Shan Xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay.

Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee (somaalilnd) ayaa maanta Talaado ah Dugsiga Tababrka ciidanka Booliska ee Gen-kaahiye ku qabtay doorashada 5-kursi oo katirsan xildhibaanada Golaha shacabka ee ku matalayo degaannada gobolada waqooyi ee (somaaliland)

Goobta doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddiga Maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi & xubno kamid ah guddiga doorashooyinka heer Federaal & mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Soomaaliya, iyada oo ay codeynayeen 101 Ergo oo la soo xulay.

5-kursi ayaa waxa ku tartamayo musharaxiin dhowr ah iyadoona kursiga kowaad aya ku tartameen musharixiinta kala ah Maxamed cabdi Xayir Maareeye iyo C/raxmaan warsame saciid.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku guuleystay codad gaaraya 96-cod halka C/raxmaan Warsame uu la yimid codad dhan 3-cod.2- codna way halaben

Kurisga labaad ee HOP202 aya waxaa isna ku tartamay Aamino Cumar Jaamac iyo Aamino Cismaan Diiriye, Aamino cumar jaamac ayaa cod gacan taag ah ku soo baxday, ka dib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye.

Kursiga Saddexaad ee HOP210 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Faadumo Xasan Cali iyo Hoodo Cabdi Xaashi, balse kursiga ay ku guuleysatay Faadumo Xasan Cali kaddib markii ay u tanaasushay Hoodo Cabdi Xaashi.

Kursiga afaraad Hop#208 ee golaha shacabka JFS ayaa sidokale waxaa ku tartamay Maxamed Haaruun Cabdullaahi iyo Axmed Cali Maxamuud, waxana kursigaa ku guuleystay Maxamed Haaruun Cabdullaahi isaga oo helay dhammaan codadkii la tiriyay, 101-cod.

Kursiga shanaad ee tirsigiisu yahy Hop#233 ayaa waxa ku wada tartamay Axmed Cismaaan Diiriye iyo Dayib Cabdulqaadir Jaamac waxana ku guleystay Axmed Cismaaan Diiriye oo helay 65 cod, halka musharaxii la tartamay Dayib Cabdiqadir Jaamac uu helay 36 cod

Horay waxaa Muqdisho loogu doortay laba ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ka soo gala gobollada waqooyi, waxayna tirada guud ee xildhibaanada dooran ee Somaliland noqaneysaa todoba xubnood

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta la guddoonsiiyay shahaadada musharaxnimo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa guddoomiyaha guddoonsiiyay shahaadada ka dib markii uu buuxiyay dhamaan shuruudihii musharaxnimo ee looga baahnaa.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa mar kale u tartamaya kursiga sumadiisu tahay HOP182 ee Golaha Shacabka.

Guddiga doorashada Heer Federaal oo shaaciyay doorashada laba kursi ee BFS

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo  lahadalay warbaahinta ayaa sheegay  in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo, kuwaas oo kala ah HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge & HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Afhayeenka ayaa ergada wax dooraneysa ugu baaqay inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo  la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya.

Ra’iisul Wasaarahaha Faransiiska oo laga helay xanuunka Covid 19.

Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul wasaare Jean Castix, uu ku dhacay fayraska Corona, sidaas darteedna uu gali doono xaalad karantiil ah tobanka maalmood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaare Jean Castix, oo hadda 56 sano jir ah ayaa la caddeeyay inuu haleelay Xanuunka Corona Virus, isaga oo horay u qaatay tallaalka ka hortagga xanuunkan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayuu ku dhacay xanuunka Covid-19 bishii Diseembar 2020, sidookale tiro kamid ah wasiirrada Faransiiska ayaa laga helay fayraskan, kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Maaliyadda Bruno Le Maire iyo Wasiirka Dhaqanka Roslyn Bachelot.

Inta badan waddamada reer Yurub ayaa la daalaa dhacayo sidii ay ugu hortagi lahayeen fiditaanka mowjadaha cusub ee Covid 19, iyadoo horay inta dabadan dalalka Yurub loogu soo rogay xannibaado dhanka caafimaadka ah si loo xakameeyo xanuunkan.

Wasiirka caafimaadka dalka Jarmalka Jens Young, ayaa shir Jaraa’id uu shalay qabtay ka digay halista xanuunkan oo dib u soo laba kacleeyay, isaga oo sidookale sheegay in dadka dalkiisa ee aan qaadan Tallaalka ka hortaga Corona Virus la tallaali doono.

Xildhibaan Maareeye oo mar kale dib loogu doortay Golaha Shacabka.

Iyadoo ay xarunta Dugsiga Tababarka ciidamadda Booliska Gen.Kaahiye ka socoto doorashada 5-kursi ee xildhibanada Golaha shacabka ku matalaya deegaannada Gobollada Waqooyi(Somaliland) ayaa waxaa durba kursiga koowaad kusoo baxay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo helay codad gaaraya 96, asigoo ka guulaystay murrashax C/raxmaan Warsame Saciid oo helay 3 cod oo kaliya.

Goobta doorashada ka socoto ayaa waxaa ku sugan Guddiga doorashooyinka iyo ergada wax dooranaysa. 5-kursi ayaa waxa ku tartamaya musharaxiin dhowr ah iyadoona kursiga kowaad ay ku tartameen musharixiinta kala ah Maxamed cabdi Xayir Maareeye iyo C/raxmaan warsame saciid oo doorashada looga guulaystay.

Doorashada 5-kursi ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ee Gobolada Waqooyi(Somaliland) oo Muqdisho ka socota.

Waxaa xarunta Dugsiga Tababarka ciidamadda Booliska Gen.Kaahiye ka bilbatay doorashada 5-kursi ee xildhibanada Golaha shacabka ku matalaya degaannada Gobollada Waqooyi(Somaliland), waxaana goobta ku sugan Guddiga doorashooyinka iyo ergada dooranaysa xildhibaanada

5-kursi ayaa waxa ku tartamayo musharaxiin dhowr ah iyadoona kursiga kowaad ay ku tartamayaan Musharaxiinta kala ah

1-Maxamed cabdi Xayir Maareeye.

2-C/raxmaan warsame saciid.

Guddoomiye Mursal oo gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya mudane Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

 

Ciidanka NISA oo howlgallo qorsheysan ku soo qabtay dhagar qabayaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamadda ammaanka gaar ahaan Ciidanka Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa xalay ka fuliyay Degmada Afgooye oo saddex Dhagar-qabe oo Al-Shabaa ka tirsanaa lagu soo qabtay.

Dhagar qabayaashan ay gacanta ku dhigeen Ciidamadu Ha’yadda NISA dabagal ku haysay ayaa argagixisada u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Miinooyinka, kuwaas oo qorshaynayey in hawlgalo shacabka dhagar loogu maleegayo oo miino aasid iyo qaraxyo ah ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Ciidamadda Duufaan ee NISA sida ay ugu guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan dhagar qabayaasha ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fei Shengchao, waxa uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo.

Intii lagu guda jiray kulanka , waxaa looga hadlay sare u qaadida iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo dardargelinta dhinac weliba si loo gaaro danaha guud iyo himilooyinka labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida ee taabanayay danaha guud ee labada dal.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo maanta daahfuray Shirweynaha Amniga Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Amniga Galmudug.

Shirka oo ay kasoo qeybgaleen qaar ka mid ah golaha wasiirada oo ay ugu horreyso Wasaaradda Amniga, dhamaan saraakiisha ciidamada Qalabka sida, Gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Shirka oo uu madaxweynuhu si rasmi ah u furay, ayaa socon doona muddo 2 maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doona amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo arrimaha garsoorka iyo cadaaladda.