dhaawacyada ayaa iminka lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Qaraxa sida ay Cadeeyeen Kooxaha Farsamayaqaanada Booliska waa Qof naftii hallige ah oo dhinaca ku dhagay gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha Radio Mogadishu iyo SNTV oo kasoo baxay Maqaayad ay ka casheyeen oo ku taalla dhanka Boondhere wadada Busleey.

Dhagar Qabaha ayaa waxa uu halmar kusoo booday Daaqada Gaariga kadibna isqarxiyay

Sida ay qoraayaan Dadka ma ahan oo qarax Gaariga kuma xirneyn.

Waxaana yaala qeyb ka mid ah Jirka Naftii haligaha isqarxiyay.

Source: Radio Muqdisho

Berbera oo laga hirgaliyay garoon Caalami ah oo loo dhisay qaab casriyeysan.

BERBERA- Munaasabad dib loogu furayo garoonka Diyaaradaha ee magaalada Berbera oo dib u dhis balaaran iyo qalabayn casri ah lagu sameeyey ayaa maanta ka qabsoontay Berbera.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xadhiga ka Jaray garoonkan caalamiga ah ee Berbera International Airport.

Garoonkan ayaa shaqayn doona 24 saac maalin kasta sida uu sheegay Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo magacaabis iyo isku beddalid ku kala sameeyay Wasiirada Xukuumadda qaarkood.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo
Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

WAXA LA GELAYA XILLI ROOBAAD MA JIRAA WAX DIYAAR GAROW AH?

Sida laga wada dheregsan yahay xilli roobaad kasta waxaa dalka ka dhaca qasaarooyin kala duwan oo ay ugu weyn tahay naf go’da, waxaana xasuusannaa kii ugu dambeeyay wixii dhacay, haddaba ma jiraan wax ka sii tabaabusheysi ah haddii ay noqon lahaayeen dowladda ama shacabka, sidoo kale weli waxaa jira meelaha qaar oo la arki karo ama la fahmi karo in haddii roobku billowdo ay suurowdo in si weyn dhibaato uga dhici karaan.

Muqdisho, waa magaala madaxda dalka soomaaliya, waxaana mar waliba loo baahan yahay in ay ahaato mid isku dheelli tiran dhan waliba, haddeey noqon lahayd waddooyinka, nadaafadda, guud ahaan bilicda caasimadda ay u baahan tahay in leyska saaro xil, si ay caasimadda u noqoto muraayaddii qaranka iyo Afrika. Waa jiraan waddooyin xoogga la saaray oo wax laga qabtay hase yeeshee, weli waxaan aragnaa in ay jiraan waddooyin burbursan, kuwo bacaad duugay iyo kuwo ay fadhiistaan biyaha roobka, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto siiba waddooyinka Via Moosko ee xiriirisa ceelgaabta ilaa suuqa beerta, Barxadda Via Egito iyo meelo kale oo biyahu fadhiistaan, gawaariduna ay kala kulmaan dhibaato aad u badan.

Laamiyada Caasimadda qaarkood waxaad ku arkeysaa, burbur lixaad leh, sida godod waa weyn oo ay sababeen roobabka iyo shirkadaha qaarkood oo dhulka jeex jeexa, isla markaana isaga taga iyagoon si wanaagsan u dayac tirin.

Waddooyinka qaarkood, waxay gabeen in la haweysto maritaankooda, waayo waxay isu beddeleen godod iyo bacaad aan la geli Karin, taasi waxay gaadiidka ku kaliftaa in ay sameeyaan wareeg aad u dheer.

Waxaa jirta in mararka qaarkood gaadiid si meyr la’aan oo xad dhaaf ah loo soo raray, in ay ku gaddoomayaan waddooyinka burbursan, taasoo mar waliba sabab u noqon karta qasaarahan ganacsatada iyo gaadiidleyda.

Inkastoo dowladda Turkiga oo aan walaalaha nahay ay dayactir ku sameeysay qaar ka mid ah wadooyinka magaalo madaxda ee Moqadisho, haddana waxaad arkaysaa waddooyin badan oo aan wali helin dayac tirkii ay u baahnaayeen ayna adag tahay in si sahlan ay gaadiidka u maraan, sida waddada aadda dhanka iyo afgooye.

sidoo kale, waddada loo yaqaano wadnaha, iyo Soddonka iyo weliba tan warshadaha meelaha qaar bacaad ayaa labada dhinac ka degay, tan aadda shabeellada dhexe, gaar ahaa Muqdisho iyo Balcad inta u dhaxeysa iyo wixii dhaafsiisanba, in kastoo sida aan horay usoo sheegnay qeyb yar oo ka mid ah waddooyinka caasimadda dayactir heleen, haddana waddooyin sida aadka ah gaadiidku u isticmaalaan waxaa lagu arkayaa bacaad iyo qashin waxaana halkaas ka muuqda dayacaad aad u baahsan, taasoo sabab u noqon karta in uu gaariga ku qallibmo.

Meelaha qaarkoodna waxaaba xiray gaadiidka waa weyn oo si aan hagaagsaneyn loo dhigay waddooyinka, waxaan qiil qiil gala maritaanka waddada, waxaana sida badan lagu arki karaa wadada gasha dekedda Xamar siiba labada buundo oo haatan quus laga taagan yahay ciriiriga ay ku hayaan gawaaridaas waa weyn.

Dhanka kale, waxaa jiray mararka qaar gaadiidley iska uruurin jiray lacag si ay isaga daboolaan godadka, laakiin waayadaan dambe way yaraadeen raggii isxilqaami jiray. Dowladda hal mar ma wada sameyn karto dalka oo dhan, sidaa daraadeed ganac satadu waa inay ka shaqeeyaan dhismaha iyo horumarka dalka oo aysan ku haleynin dowladda oo keliya.

Sidoo kale, marar badan waxaa isku dhac ka yimaadaa gaadiidleyda iyo shacabka deggan xaafadaha, waayo gaadiidku markuu waayo waddo uu ku mushaaxo dantu waxay ku qasbeysaa in uu maro waddo qardo jeex ah oo dhexmarta xaafadaha taasoo iyadana sababta isku dhac gaadiidlayda iyo dadka xaafadahaasi degan, ka dib marka ay dadyowga xaafadaha deggan ay dhagax ku gooyaan waddooyinka hor mara iyagoo ka baqa in ilmahooda baaburta ka jiiraan. Bulshooy Dal walbo waxaa dhisa dadkiisa, bahweynta Soomaaliyeedna waxaa la gudboon in ay usoo jeestaan sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen oo aysan sugin Cid kale.

Haddaba, si looga baaqsado, shilal ka dhaca waddooyinka waa in lahelaa fikir oranaya maxaa dhici kara? waa in loo helaa waddo kasta shaqaale suga nadaafadda waddooyinka, waxaa dowlad iyo shacaba nagu waajib ah inaan ka qeyb qaadanno dib u habeynta bilicda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Waa hubaal, haddii leysu kaashado in ay wax badan iska beddeli doonaan dhismaha waddooyinka,Nadaafadda iyo guud ahaanba bilicda iyo quraxda caasimadda.

WQ: Osman Dhiblaawe

SINNAAN IYO CADDAALAD BAA SAFKA HORE LAGU TAGAA

Waxaan is weydiiyaa maxaa ka socda dunida maanta aynu joogno, markaan jawaabta aan helay u daadego waa laba uun Qolo ku dhibban siday u noolaan lahaayeen iyo qolo ka tashatay in ay dhibtoodaan.

Horumar sidiisaba waxaa saldhig u ah in la helo sinnaan iyo caddaalad.

Sidoo kale, waxaan isweydiiyaa annagoo supper power (Quwad weyn) noqon karna maxaa dunida saddaxaad nagu daray, safka dambe inaan mar walba ku jirno sad umaanan helin ee dalka sida haloo dhaamo soomaalaay nimaan dhididin ma dhergayee fadhiga ka kaca.

Gaarista himmilladeennu waxaa ka haray laba tallaabo oo aan horay u qaabdno oo keliya.

Su’aashu waxay tahay haddaad Saakay aragtay Saadambe maxay noqon? Waa il iyo aragti waa dheg iyo maqalkeed, saadaashuna waa guul.

Dal horumaray iskama hormarin ee dadaal buu ku gaaray, innagana ka ma xumine xilliga umbaa sheegidoona.

Soomaalida waxaa dunida looga yaqaannaa inay yihiin dad shaqeysta oo ganacsiga ku wanaagsan, waxayse barakadarrado ka jirtaa oo  la yaab ah in uu ganacsade kasta oo kis yar helay uu dhisay dal kale uusan lahayn maalgashina ballaaranna ku sameystay, Reer Banaadir waxay yiraahdaan ( Musbaax Mininkaada u baahan Minin kale lama geeyo).

Dalkaan wuu soo maray waqti la yiraado waagii beri samaadka, waagii beri samaadka, muxuu ahaa waagii beri samaadka?, wuxuu ahaa xilli ay soomaalida ku jirtay sida aan aniga u arko bash bash iyo barwaaqo laakiin, xukuumaddii milliteriga ay u bixisay xilligii musuq maasuqa taasina waxay ahayd arrimo siyaasadeed oo keliya, waxaa la weydiin karaa rug cadaayaasha weli nool dalkan siduu ahaan jiray.

Dalkeennu waxaa lagu sheegaa inuu yahay dal barwaaqo ah haddana waxaan aragnaa in la baahan yahay maxaa sabab u ah waa in wax leyska weydiiyaa.

dalka waxaa ka jira waxyaabo badan oo u baahan in wax laga qabto oo ay ugu horreyso in dhallinyarada raxan raxanta ah ee ka soo baxaya Jaamacadaha dalka sidii loogu abuuri lahaa Shaqooyin si  jeebkooda u cuslaado.

In qoysaska danta yar ee aan heli Karin nolol maalmeedka loo sameeyo ganacsiyo yar yar si ay ugu dabaraan howl maalmeedkooda.

Intaas iyo wax ka bandanna waxaa la heli karaa markii loo dhaqaaqo dhanka iyo wax soo saarka dadku waa inay u dhaqaaqaan tacbashada beeraha, kalluumeysiga, xoolo dhaqashada, xukuumaddana waa inay dhiirigelisaa kuwa ku haminaya in ay qotaan beerahooda.

Runtii markaad fiiriso social mediaha waxaad arkeysaa in ay jiraan dowlado ku fashilmay inay dalalkooda gaarsiiyaan caalamka haba u badnaadda madoow ee Afrika.

Raadinta quud maalmeedka waa mid qasab ku ah qof walba annagana qeyb baan ka nahay sahalkana Allaah baa iska leh, waxaanse islee yahay waxaa nagu yar  dadaalkii iyo baryadii  Ilaahey ee loo baahnaa, halkaana waxaa loo baahan yahay inleyska fiirsho, waayo ummadda Rabbigeeda ku caasisa ma liibaanto.

Sidoo kale, been abuurka carabta, Waxaan ka xumahay in carabtii shalay ay awooweyaasheen siin jireen mucaawinada iyo sakooyinka in ay maanta nagu jees jeesaan naguna tilmaamaan inaan nahay qoom ku caasiyay nimacadii ilaahey horay u siiyay, waxayna sabab uga dhigaan faqrigeenna tilmaamo xun oo ay ka mid tahay:

Soomaalidu waxay sameyn jireen marka uu u baahdo beerka neefka ama hargga neefka, waxay sameyn jireen gowrac oo beerka keliya ama maqaarka keliya laga rabo inta kalena way iska tuuri jireen, taasina ma u maleynayo inay tahay wax sal iyo raad ku leh dhaqanka soomaalida, waxayna ku habboonaan lahayd in dowladdeenna ay arrintaasi wax ka weydiiso culimada sidaas khudbeysay.

Waa xaqiiqo dunida haddaad u laciifto in laguugu tumanayo, been abuur iyo waxaan jirinna lagu dul saarayo.

Runtii haddaan taabto annaga maxaa sidan noo galay? jawaabta nin waliba meeshuu duuno dubbaha ha la dhacee waxay ila tahay inay ka mid tahay

  • Qabyaaladda: oo safka hore kaga jirta dalka
  • Caddaalad darrada: gaadhay halkii ugu sarreysay
  • Xakameynta Musuqa oo gaabis ah
  • Adkeynta amniga muwaadinka

Sidoo kale Waxaa Meesha ka maqan

  • Wacyigelina Bulshada: Siday wax u qabsan lahaayeen
  • U jaheynta dadka sidii wax soo saarka dalka
  • Baraarujinta dhallinyarada soo kaceysa
  • Baridda iyo ku barbaarinta Waddaniyadda
  • Jaceylka dalka dadka iyo diinta

Haddaba, xilligan waa xilligii fadhiga laga kici lahaa oona dareeri lahaa tacab iyo tacliin, dal aan intaas ka dhisminna filkiisa ma gaaro.

Dowladdu kaligeed wax ma qaban karto haddii aan lagu gacan siin howlaha wax qabadka ah, gaar ahaan kuwa arrimaha bulshada.

Balse waxaad ogaataa wax kasta oon ku dhisneyn ama lagu saleynin caddaalad iyo sinnaan bulsho waxay salkooda ahaadaan kuwo ku dhamaada fashil iyo fool xumo, taas ayaan ugu muhimsan in si weyn looga fiirsado, waayo dadka waxaa deeqa caddaalad si siman wax loogu qeybiyo, waa muhiim wacyigelin joogta ah.

Maamulkii militeriga soomaaliya soomaray wuxuu dalka ka dhisay goleyaal hanuunin oo dadka wax loogu sheegi jiray, kuwaasina ilaa hadda way dhisan yihiin badankood laakiin looma isticmaalo hadda sidii la rabay.

Dhaqdhaqaaqa iyo waxqabashada gacanteenna ayay ku jirtaa, balse waxaa loo baahan yahay in lala yimaado damiir adag kaasoo ku tusaya waxa aad heysato iyo waxa kaa maqan oo kaaga baahan in aad raadiso.

Aan hiigsano oo aan haweysano haddii Alle idmo Afarta sano ee soo socota in aan dunida kula korkortanno waxa aan hesanno iyadoo awoodda la saarayo sanadaha ugu horreysa ee afarta sano in la soo saaro shidaalka ku jira xeebteenna ballaaran.

Si dunida ay u beddesho fikirka maanta ay naga hesato, waa hubaal haddii laga dhabeeyo in shaqaale badan oo ajaanib ah dalkaan lagu arki doono, laakiin uu muwaadinku ahaado mulkiilaha loo soo shaqo tegay.

Waxaan arki jiray xilligii milliteriga qofka muwaadinka ah iyo qof shisheeye ah haddii ay arrin isku qabtaan, waxaa loo hiilin jiray qofka shisheeyahay oo muwaadinka ayaaba la xiri jiray sided ula hadashay ajnabiga way dhacday.

Laakiin hadda waxaan rajeynayaa in intaasi laga ilbaxay waana caalamadaha lagu yaqaanno qofka baahan iyo dal baahan.

Balse hadda waxaan leeyahay xaquuqda muwaadinka waa in la xafidaa oo ajaanibta dhuuniga soo raaci doonta loo jebinin muwaadinka dalka u dhashay.

Arrin aad u mihiim ahna waxaa ah in la sameeyo sharciyada socdaalka ee ajaanibta kala duwan ee soo geli doonta dalkeenna iyadoo loo eegayo sifo sharci ah.

Waa inaan la siinin shaqo ruux muwaadin ah qaban karo ruux shisheeye ah, sharuucda xudduudahana la adkeeyo iyadoo dalkeennu iska furan yahay bad iyo beeriba, waxaana dhici kara maalintii la maqlo soomaaliya ayay shaqo ka jirtaa in la arki doono kuwo badan oo xaduudaha ka soo gudbaya iyagoon wax sharci heysan, Sidaa daraadeed, waa in arrintaasina laga sii fiirsadaa.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

 

ISMA HURTOOY MARADA YAYSAN IDINKA DHICIN

Nin adduunyo joogay maxaa aragti kuu laaban, waxaan maqli jiray dal aadan lahayn dareen ku joog waaye, haddana dalweynaha soomaaliyeed miyaa noqday dareen ku joog?.

Dadoow Indhuhu waxbay arkaan, dheguhuna waxbay maqlaan, maskaxduna waxbay xeerisaa oo ururisaa, balse garaadku wuxuu kala dhex baxa waxa wanaagsan, inta xunna way keydisaa ama wey iska daysaa, balse waxaan aniga mar kale ku tiraabayaa Alle how naxariistee erayadii abwaan Yam Yam Soomaali baan ahay, Bal Ila xasuuso walaal

“Wakhtiyada Socdaalka, Ayaamaha silsiladda ah, Xilliyada bal suuree, Soo jire haddaad tahay, Sadarrada dib ugu noqo, Soomaali Waa Kumaa?

Hadal iyo dhammaan tiis “Inkastoon Sabool ahay, haddana waan sariigtaa, Sacabada ma hoorsado, Saaxiib niman nahay, Cadowgeyga lama simoo, Soomaali baan ahay”

Haddaba, waxaan heynaa maanta arrintaasi oo dhab ah, waa arrin dhalisay dood iyo af kala heyn badan, waa dhacdo ugub ah oo bar madow noqotay, barakicin abid kii ugu foosha xumaa ee ka dhaca dhulkeenna.

Bal ruux walbow idigu dib u fadhiiso oo arrintan gedgeddi xisaabtanna meel saar, ma waxay kula tahay in ay ku dambeyso siyaasad, ma waxay kula tahay in ay ka dambeeyso dowlad shisheeye, mase oran karnaa halkaa waxaa naga galay raadintii ictiraafka, maxaan ku tilmaami karnaa ma dhihi karnaa waa issir naceyb iyo jinsi faquuq, ma u aragtaa arrintan dhacday in ay tahay wax si ku talagal ah loogu dhaqaaqay oo aysan ahayn wax kama ku dhacay?

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa tiiraanyo culus oo ma hadho reeb ah iyo walahow qof walba oo u dhashay magacan qiimaha iyo qaayaha badan ee Soomaali ku dhacay.

Runtii Tarxiilka foosha xun ee ka dhacay laas caanood, ee welina lagu sii baaqayo in magaalooyin kale laga sii raafo, waa wax laga yax yaxay, waa wax laga qiiroodo inay sidaasi wax u dhacaan oo ganacsade war moog ah, caruur dugsi ka timid, hooyo uur leh ama umul ah iyo waayeel, isugeey dhammaan dadkii ahaa birimageydadii maganta ahayd in diginin la’aan sidaa loola dhaqmo, waa waxaan horay loogu riyoon, laakiin, ujeeddo kasta oo laga lahaaba waxaan leeyahay afkii dambaaba tubti wuu karaa, maahmaahiba waxay leedahay “Dahab lumay ninba si u doon doon”.

Walaalaha Soomaaliyeed ee arrintaasi ku dhiiraday, suurtagalkana ay ula noqotay waan ognahay waxa idinku riixaya oo idinka maqan, waxaanse leeyahay ka noqda walaalayaal tani waad la gafteen halkii aad la rabteen, natiijadeeduna waa fashil.

Waagii aan yaraa waxaan ciyaari jirnay wax loo yaqaan imbiliga oo afar xabo ah, waxaana la sameyn jiray waxa loo yaqaan shax oo ahayd ciid la god goday, waxaana qolo waliba qaadan jirtay tifaf u gaar ah, markaasaa labadii qolo midkood ayaa waxuu sameynayaa il duuf, markaas bay qoladii kale leeyihiin “qatifoow qoryahaaga guro”, oo macnaheedu yahay waad ilduufteen urursada tifafkiina oo macnaheedu yahay waan idinka badinay. taasi waxaan ku keenay qatifka ama ilduufku wuu jiraa ma qaldame waa ilaahay, laakiin waxaa halkaa taalla “Aslixii bayna akhaweykum”

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gef xumo geeri baa ka roon”, sidoo kale, Walaalkaa haddey candhuufi kaa gaarto gacantaa la raaciyaa, war gobannimo iyo geesinimo ayaa leysku ogaayee halkey si wax ka yiin oo baladu nooga timid?

Waxay ila tahay in magacu uusan nagu ahayn sheegasho ee uu yahay u dhalasho si kastood u tiraahdo ma ihina kaa ansixi meyso, kuma suurta galeyso ileen waxaad tahay ina hebel hebel ee halga fiirsado ficillada aan ku habbooneyn diinteenna iyo dhaqankeenna quruxda iyo sharafka Alle nagu muneystay.

Ma ogtahay magacaaga iyo muuqaalkaadaba in aad adiga mas’uul ka tahay

Waxaan leeyahay qof walba oo arrintan oo kale ku fakaraya ama ku farxaya sidan: “Adduunkaan intaad dul joogto darajo yar yareysi malaha, Hadduu Rabbi kuugu deeqay ha noqon ha noqon Doqon Kibir ku faanaa” Damane yaan laguugu xaman, Dulqaad weligaa lahow, Dadkaad xukuntana tixgeli, Sharciga daacad u ahaw Sharciga daacad u ahaw”.

Sidoo kale, shacabka aan walaalaha nahay waxaan leeyahay waxaad horay u tiraahdeen oo ah (Ummadda horin iyo noqota habar habar, kolley hibashiyo ma weydo huqdee, quluubta hal qura hohey ka noqda “Ninkii u hanweyn hoggaanka dalkow hankaadu, hankaadu ha dhaafo Reer Hebel” ogow kuwa aad tarxiileysana waa reer hebel.

Cidna uma banana inay ku xad-gudubto sharafta qof bani’aadan ah oo ilaahay karaameeyay, wehel kuu ah, magan kuu ah, Kuma bannaana dhan kastoo laga eegay arrintan lagamana yaabo inay soomaali isla qaadato iskuna raacdo tan oo kale.

Waa suurad xumeyn isirka soomaali, xitaa gaalada kufaarta ah kama suurowdo kamana dhacaan wax sidan u qaab daran, way ahaatay tani shaabaddaasina way sugnaatay, taariikh madowna way gashay.

Balse, Soomaali waxay tiraahdaa Caano daatay dabadood la qabay, xeerar wanaagsan baynu leenahay, way fiicnaan lahayda haddii wanaagga leysla qaato loona arko sidan u arko.

Gumeysiga dhibka uu nooga tegay ayay arrintan lugaha la galeysaa oo waan ognahay balse horeynu u diidnay in soomaali dib loo kala googooyo rag iyo dumar badan baana god ugu jira gumeysugna uu si fiican u yaqaanno.

Ruux walbow ogow, Magaceenna waa Soomaali Weyn, lamana sinna kuwa aad sheegtay, soomaalida waxay tiraahdaa haddii la doono hal mallaay baa bad dhan qurmiya

Waxaan ku talin lahaa haddii ay jiraan dad damqanaya weli kana xumaaday arrintan dhacday ileen dhiigga iyo dhalashadu biyo maahee, waa in shacabka soomaaliyeed ee birimageydada ah loo gurmadaa iyadoo laga caawinayo dhan walba iyo baahi walba oo ay qabaan.

Walaal jaceyl baa ka waday dhulkooda ay ku dhasheen iyagoo dalba inuu ilaahey siiyo risqi xalaal ah moodayay in ay tageen dhulkoodi iyo gurigoodi labaad, balse wixii ku dhacay waa wax taariikhda meel madow ka galay soomaalina aysan raalli ka wada ahayn.

Waxaan rajeynayaa inta fahantay wacyigelinteyda in ay ka dhiidhiyaan si aysan waxan oo kale ugu soo noqon dalweynaha soomaaliya iyo shacabka waxgaradka ah ee soomaalinimadu ku weyn tahay meel kasta oo ay dunida ka joogaanba, waa haddallo gaagaaban oo doqon ma garato ah, waa waano iyo wacyigelin lagu saxayo khaladaadka dhacay ee aan dhaxdeenna ku bannaaneyn.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

KU QABATAY IYO QADDAR ALLE WAA LA QAATAA !!!

Adduun waa Adduun, waa ku qabatay iyo qaddar Alle, adduunyada aynu ku noolnahay maalin walba waxaa ka dhaca dhacdooyin kala duwan kuwaasoo isugu jira kuwa fiican iyo kuwa xun oo qaarkood dhaliya naxdin iyo argagax, a)- dhacdooyin ay sabab u yihiin bini’aadanka iyo b)- dhacdooyin rabbaani ah, waxaas oo dhan waxay ku dhacaan aminno kala duwan.

Dhacdooyinka aan rabbaaniga ahayn bini’aadanku iyaga ayaa gacantooda ku kasbada, ka dibna waxay ka qaadaan shallaay danbe, qofka aadanaha ah markii uu dhibku gaaro ayuu dareemaa xanuunka  dhacdada uu sameeyay, dib uyuuna uga qoomameeyaa wixii uu falay.

Hase ahaate, Dhacdada Rabbaaniga ah waa qaddar Alle waxaa loo arkaa in ay tahay wax  dhici rabay oo Alle xaggiisa ka qornaa Cidna iskuma eedeyso, dadka iimaanka laga helayna Alle ayay u noqdaan mar waliba dhacdadaasi hadday xun tahay iyo haddey tahayba mid san.

Sidoo kale, Marka xaajo ku saabsan dhacdo si un u xumaato maxaa loo baahan yahay, waxay ila tahay in aan lagu deg degin xaajada, marka ugu horreysana waa in laga fiirsadaa xaajadaasi dhacday habka ugu fiican ee loo geli lahaa ama loo xallin lahaa arrinta ku saabsan dhacdada.

Qofka markasta uu la kulmo dhacdo waxaa looga baahan yahay in uu muujiyo degganaan, waayo xasiloonidu waxay ka mid tahay fiirsiga, fiirsiguna wuxuu ku geeyaa meeshay ku habbooneyd dhacdada in la dhigo ama daawadeeda laga helayo.

Isku filnaashaha iyo isku kalsoonida waxay qeyb ka yihiin geesinimada, waayo dhacdooyinka qaar ee ku soo mari kara waxay u baahan yihiin in aad leedahay awood aad ku xamili  karto sabar iyo adkeysi.

Dhacdooyinka guusha ayaa waxay qofka ku abuuraan kalsooni, farxad iyo rayn rayn, wuxuuna hamiyaa qofku in uu u tillaabsado meel nafsaddiisu raalli ka tahay.

Sideedaba, howl gasta oo la qabanayo ama xaajo kasta oo la galayo waxay u baahan tahay in laga fiirsado xitaa haddii loo baahanayo in loo dad badsado.

Arrin kasta oo la galaayo, waa inay galaan dadkii xaajooyinka rog rogi kara sida odayaasha xaaja ruugga loo yaqaanno.

Waxaa jiri kara dhacdooyin aad u fudud oo haddana u jiidma meeshii loo jiido una jeesta meeshii loo jeediyo.

Haddaad aragto fashil ama arrin lagu fashilmay waxaa sabab u ah garyaqaannada ama guurtida gashay xaajadaas ama dhacdadaas.

Mana u badna in ragga xaajada rog roga si sahlan ugu fashilmaan arrin dhacdo xun ama san, waayo waxaa badan  ruug caddaa muddo badan ku soo dhex jiray xasilinta iyo hagaajinta xaajooyin kala duwan

Haddaba, waxaan la hureynin waa dhacdo, inta aad adduunka ku nooshahay waayo dhacdadu waxay la xiriirtaa axwaasha koonka ilaah nagu beeray.

Ruux walbow isku kalsoonow, waayo haddii aadan adiga isku kalsoonaanin ma jiro ruux kugu kalsoonaan karo, mana tihid qof u adkeysan kara dhacdooyinka kala duwan ee ku soo wajahi kara

Sidaa darteed samaanteed iyo xumaanteed dhacdo aamin lagama aha ee qof walboow ahow in aad tahay qof deggan oo miirran marka aad la kulanto dhacdo kaa yaabisa ama kaa nixisa oo kaaga timid qof bini’aadan ah ama mid Rabbaani ah.

Dad waxaa ugu liita qofka is raacsha adduunyo iyo waxa dhaxyaal, oo aan ka fikirin saacadaha isguraya ee cimrigiisa, iyadoo aan ognahay inaan safar ka wada nahay halka loo socdana ay tahay runleyda Aakhiro.

mar walba ahaada kuwa ku samra dhacdooyinka, Allana ugu xamdiya qaddar kasta oo dhacaya, guusha iyo geeriduba ilaahbaa looga xamdinayaa.

Ugu dambeyna dhammaanteen aan wada qabsano xarigga ilaahay annagoo wax kasta oo aan qabaneyno u qabaneyna dar ilaaheey, daacaddna u ah diinteenna, dalkeena iyo dadkeenna, anagoo ka ilaalineyna wax walba oo fashilin kara horumarka dalkeenna, ilaalineyna midnimadeenna kuna samreyna calankeenna iyo ciideenna, aamineyna awooddeenna iyo wax-soo saarkeenna iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo abuuri kara fashil iyo dib u dhac dambe.

WQ: Osman Dhiblaawe

 

 

KALA GARO RUN IYO BEEN

Wax walba wax baa ka dambeeya , adduunkana ma jiro wax aan dan laga laheyn oo la sameeyo , sidaa darteeda ogow ma jiro waxaan ujeedo laheyn.

Dad baa waxay aaaminaan in ay jirto wax la yiraahdo deeq ama gargaar dalalku bixiyaan oo dalal kale siiyaan ama hey’ado sadaqo ay  ugu deeqaan dadyow kale iyagoo ka eegaya bini’aadnimo ..inkasta oo marka hore bidhaanta laguu muujiyaa ay taas noqoneyso hadana marna waxaan meesha ka marneyn arrimo kale oo qaarkood qarsoonaan karaan.

Caalamka maanta waxaa ka jirta “Isii aan ku siiyee” ‘Give and Take” ee ma jirto cid wax iska qaadatada oo la siiyo sida qaaradda Afrika laga aaminsan yahay waayo cidda wax ku siisaa waa in ay wax kaa heshaa adigana.

Nidaankan waxaa lagu fuliyaa mabaa’dii la rabo in ay meel marto oo loo bixiyey “Conventions” ama axdiyo taas oo ay wadaan hay’ado u badan kuwa UN-KA oo nidaamyadaas ugu ololeeya in ay hirgalaan mabaadii laga yaabo in aan looga dhaqmin dalkan deeqaha helaya .

Dhismaha axdiyada carruurta lagu ilaalinayo , kuwa lagu difaacayo xuquuqda haweenka ayaa la soo hor mariyaa si loo qurxiyo waxyaabo kale oo laga yaabo in ay qarsoon yihiin oo loogu talagalay in si tartiib tartiib ah dibedda loo keeno.

Mabda’ kugu cusub si laguugu soo galiyo waxay u baahan tahay in waddo dheer loo maro ayna jiraan qaabab la adeegsan karo iayadoo aan la muujin dareen isla markiiba feejignaan keeni kara .

Ummaduhu isla markiiba ma garan karaan madaxda dowladuhuna isla markiiba wey ku adkaaneysaa in ay gartaan dhagaraha ku wajahan ee loo maro habka iskaashiga dowliga ah iyo ka qeybqaadashada tubaha caalamiga ah ee la marsiiyo xaqiijinta mabaadiida qaar ee la doonayo in si aan dareen lahyn loo galiyo wadamo kale .

Waa middan tan keeneysa in dalalka dunida saddexaad lagu dhex fuliyo mabaadii qaarkood dalalkii ay ka yimaadeen dhaqso uga fuli waayey oo sando ay ku qaadatay sida dalalka ku yaalla Yurub iyo Woqooyiga Ameerika .

Ma aha wax cusub in la arko meelaha qaar shuruuc iyo axdiyo lagu celcelinayo golayaasha qaar ee dalalka soo koraya oo la doonayo in marsiiyo si iyaga loogu tijaabiyo wixii dalalkii asal ahaan ay ka yimaadeen hore uga fuli waayey.

Ma aha in lagu sirmo mabaadiiaa la gadyo laguna bixinayo wax kasta si ay u fulaan balse marka hore na looga dhigayo wax ay tahay in aan sameyno oo mujtamaceenu aqbalo iyadoo loo  ekeysiinayo wax caddaalad mujtamacu ku gaarayo.

Mujtamacan Muslmka ah waxaa ku filan caqiidadiisa mana aha in jahawareer cusub la galin karo waxa uu rumeysan yahay waayo waddo cad oo kala saareysa xumaanta iyo wanaagga.

Ma noqon karto in wax kasta oo deeq nalagu siiyo ay noqon karaan wax aan bedel ugu bixin karno waxa wanaagsan ee aan innagu leenahay ee ah caqiidadeenna suubban.

WQ: Mohamed Hassan

 

DAL LA BURBURIYO UMA BAAHNA IN HUB LOO QAATO!

Waxaynu wada ognahay in dad meel kuwada Nool ay u baahan yihiin Maamul dhaqaajiya oo kala haga umuurahooda adduunyada ee ay u baahan yihiin sida dhaqaalaha ay haystaan dal ahaan, siyasad jaan gooysa taladooda oo la isku wada raacsan yahay, isla markaana qaabaysa arimahooda bulshada ee balaaran.

Laakiin waxaa lama arag iyo lama maqal igu noqotay markii ay indhaheenu arkaan dadkii loo igmaday ama loo dhiibtay Maaraynta qodobadaas iyaga oo aan saldhigin hawshoodana guda galin lagala hor yimaado mucaaradad indha la’aan ah oo keeni kara isdil iyo is mooro duug, mar kale ka dhaca dalkeena.

Dadka uu Ilaaheey abuuray ma aha hal qof oo badan macnaha waxaan ula jeedaa hal qof oo inta kale wada shabahaan, taas haddii ay dhici lahaydna wax iska hor imaad ah ma yimaadeen, laakiin dadku waxay ku kala duwan yihiin Dhaqanka, Midabka, Qaabka, dabeecadda iyo dib u aragga maskaxeed,Aqoonta.

waxaana laga dhex helayaa qaar badan oo dulqaad leh iyo in kaloo aan dulqaad  lahayn oo degdegsiimo badan, waxaa ku jira markii la isqabto oo aragtiyaha la kala aaminsan yahay ay is jiiraan, durbadiiba kala horyimaada deganaan iyo in wax kasta wada hadal lagu xaliyo, halka qaar kale  marka Khilaaf  yimaado ama la is qabto xalka u arka in gooni loo baxo isla markaana la abaabulo dhib keeni karo dib udhac & Dad keeni karo  dil, dhac iyo bara kac, halka uu dhinacaa hil maamayo  in wada hadal iyo wada xaajood kamaran waranka mudaciisa wax lagu dhameeyn karo.

Nin caaqil ah ayaa waxaa laga hayaa “Dad Badan Aqoontooda Ayaan Kaga Kalsoonahay Dad Kale Oo Badan Aqoondardooda”, wuxuu rabo ninkaas hakala jeedo Eraydaas, laakiin waxaa ii xaqiiqooday mar aan sidaas u sii fogayn.

Hadaba inta aan soo sheegnay iyo inkale oo badan  waxa sabaaba marka larobi  Dal iyo Dadkiisa la burburiyo in lagala Dagaalamo,

Dhaqanka, akhlaaqda,damiirka, Aqoonta iyo Awood sheegida dhexdood la baro si fudud loogu qeexo oo ah qaabka kaliye daneystahu u fulin karto aragtidiisa.

Halka garashada khaladka, samaha,xumaha loo kala sooco lagu wacyi galin lahaa amaba Caruuurtooda Lagu abaabin lahaa.

Waxa aan halkaan ku qeeexi doonaa waxa ay tahay in la sameeyo iyo waxa ay tahay in laga fogaado.

Aqoontu waa arin lama huraan u ah jiritaanka bulshada, suura galna ma aha in bulsho jiri karto haddii aysan lahayn xeerar nidaamiya xiriirka xubnaha bulshada midba inta kale ee uu la wadaago oo uu u noqdo halbeeg ay ku qiimayso habdhaqanka xubnaha bulshada laguna ogaado waxa uu ruuxu hagaajiyey iyo waxa uu haleeyey.

Waa Muhiim in aad sameeyn  kartoisbarbardhiga Damiirkaaga iyo Damiirka dadka  dhigaaga waana mihiim inaad sixi karto saxda iyo Khaladka, intaase waxa ka horeeyo inaad leedahay Aqoon iyo Aragti wadanimo oo dhaba.

Hase ahaatee manta waxaan arkeynaa xaalada uu Dalkeena ku sugan yahay inay tahay Xaalad soo kabasho Jahligii na dhaxal siiyey Qaxooti nimada iyo Qaran La,aantuna aan usacaba tumeeyno weli..

Dajinta sharci  wanaagsan oo lagu diyaari Maskax Aqoon  lagu laray damiir wanaagsan baa ka dhiga habdhaqanka dhaxalka  dadka oo dhan mid ay uwada siman yihiin Madaw, Caddaan,reer bari iyo reer galbeed, kuwo diin haysta iyo kuwo aan haysan, muslimiin iyo kuwa aan muslim ahayn intaba lkn Soomaalinimadu wadaagaan oo aysan jirin qolo si gaar ah.

Taasna haddii aad daliil iga waydiiso waxaan daliil kaaga dhigayaa dalkeena soomaaliya oo ay ragaadiyeen colaado aan kala joogsi lahayn oo ugu  danbeeyn  hanjamada  nadhaxal siin karto Qaran la’aanta ,burburku leeyahay, baa waxaan ku baaqayaa intii la isku dili lahaa hasha biyo ma cabtaa mise ma cabto saw kama haboona in marka hore si miir ah oo wada xaajood ku dhisan wax lagu dhameeyo, sideedana wada hadalku dhib ma keeno ee dhibku wuu yareeyaa waxaan ka dhasho Isfahan iyo Xadaaradnimo ilbaxa.

Waxaana intaa ugu sii dari lahaa inta aaminsan in awood isdil iyo is mooraduug wax la isugu sheego in ay la soo banaan baxaan burhaanta wadahadalka iskana dhigaan qorigaan madoow iyo baaqyada colaad hurinta ah, si dalka iyo dadku ay u helaan makaan xasiloon oo ay ka suuroowdo nolol wanaagsan.

WQ: Cabdi Risaaq Axmed Absuge