Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo ku baaqay in musharaxiinta ay toos ugu soo gudbiyaan cabashadooda.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa ugu baaqay musharaxiinta Barlamaanka in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga iyadoo guddigu ka jawaabay eedayn Midowga Musharaxiinta ujeediyeen guddiyada doorashada, taasi oo ku saabsan in kuraasta la boobayo

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka mudane Maxamed Ibraahim.Barre oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

Horumarinta adeegyada Caafimaadka oo laga shiray

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ayaa kulan layeelatay Dowladaha Deeq bixiyayaasha Caafimaadka, shirka ayaa looga wada hadlay qorshaha Wasaaradda Caafimaadka ee sandka 2022 iyadoo dhankalana la isweydaarsaday caqabadaha taagan iyo xog la xiriirta mashariicda ay deeqda ku bixiyaan Dowladaha shirka goobjooga ka ahaa.

Shirka oo ahaa mid isugu jiray kulamo iyo booqasho xarumo caafimaad ayaa ugu dambeyntii lagu soo gabagabeeyey booqasho shaqo oo deeq beexiyayaasha ay kutageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benaadir.

Xubnaha ayaa ka socday Dowlaldaha kala ah Sweden, FCDO, Qatar Charity, Canada, Switzerland, Finland, World Bank- GFF OIC Soomaaliya, Hay’addaha WHO, UNFPA iyo UNICEF waxaana lagga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegga Caafimaad ee Hooyadda iyo Dhallaanka iyo sidii loo xoojin lahaa wadda shaqeynta deeqbixiyaasha iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo daahfuray tartan kubadda Cagta ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah u furay tartanka kubada cagta degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir oo ka furmay garoonka Stadium Eng Yariisow.

Tartankani oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanadkan ka duwan sanadihii lasoo dhaafay maadaama lagu soo daray kooxa matalaya Deeganada gobolka Banaadir ee kala ah Gubadleey, Garasbaaleey iyo Daarusalaama taas oo qeyb ka ah doorka uu maamulka gobolka Banaadir ka geesanayo xoojinta horumarinta Sportska iyo dhiiragalinta dhallinyarada.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo Xilka la wareegay

-Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa maanta xilka kala Wareegay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Mudane Cabdisaciid Muuse Cali Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa soo bandhigay qorshihiisa ku aaddan dardar gelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.

“Aniga oo ku kalsoon hawl-karnimada iyo tayada hawl-wadeennada Wasaaradda iyo dhamman dublumaasiyiinta Soomaaliyeed, waxaan ku rajo weynahay in shaqada muhiimka ah ee Wasaaraddani ay Qaranka u hayso aan sii labo jibbaarno, kana sii ambaqaadno halka ay maanta joogto.”

Dhankiisa, Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ka warbixiyey shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu soo qabtay intii uu xilka hayey, isaga oo Wasiirrada Cusub u rajeeyey sii ambaqaadidda waajibaadyada qaran ee horyaalla.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa Munaasabadda Xil Wareejinta ayaa bogaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socdey Goleyaasha Dowladda ee Xukuumaadda iyo Baarlamaanka, iyo Howl wadeennada iyo Diblomaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA oo ku Guulaystay tartanka kursiga HOP067

Waxaa goordhowed Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu soo gaba gabeeyay doorashada kursiga HOPO67, kaas oo ay ku tartameen laba musharrax.

Kursigaan oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray loolan adag ayaa waxaa ku tartamay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Yaasiin fareey iyo Maxamed Cali Culusoow kadib markii tartanka ay isaga hareen Saddex musharrax oo kale oo tartanka ka qeyb geli lahaa, waxaana kursiga ku guuleystay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey)

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa ku dhawaaqey in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Fareey) uu helay 68 Cod halka Maxamed Cali Culusoow uu helay 20 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Goordhow waxaa la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Maanta oo ah HOPO43, kaas oo uu ku fadhiyo Xil. Xuseen Qaasim Iidow

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta dhagax dhigay kaydka Talaalka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdusho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay dayactirka keydka talalka Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb galay qaybaha Bulshada kala duwan iyo Masuuliyiinta Gobolka Benaadir.

 

R/Wasaaraha XFS oo Cambaareeyay qarax Al-Shabaab ay ka geysteen Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa manta cambaareeyey weerar kooxda Argagixisadda Al-shabaab ay ka geysteen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawacba ay ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday,ayuu yiri R/wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.
R/wasaaraha ayaa falkaasi ku tlmaamay
mid bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ay ugu sii talax tageen daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn.
R.wasaare Rooble,ayaa Ilaah uga baryay in uu u naxariisto dadkii wax ku noqday qaraxaasi,isagoo intii ku dhaawacantayna u rajeeyay caafimaad qab, wuxuuna sidoo kale eheladii kula dardaarmay samir iyo iimaan .

Qarax sababay waxyeello kala duwan oo saaka ka dhacay Degmada Hodan

Kooxaha Argagixisada ah ayaa saaka qarax ay ku soo rareen gaari ka geystay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay” abaaro 0732hrs waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex.M. Cabdiqaasim gaar ahaan Afaafka Hore Ee Iskuulka Mocaas oo kuyaala kasoo horjeedka Dugsi sar Banaadir Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah”

Cadawga argagixisada ah ayaa caadeystay beegsiga goobaha dadweynaha sida Waxbarashada, caafimaadka, iyo goobaha kale ee bulshada loogu adeego, taas oo ka dhigan in uu dagaal kula jiro noloshada dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

War Saxaafadeed Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaaliya waxa uu bogaadinaayaa Guddiyada Doorashooyinka heer Federal , Guddiyada Doorashooyinka Somaliland, Galmudug iyo Koofur Galbeed oo si rasmi ah u bilaabay doorashooyinka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu farayaa Guddiyada maamulka doorashooyinka ee Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle in ay si dhaqso ah u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka si doorashada loogu soo gabagabeeyo waqtiga loo cayimay ka hor dhammaadka 2021 ka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu amrayaa guddiyada doorashooyinka in ay ilaaliyaan madaxbanaanidooda una hoggaansamaan xeerarka iyo Habraacyada doorashooyinka ee ku cad heshiisyadii 17 September iyo kowdii Oktobar 2020, 27-kii May iyo 24 August 2021.

Hufnaanta Doorashada waxay muhiim u tahay in doorashada u dhacdo si nabadgelyo ah iyo in xilliga kala guurka ahi uu noqdo mid looga gudbo si xasiIlooni ah. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay isha ku hayaan hufnaanta doorashada oo saldhig u ah xasilloonida dalka, sidaas darteed Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku adkeynayaa guddiyada doorashooyinka in ay arrintan iska saaraan mas’uuliyad iyo taxadar dheeri ah.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka codasanayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka ah in ay guddiyada doorashooyinka u fududeeyaan gudashada waajibaadkooda kuna dhiirigeliyaan guddiyada in ay si madaxbannaan oo hufan u fuliyaan howlaha doorashada.