Wasiirka iyo wasiiru ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo Xilalkii loo dhaariyey

Wasiirka iyo wasiiru ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cabdisaciid muuse cali iyo maxamud cabdi Xassan Peko ayaa Maanta waxaa lagu Dhaariyey xarrunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Waxaana Munaasabadda Dhaarintooda ka qeybgalay habdhowraha Golaha shacabka BJFS, Xildhibaano, iyo Wasiiro.

Wasiiradda cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan maxamed xasan Nuux.

Jaamacadda Ummadda oo heshiis la saxiixatay jaamacadda Makerere ee Dalka Uganda.

Heshiiskan oo ah mid is afgarad oo dhex maray jaamacadda Umadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Makerere ee dalka Uganda ayaa waxaa heshiiska u kala saxiixay Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Prof. Xasan Cumar Mahadalle halka dhanka Jaamacadda Makerere uu u saxiixay gudoomiyaha jaamacadda Prof. Barnabas Nawangwe.

Heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa ku tulmaamay in heshiiskan in uu yahay mid taariikhi ah.

Prof. Barnabas Nawangwe oo isagana la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay heshiiskan is afgaradka ah ee la saxiixay uu yahay mid muhiim u ah labada jaamacadood.

Dhanka kale Prof. Xasan Cumar ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweyay heshiiskan wax uu ku tilmaamay mid muhiim u ah Ardayda Soomaaliyeed

Jaamacadda Umadda ayaa la aas’aasay sanadkii 1950 halka Jaamacadda Makerere la aas’aasay sanadkii 1922 oo sanadka soo socda u dabaaldagi doonto sanadkii 100-aad ee soo jirtay.

Labada jaamacadood ayaa ah kuwo dowli ah oo kala hoos taga Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uganda.

Caalamaka oo soo dhaweeyay soo celinta xukuumaddii rayidka ee dalka Suudaan

Dowladda Mareykanka iyo Midowaga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiskii siyaasadeed ee ay kala saxiixdeen ra’iisal wasaaraha Suudaan iyo ciidamada dalkaaas  si loo soo afjaro qalalaasihii dalkaas ka jiray isbuucyadii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Qaramada Midoobe,  ururka Iskaashiga Islaamka iyo urur goboleedka dowladaha IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay dhinacyada Suudaan shalay galab  kala saxiixdeen.

Ururadaan ayaa u mahad celiayay cid walba oo ka qeyb qaadatay heshiiska, si dalka Suudan looga badbaadiyo dhibaato cusub oo gobalka kusoo kororta.

Ra’iisala wasaasaraha Suudaan Cabdallah Xamduuk iyo taliyaha guud ee ciidamada dalkaas Cabdifataax Al-Burhaan ayaa shalay qalinka ku duugay heshiis ka kooban 14 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen  soo celinta  xukuumadii rayidka, sii deynta dhammaan siyaasiyiintii la xiray iyo in laga wada shaqeeyo sidii Suudaan loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah oo nabad ah.

Tan iyo 25-kii bishii hore, waxaa Suudaan  ka socday qalalaase xooggan, kadib markii ciidamada dalkaas ay kala direen xukuumaddii rayidka sidoo kalen ay xireen ra’iisal wasaarihii dalka iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiiradda Faransiiska ee Soomaaliya fursadaha iskaashi wadaagga

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shalay oo Axad ahayd (21 November) ku qaabilay Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Faransiiska u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Aline Kuster-Menager, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah iyo arrimo kale oo ahmiyad leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga amniga, xiriirada ganacsiga iyo maalgashiga, iyo sidii loo horumarin lahaa fursadaha abuuritaanka iskaashi faa’iido u leh labada dal.

Maamulka Gobalka Hiiraan oo lagu wareejiyay Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu wareejiyay Agab loogu talagalay hubinta Amniga Doorshada Golaha Shacabka ee ee lagu qabanayo Magalada Beledweyne.ee xarunta gobalka Hiiraan

Agabkaan oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, waxna loo soo marsiiyay Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Agabka la wareegay ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha UNSOM, isaga oo sheegay in sidii loogu talo galay loogu Shaqeyn doono Agabkaas

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana laga dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee dorashada golaha shacabka.

Ciidamadda Badda Tuunis oo soo badbaadiyay in ka badan 200 oo tahriibayaal ah

Ciidamadda ilaalada xeebaha dalka Tuunis ayaa sheeegay maanta oo Axad ah inay soo badbaadiyeen 223 qof oo doonayay inay tahriib badda ah ku galaan wadamada Yurub.

Afhayeenaka ciidamada ilaalada xeebaha Tuunis Xusaam Al-Diin Al-Jabaali ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaan la soo badbaadiyay isagu jiraan 112 qof oo kasoo jeeda waddamo Afrikaan ah, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin reer Tuunis ah.

Muddooyinkii u dambeeyay dalka Tuunis waxaa si aad ah ugu soo badanaayay muhaajiriinta dooneysa inay u gudbaan wadamada Yurub kuwaas oo dalalkoodi uga soo cararary dhibaatooyin dhaqaale iyo amni xumo.

Dowladda Tuunis ayaa dadaal badan ku bixineysa si ay uga hortegi leheed tahriibayaalka u isticmaalaya xuduudeeda si sharci darro ah.

Mareykanka: Dhowr qof oo lagu dilay gobolka Wisconsin

Baabuur isboorti ah oo ku socday xowli ayaa dulmaray dad ku sugnaa xaflad diimeed ka dhaceysay bartamaha wadada magaalada Waukesha  ee gobolka Wisconsin ee Dalka Mareykanka.

Shan qof ayaa la sheegay in ay dhinteen ,halka 40-kale uu soo gaaray dhaawacyo,ka dib kolkii gaarigaasi uu dulmaray dad ka qeybgalaayey xaflad diimeed qeyb ka ah diyaargarowga Kristimas-ka.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Waukesha, oo qiyaastii 32 kiiloomitir  dhanka galbeed kaga beegan magaalada Milwaukee ee gobolka Wisconsin.

Lama oga in dhacdadaan ay la xiriirto argagixisnimo iyo in kale, waxaana dadka ay soo gaareen waxyeeladaasi ka mid ahaa caruur.

Taliyaha booliiska Waukesha Dan Thompson ayaa sheegay in gaariga looga  shakiyay  falkaasi  la hela,isla markaana ay baarayaan wixii dhacay iyo cidda ka dambeysa.

Madaxweynaha Galmudug oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay arrimaha doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa wada-hadallo dhanka Khadka Internetka ee Aalada Zoomka waxaa uu kula yeeshay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalak

Madaxweynah ayaa Wakiillo ka socda Qaramada Midoobay, UK, USA iyo Midowga Yurub kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka amniga, qoondada haweenka iyo taageerada miisaaniyada.

” Waxaan u xaqiijinnay inaan soo gebagebeyneyno doorashada ka hor dhammaadka 2021-ka ayuu yiri” Madaxweynaha Galmudug.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo ku adan doorasho ku aadan iyo sidii Madaxda Soomaalida ay sanadkaan 2021 u soo geba-gabeyn lahaayeen doorashada Soomaaliya.

 

WAAD GAARTAY HIMILLADAADII KA HOR GEERIDAADA

Janadii jidkeeda rabigeey ku jaahsii, jahanama ku dhinac mari.

Rabbi waxaan kaaga baryayaa in uu kaa yeelo kuwii uu Nabi Muxamed CSW uu sheegay in ay janada galayaan maadaama aad ku baxday Gacanta Khawaarij oo qofkii dila iyo kii ay dilaanba ay yihiin ahlu Jannah.

Waxaa soo xirmay maalmahaagii aduunka ee koobnaa waxaana kuu bilawday Maalmahaagii nolosha waarta ee Aakhirada.

Waxaad ka tagtay fariin waaridoonta oo ah geesinimo iyo in aan la aqbalin dullinimo waana sii sooconayaa halgankaagii maadaama ay gadaashaada ku hareen ardaydii kaa dhaxashay geesinimada.

Kuwa mooda in geeridaada ay nasiino ku helayaan ha xusuustaan saxiibadii aan jeclayn ee isla jidkaan ku baxay miyaa nalku udamay mise wuu sii xoogaystay?

Waad gaartay himiladaadii ka hor geeridaada waanad jabisay xayndaabkii shaydaanka

Waad leexisay fariintoodii gurracnayd waanad furtay albaabkii iftiinka.

Waxaad hadashay maalin adag oo dadkaagu kuu baahnaa waana fidday fariintaadii oo gaartay halkeedii

Waxaad ka tagtay boqolaal saxafi oo runta ka sheegikara argagixisada oo aad u ahaandoonto ku dayasho wanaagsan.

Waxaad tagtay adiga oo ka shifay dhagartooda.

Waxaad tagtay adiga oo codkaaga ku ciiltiray kumanaan cadaw ciqaabay.

Waan murugoonaynaa balse ma cabsoonayno gadaashaa.

Dhiigaagu wuxuu ahaandoonaa dhibco kobciya kuwa dhiiran.

In aad dhimato waa amar ilaahey bixiyay cid kale oo sheegankarta dhimasho iyo nololna majirto sidaas ayaanna caqiido ahaan rumaysanahay.

Saaxiibada shaqada waxaan leeyahay dhiirada oo labanlaaba dedaalkiina.

Dhimasho uga cabsada allaah oo kaliya cid kale oo leh awoodaasna majirto waxkasta oo kugu dhaca shar iyo khayrna rabbi ayay xagiisa ka ahaadeen.

Shacabka soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxaan si naxariisleh uga codsanayaa in qofkasta oo aqriya Qormadaan oo allaah ubaryo walaalkeen Cabdicasiis Maxud Guuleed in uu udanbi dhaafo, Janatul fidawsana ku arzuqo.

W/Q- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf cadaala.

Ra’iisul wasaaraha JFS oo hambalyo u diray Bareyaasha Soomaaliyeed iyo bahda waxbarashadda

Ra’iisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

“Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaanna ku bogaadinayaa shaqada dhaxalgalka ah ee tarbiyeynta ubadka iyo soo saarista jiilal aqoon ku hubeysan oo qaranka qiime weyn ugu fadhiya.
Macallinkeen Allow kaal”