MADAXWEYNE FARMAAJO OO BAREYAASHA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYEY MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqaysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta waxbarashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qaaday miisaaniyadda waxbarasha dalka.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ra’iisul  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Agaasime Goboleedka dalalka Carabta ee UNFPA Lu’ay Shabaana oo ay ka wada hadleen dadaalada dowladda ee sameynta tirakoob dadweyne ka hor doorashada 2025.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgalinta tirkoobka isagoo ku dhiirigaliyay Hay’adda Istaatiistikada Qaranka in ay hormuud u noqoto xaqiijnta hadafkaas muhiimka u ah horumarka qaranka.

Meydka Agaasimihii Radio Muqdisho oo lagu aasay Muqdisho

Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed “Afrika” oo xalay dhagarqabayaal ka tirsan argagixisada ku dileen qarax Is-miidaamin ah oo lala beegsaday.

Salaada Janaazada ayaa Marxuum Cabdicasiis Afrika lagula dukaday Masaajidka Shuhadaa ee Madaxtooyada, waxaana dukashada Janaazada ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Intaas kadib ayaa waxaa loo galbiyey qaruuraha ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga ee Magaalada Muqdisho oo lagu aasay Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ahaa Agaasimihii Radio Muqdisho.

Sidoo kale waxaa markale lagula dukaday agagaarka Qubuuraha Isbitaalka xoogo halkaas oo ay janaasadda kula dukadeen , Qaraabo iyo asxaab u badan bahda saxaafada oo uu ka tirsanaa marxuumka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka oo guddoomay shahaadada musharaxnimo

Guddoomiye ku-xigeenka gollaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo gaaray Dhuusamareeb ayaa Gudigga doorashooyinka Galmudug ka guddoomey shahaadada cadeynaysa musharaxnimadiisa kursiga Hop104 oo ay Gudiggu sheegeen in uu soo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hore maamul goboleedyada dalka ugu baaqay in ay bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo kuraasta qaar maamul goboleedyada oo gudbiyeen.

Milatariga Sudaan oo qorsheynaya in dib loo soo celiyo R/wasaarihii la afgambiyay

Milatariga Suudaan ayaa qorsheynaya in ay dib u soo celiyaan ra’iisul wasaarihii xukunka laga tuuray Abdalla Hamdok ,isla markaana la sii daayo hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray ka dib afgambigii militariga ee bishii hore.

Tallaabadaasi ayaa timid ka dib markii Heshiis siyaasadeed ay dhexmareeen General Burhaan, Abdalla Hamdok, xoogaga siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah,sida uu ku waramay Madaxa xisbiga Umma Fadlallah Burma Nasir .

Heshiiska ayaa dhigay in Hamdok r/wasaaraha la soo celiyay uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax banaan,waxaana dhammaan la sii deyn doonaa maxaabiista siyaasadda .

Heshiiska ayaa imanaya toddobaadyo ka dib markii  General Abdel Fattah al-Burhan uu meesha ka saaray xukunkii rayidka ee ku yimid sida dimoqraadiga ah.

Wasiir Dubbe” Geerida Afrika waxay ahayd mid aad ii taabatay,”

Waxa aanu sagootinay Cabdicasiis Afrika, Agaasimihii Radio Muqdisho. Salaatul Janaazadiisa waxa nagu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Eng. Maxamed Xuseen Rooble.

Geerida Afrika waxay ahayd mid aad ii taabatay. Muddadii aanu wada shaqaynaynay waxan ku bartay dabeecado ay yar yihiin qof kulansaday.

Wuxu ahaa hawl-kar. Radio Muqdisho wuxu gaadhsiiyey meel aanay hore u gaadhin muddo dheer. Waxaanu ka dhigay mid saamayn badan leh oo saaxiibo badan.

Wuxu baarri u ahaa Hooyadiis,  mushaharkiisa oo ahaa 700 bil kasta waxa heli jirtay Hooyadiis, markaas bay iyadu u soo celin jirtay qayb kamid ah.

Wuxu ahaa Samafale; weligii iilama iman dan uu isagu leeyahay, wuxu ii keeni jirey qof Soomaaliyeed oo dhib haysato, waxan dhihi jirey adigu Mother Teresa xitaa waad dhaaftay.

Qabiilku lama weynayn; wuxu saaxiib la’ahaa Soomaali oo dhan, dadkana wuu isku waday. Dhammaan dadka uu ii keeno ama igala hadlo ma ahayn dad ku qabiil ah.

Wuxu ahaa Geesi aan gabbasho aqoon, waxan ku naanaysi jirnay bulldozer ama katarabiil oo wuxu lahaa geesinimo xad dhaaf ah oo uu go’aamada adag ee fulinta u baahan ku meel mariyo

Wuxu ahaa suxufi yaqaan shaqadiisa isla markaana Af Soomaaliga aad u yaqaan oo hodan ku ah.

Shalay galab buu i sii macasalaameeyey isaga oo Maanta oo Axad ah u bixi lahaa waddanka India si uu Hooyadiis oo uu aad u jeclaa ugu soo daaweeyo.

Geerida AbdiAziz Afrika warbaahinta dunida iyo ta dalkuba aad bay wax uga qortay, dadkii tacsida i soo gaadhsiiyey waxa iigu saamayn badnaa Safiir kamid ah Waddama aynu saaxiibka dhow nahay oo igu yiri “markii aan geeridiisa maqlay aniga oo og in uu geeryooday baan haddana telefoonkiisii wacay aniga oo rajaynaya in warkaasi been noqdo, laakiin been ma noqon karayn oo aniguba waan ogaa in uu geeryooday AbdiAziz laakiin waan Ka samri waayey”

Ilaahay ha u naxariisto Agaasime Cabdicasiis Afrika. Nabadgalyo Walaal

W/Q: Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Obokor  Dubbe 

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka qeyb galay salaadda janaasada meydka Agaasimihii Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin iyo dadweyne ayaa salaadda Janaasada kula tukaday masjidka Shuhada ee madaxtooyada meydka allaha u naxariistee  Agaasimihii Radio Muqdisho  Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax argagixisadu xalay la beegsadeen.

Sidoo kale, Alle ha u naxariisto meydka Agaasimihii Radio Muqdisho  Cabdicaziiz Maxamuud Guuleed Afrika ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistoo Cabdicasiis  wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

Wasiir Dubbe oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Obokor  Dubbe  ayaa ka tacsiyeeyay Geeridi ku timid alle ha unaxariistee  Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo xalay ku geeriyooday Qarax kooxaha argagixisada Al-shabaab ku weerareen.

“ Waxaa wasaaradda warfaafinta la soo gudboonaatay geeri naxdin badan waxaa qarax ay soo maleegeen cadowga lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed, waxaa sidoo kale dhaawac ah ah agaasimaha TV-ga Qaranka, waa geeri naxdin iyo dhaawac naxdin leh,”a yuu yiri Wasiir Dubbe.

Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u diray, qoyska, asxaabta iyo dhammaan bahda saxaafadda uu ka baxay marxuum Cabdicasiiska Afrika oo dowr muhiim ka soo qaatay nabada iyo horumarka dalka.

Alle ha u naxariistoo Cabdicasiis  wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahay sanadguuradii 47-aad maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel kasta  oo Soomaali joogtaba laga xuso.

1974-tii ayaa 21ka Nofember loo asteeyay maalinta macallinka Soomaaliyeed waxayna ahayd maalin si wayn ay u maamuusi jireen shacbiga iyo dowladba, waxaana la samayn jiray munaasabado lagu waynaynayo xurmada macallinka iyo doorkiisa Qiimaha badan.

Waxaa xusid mudan Haldoorkii kaalinta wayn ka soo qaatay horumarinta waxbarashada dalka waxaa ka mid ahaa:

1-Shiikh Yuusf Al-Kownayn oo ahaa macaliinkii hingaadda xuruufta carabiga u rogay af Soomaali,arintaasi oo ardayda Soomaaliyeed ee Qur’aanka baranaysa u fududaysay qoraalka farta carabiga,    ( أَ   إِ  أٌ ),  ALIF LA KORDHABEY, ALIF LA HOOS DHABEY, ALIF LAA GODAY. 

2-Macallin Jaamac Bilaal, oo ahaa aabihii buddhigaha u ahaa waxbarashada gobollada koonfureed,wuxuu dhexda u xirtay lana dagaalamay afkaarihii haraadiga ahaa ee bulshadu ka aaminsanaayeen waxbarashada, wuxuuna ka furay magaalada muqdisho School yar oo arday kooban uu wax ku bari jiray.

3-Macallin Max’uud axmed Cali wuxuu ahaa aasaasihii waxbarashada gobollada waqooyi,wuxuu dadaal ugalay sidii bulshada gobollada waqooyi ay u heli lahaayeen wabarasho horumarsan, dadaalkiisii nafhurnimada ahaa waxaa ka horyimid gumaysigii ingiriiska oo diidanaa in shacbiga ay waxbartaan,kadibna ay fahmaan waxa ka maqan iyo qiimaha xoriyadda, sidoo kale macallin Max’uud Axmed Cali waxaa u suurtagasahay inuu fikir ahaan kaga adkaado Soomaalidii aragtida qaldan ka aaminsanaa waxbarashada maadiga ah.

21ka Nofember Waa maalin ka mid ah maalmaha ku xardhan quluubta dadka Soomaaliyeed, waxaana maanta oo kale la fasixi jiray dugsiyada iyo dhamaan Goobaha kale ee Waxbarashada si loo xuso kaalinta macaallimiinta Soomaaliyeed ay ku dhex leeyihiin bulshada.

Mid kamid ah macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Macalinka wanaagsan uu muhiimad gaara u leeyahay bulshada uu la nool yahay, maantana ay tahay maalin qadarin leh oo loo baahan yahay in si wayn loogu dabaal dago, si Macalimiinta ugu dhiiradaan inay sii wadaan Kobcinta waxbarashada dalka.

Barayaasha Soomaaliyeed ayaa si dulqaad leh mudadii uu dalka burbursanaa u adkeeysanayay ku shaqaynta xaaladihii adkaa ee la soo maray, mudadii dalka dowlad la’aanta ahaa, haddii macallinka Soomaaliyeed uusan naftiisa u huri lahayn waxbaridda ardayda,waxaa maanta mugdiga jahliga dhex muquuran lahaa arday badan oo waxbartay, kaalin hormuud ahna kaga jira horumarinta dalka.

Marka la eego dunida Casriga ah, waxbarashada ayaa ah tan isku xirtay iskuna soo dhawaysay qaybaha kala duwan ee Caalamka, waana taas midda uu u  taagan yahay Macalinka Soomaaliyeed,Macallinku waa barbaariyaha iyo hagaha Ummadda wuxuu ka saara jahliga iyo mugdiga aqoon darrida.

Macalinku waa waalidka labaad ee ardayga wuxuuna ka waraabiyaa durdurka, aqoonta iyo ilayska Cilmiga, taasina waxaa ka garan kartaa abaalka Macallinka in aan la gudi Karin Xikmaddii macnaheedu ahaa (Qofkii hal xaraf I bara waxaan u noqon lahaa adoon).

Tan iyo intii sooyaalka dunida jiray markasta macalimiin iyo dad aqoon leh ayaa bulshada kala dagaalami jiray jahliga & dib u dhaca, isla markaasna soo saari jiray dad umadooda anfaca.

Macallinku wuxuu maamuus, xushmad iyo karaamo ku dhex leeyahay bulshadiisa maadaama uu soo saarayo kaadir aqoon leh iyo hogaamiyihii mustaqbalka iyo aayaha bulshadiisa, waa tusaale fiican iftiin ku dayasho mudan,laguna tilmaami karo Tiirdhexaadka bulshada,diinta islaamkuna waxay gaarsiisay macalimiinta martabad aad u saraysa oo maamuus iyo qadarin badan.

W/Qoray: Gobdoon. 

Ra’isul wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Agaasimihii Radio Muqdisho

Ra’isulwasaaraha XFS mudane maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika oo caawa argagixisada, qarax ismaadaamin ah ku dishay, muqdisho.

Ra’isulwasaaraha XFS mudane maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri :”  Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax caawa argagixisadu la beegsadeen.Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”.

Ra’isulwasaaraha XFS ayaa ku daray hadalkiisa in uu ahaa Cabdicasiis  saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.
Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo.