Wasaaradda Qorsheynta oo Baydhabo ku soo gaba gabeeysay Shirka wadatashiga qorshe howleedka Istaraatiijiyadda xalka waara ee Koonfur galbeed

Baydhabo- Wadatashiga oo socday muddo shan cisho ah ayaa ujeedadiisu waxaa ay ahayd diyaarinta qorshe howleedka Istaraatijiyada xalka waara ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, iyadoo ay ka qeyb-galeen Wasaraadaha iyo hay’adaha ay quseeyso ee dowlad gobaleedkaasi oo gacan weyn ka geystay dar-dargelinta tallaabooyinka wax looga qabanayo mushaakilaadka kala duwan ee dabiiciga ah sida abaaraha, colaadaha iyo fatahaada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta dowladd gobaleedka Koonfur galbeed Mudane Isaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegay in uu aad uga farax sanahay in howshan si wannaagsan kusoo dhamaatay ka maamul ahaana ay diyaar u yahiin dar-dargalinta qorshe howleedka Istaraajiyadda xalka waara kaas oo muhiim inoo ah.

Marwo Zahra Cabdi Maxamed ayaa faah-faahisay natiijada ka soo baxay wadatashiga maalmahan ka socday maamul gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

“Waxaan ku guulaysanay in aan diyaarinoqorshe hawleed sanad ah oo wax looga qaban doono xaaladda Baraka ee dowlad goboleedka KoonfurGalbeed, ayadoo bulshadaas laga dhisayo dhinacyada nolol maalmeedka, u adkaysiga musiibooyinka, nolol iyo xirfadaha. Ka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ahaan waxaan ku dedaalaynaa sidii loo fulinlahaa qorshaha ay dejisteen maamulku looguna raadin lahaa kharashaadkii lagu fulin lahaa qorshaha” ayeey tiri Zahra Cabdi Maxamed.

Xafiiska Xalka waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee XfS ayaa waxaa ka taageerayaa barnaamijkaan Urur gobaleedka IGAD-DRDIP iyo Baanka Adduunka (WorId Bank), Iyada oo gebagabadii shirka laga soo saaray qorshe howleedka sannadka 2021-2022 ee Istaraajiyadda Xalka Waara ee dowlad goboleedka koonfur galbeed oo noqayso dowladd  gobaleedkii 4th ee la diyaariyo qorshe howleedkan, kaas oo wax weyn ka tarayo in xal waara laga gaaro barkacan saameynta weyn ku leh dalkeenna si loo xaqiijiyo hurmaro waa wayn.

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo ugu baaqay hey’adaha gargaarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay u gurmadaan dadka abaartu saameysay

Cairo- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheeq Cumar oo adkeenaya bayaankii shalay ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadnimo oo deg deg ah ayaa war ka soo baxay maanta Xafiiska Danjire Ilyaas Sheeq Cumar waxa uu  baaq bani’aadantinimo u diray wakiiladda dalalka Carabta ee Ururka jaamacadda Carabta, hay’adaha gargaarka gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si ay ugu gurmadaan dadka ku dhibaataysan soomaaliya ee ay saameysay abaarta.

Danjire Ilyaas Sheeq Cumar ayaa sheegay in dhibaatada ba’an ee xilligan ka jirta Soomaaliya ee ka dhashay abaaraha ay horseedi karto musiibo bini’adanimo isagoo ka codsaday cid walba in soomaaliya aan lagu fiirsan duruufta adag ee ay ku jirto waxaana uu ka dalbaday in gurmad degdeg ah lala gaaro dadka ku dhibaataysan abaarta ku dhufatay qaar kamid ah goboladda soomaaliya.

Danjire Ilyaas Sheeq Cumar Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dedaal xoogan ugu jira iney gurmad helaan qaar kamid ah shacabka soomaaliyeed ee ku dhibaataysan abaaraha.

Golaha wasiirrada oo ugu deeqay qeyb kamid ah gunnooyinkooda billaha ah dadka ay saameysay abaarta baahsan ee dalka ka jirta

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku deeqaya 20% gunnooyinkooda billaha ah si loogu taakuleeyo dadka ay saameysay abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wsaaraha XFS ayaa ku dhawaaqay in dalku galay xaalad bani’aadminimo oo deg deg ah taas oo ka dhalatay abaaraha dalka ka jirta.

Muusikeystihii caanka ahaa ee Jiim Sheekh Muumin oo ku geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Muusikeystihii weynaa Jiim Sheekh Muumin oo dhawaanahaan ku xanuunsanayay Muqdisho.

Ustaad Jiim Sheekh Muumin oo xubin muhiim ah ka ahaa Hoboladii Fannaaniinta Qaranka ee Waaberi ayaa lagu xusuustaa doorkiisii jiheynta bulshada.

Innaa lillaahi Wa innaa ilaahi raajicuun.

Wasiir Duraan iyo safiirka Shiinaha oo kormeeray Xarunta laga hago diyaaradaha Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax iyo Safiirka Shiinaha u Fadhiya Soomaaliya ayaa Kormeeray Xarunta laga hago diyaaradaha Soomaaliya ee Garoonka caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Sidoo kale, Wasiir Duraan iyo Safiir Shengchao waxaa kormeerka ku wehlinayay Shengchao, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Gacal iyo Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka  Axmed Macallin.

Madaxda ayaa kormeerka kadib, kulan ay wada qaateen waxa uu safiirka Shiinuhu Sheegay in ay Dawladiisu garab taagan tahay Dawladda Soomaliya,islamarkaana ka taageereyso hormarinta ilaha dhaqaale e dalka, oo ay Ka mid tahay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiir Duraan aya uga mahadceliyey Safiirka Dawladda Shiinaha sida ay diyaar ugu yihiin taageerada shacabka iyo Dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin.

Ra’iisal wasaare Rooble oo Guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Ra’iisal wasaaraha ayaa guddoomiye Cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday in ay dalka ka dhaceyso doorasho xor iyo xalaal ah

Mahad Cabdalla Cawad oo ku soo baxay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb

Guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa markale ku guuleystay doorasho maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Kursigan ayaa waxaa Mahad Cabdalla Cawad kula tartantay Shukri Cali Faarax, waxaana guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad uu helay 84 Cod halka Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah, waxaana xumaaday 17 cod.

Doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si habsami leh ugu socota dalka.

Ammaanka magaalada Addis ababa oo aad loo xoojiyay

Iyadoo ay weli socdaan dagaallo u dhaxeeya ciidamada Jabhadda xoreynta Tigreega TPLF iyo ciidamada Itoobiya, ayaa la sheegayaa in Ciidamada Dowladda Itoobiya ay si aad ah u adkeeyeen Ammaanka magaalo-madaxda dalkaasi ee Addis ababa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ay fadhiisimo cusub ka sameeysteen degaanno aan ka fogeen Caasimadda si looga hortago weerarro kaga yimaado maleeshiyaadka falaagada ah ee TPLF.

Jabhadda TPLF, ayaa isbahaysi la samaysatay kooxo kale oo ay ka mid yihiin Jabhadda Xoraynta Oromada iyo maleeshiyaad kale oo ka dagaalama deegaano ku xeeran magaalada Addis Ababa.

Jabhadda Xoreynta Tigray-ga ayaa Todobaadkan ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigeen deegaanka Shewa Rubet oo 220-km dhanka waqooyi-bari kaga beegan magaalada Addisababa, taas oo dowladdu aanay wali ka hadlin.

Digniin laga soo saaray Duufaan laga cabsi qabo inay ku dhufato qeybo ka mid ah Puntland

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xarunta Qaran ee ka digista halis wadareedka, ayaa waxaa lagu sheegay in laga cabsi qabo inay Duufaan ku dhufato degaanno ka mid ah Dowlad gobaleedka Puntland, sida deegaannada Caluula, Xaafuun iyo isku shuban.

Duufaantan oo ku socota xawaare dhan 35 km/Saacaddii ayaa laga cabsi qabaa in 24-ka saac ee soo socda ay ku dhufato cirifka waqooyi-bari ee Soomaaliya, iyadoo laga yaabo in si gaar ah ay ku dhufato xeebaha gobolka Bari.

Shacabka ku dhaqan deegaannada xeebaha ah ayaa looga digay inay feejignaadaan 24-ka saac ee soo socda.

Sanadahii la soo dhaafay degaanno ka mid ah Puntland ayaa waxaa ka dhacay Duufaanno ay ka mid ahayeen Pawan halkaas ku dhufatay 2019 iyo Gati oo iyadana halkaas ka dhacday sanadkii tagay ee 2020, kuwaa oo ay ka dhasheen dhibatooyin kala duwan.

Ciidamada xoogga dalka oo jab xooggan gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska Gorgor gaar ahaan ururka 7aad ee Guutada 18aad ayaa howgal qosheysan ku burburiyay fariisimo ay argagixisada ku lahaayeen Tuulooyin hoostaga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayeen fariisimo argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen tuulooyinka Buulo Xaanshi, Ceelsaniini, iyo Buulo cadeey oo ka wada tirsan Gobalka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ciidamada ku bur buriyeen fariimada, isla markaana ay ka sameeyeen howlgallo amni xaqiijin ah.

Dadka ku nool tuulooyinka ay ciidamada howlgallada ka sameeyeen ayaa si aad ah u soo dhaweeyay sida ay ciidamada xoogga uga dulqaadeen dhagarqabayaasha dhibaatada ku heysay.