WHO oo kadigtay Nooc cusub oo kamid cudurka Covid 19

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay in uu soo baxay nooc cusub oo kamid ah coronavirus ah, kaasoo halis ku ah dunida kana sii qartarsan noocyada Karoonaha ee horay loo soo arkay, waxaana hay’adda u bixisay Omicron.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in jiritaan xanuunkan markii ugu horreysay laga soo sheegay Koonfur Afrika 24-kii Nofembar, ee sanadkan, sidokale dalalka Botswana, Belgium iyo Hong Kong ayaa la sheegayaa jiritaanka kiisaska xanuunkan.

Wadamo dhowr ah ayaa hadda go’aansaday in ay mamnuucaan ama xaddidaan socdaalka iyo dadka  imaanaya dhamaanba waddamada laga sheegay xanuunkan cusub.

WHO, ayaa Caalamka ugu digtay faafitaanka noocaan cusub ee qeeybta ka ah xanuunka Corona Virus, kaasi oo noqonaya Mowjaddii Afaraad ee Covid 19.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in la xannibi doono duullimaadyada ka imaanaya Waddamadda Koonfur Afrika, Botswana, Zimbabwe, Namibia, Lesotho, Eswatini, Mozambique iyo Malawi, wixii ka dambeeya maalinta isniinta ah ee soo socota.

Dublamaasiyiinta sare ee wadamada NATO oo ku kulmi doona Riga Latvia 30-Dec. 1.

Wasiirada arrimaha dibadda ee NATO ayaa ka wada hadli doona arrimaha  ammaanka, oo ay ku jiraan dhismaha ciidamada Ruushka ee ku dhow Ukraine iyo xiisadda socdaalka ee xadka Belarus kulankooda soo socda toddobaadkan.

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa u sheegay Saxaafadda in wasiiradu ay sidoo kale ka hadli doonaan dhibaatada socdaalka ee xadka Belarus, taas oo uu ugu yeeray “ka faa’iidaysiga xishoodka ee dadka nugul si loo cadaadiyo xulafadayada Poland, Latvia iyo Lithuania.”

Wasiirada NATO ayaa sidoo kale baari doona xaalada amni ee Afghanistan, Ukraine iyo Georgia, iyo sidoo kale doorka NATO ee horumarinta xasiloonida iyo amniga gobolka Galbeedka Balkans iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa Serbia iyo Kosovo

Mudaharaado looga soo horjeedo natiijada doorashadii guud ee dalka ciraaq oo ka dhacay Baqdaad

Dibadbaxyo looga soo horjeedo natiijadii doorashadii guud ee 10-kii Octobar  ka dhacday dalka Ciraaq ayaa Jimcihii  shalay ka dhacay caasimadda dalkaas ee Baqdaad.

Boqolaal mudaaharaadayaal ah oo gacan saar la leh isbaheysiga Fatax, oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada badan ee Hashd al-Shaabi, oo ah ciidan taageersan Iran, ayaa isku dayay inay galaan Aagga Cagaaran, oo ay ku yaallaan dhismayaal dowladeed iyo xarumaha howlgalada shisheeye.

Dibad-baxayaasha oo iska caabin kala kulmay booliiska ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah ra’iisul wasaare Mustafa al-Kadhimi.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Baydhabo

Baydhabo. Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa lagu waddaa in ay maanta ka bilaabato magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidda sida ku Cad Jadwalkii ay soo sareen guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Saddex Kursi ayaa maanta lagu dooran doonaa Magaalada Baydhabo waxay noqon doonaan Saddexdii Xubnood ee ugu horreysay doorashada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya ee lagu doorta magaalada Baydhabo.

Doorashada Xildhibaanada  golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxay horay ugu dhacday magaalada Muqdisho iyo xarunta Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhusamareeb.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo maanta ka bilaabaneysa Baydhabo

Baydhabo- Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa lagu waddaa in ay maanta ka bilaabato magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, sidda sida ku Cad Jadwalkii ay soo sareen guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Saddex Kursi ayaa maanta lagu dooran doonaa Magaalada Baydhabo waxay noqon doonaan Saddexdii Xubnood ee ugu horreysay doorashada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya ee lagu doorta magaalada Baydhabo.

Doorashada Xildhibaanada  golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa waxay horay ugu dhacday magaalada Muqdisho iyo xarunta Dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo oo ku Baaqay in Gurmad deg deg ah loo Fidiyo dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay abaaraha ka jira Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay abaaraha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qaybo badan oo dalka ka mid ah ay ku habsadeen Abaaro ba’an oo galaaftay naf iyo maal ba, sababayna xaalad bini-aadannimo oo degdeg ah, isaga oo faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladdaas adag ee ay ku sugan yihiin gobollo badan oo ka tirsan Dalka.

“Wakhtigan adag, waxaa la inooga baahan yahay in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan gaajada iyo biyo la’aanta ah. Waxaa kale oo muhiim ah in aynu badinno Alle bariga iyo Roobdoonta, waxaanna rajaynayaa in dalka oo idil aynu ku qabanno Roob-doon mideysan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dhiirrigelinaya in la garab istaago shacabka tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha weli ka taagan Dalka ayaa Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar ugu deeqay howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha ka jira Dalka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey abaabulka xooggan ee Golaha Xukuumaddu ay bilaabeen si wax looga qabto dhibaatada ay sababeen Abaaruhu, ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, wuxuuna ka codsaday dhammaan shaqaalaha Rayidka ah iyo kuwa gaarka ahba in ay qaataan door la mid ah kii ay Golaha Xukuumaddu 20% ugu jareen Mushaharkooda gurmadka Abaaraha

Madaxweyne Farmaajo oo ugu Deeqay Mushaarkiisa Gurmadka Abaaraha Dalka

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka damqanaya xaaladda dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu ay saameeyeen, dhiirri gelinayana in la garab istaago Walaalaha tabaalaysan ee waxyeelladu ay ka soo gaartay abaaraha ka taagan Dalka.

Waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ugu deeqay Mushaharkiisa Madaxweynenimo ee Bilaha Nofeembar iyo Diseembar howlaha gurmadka dadkeenna Soomaaliyeed ee la dhibaataysan Abaaraha.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay u istaagaan samatabixinta walaalaha dhibaataysan, iyada oo aan ku dhiirri-gelinayno Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda iyo kuwa gaarka ahba in ay door ka qaataan howlaha gurmadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa caawa jeedinaya khudbad ku saabsan Gurmadka Abaaraha oo 08:00pm lagala socon doono Warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Maamulka caafimaadka Galmudug oo daawo gaarsiiyay deegaanka Caada-kibir

Maamulka wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa maanta MCH-ka deegaanka Cada-kibir ee gobolka Galgaduud gaarsiiyey deeq dawo ah oo loogu talagalay in wax looga qabto baahiyaha caafimaad ee ka jira halkaasi.

Deeqdaan oo uu wasaaradda caafimaadka Galmudug wakiil uga ahaa Isuduwaha caafimaadka magaalada Cadaado Cabdi Xasan Cali,waxaa guddoomay Xirsi Kaariye  Yarow oo ah madaxa MCH-kaasi iyo Gudoomiye ku xigeenka halkaasi Cabdikariin Axmed Dhagataag.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Cadakibir Cabdikariin Axmed Dhagataag ayaa codsaday in wasaaradda caafimaadka Galmudugba ay kala shaqeyso sidii deegaankaasi uu u heli lahaa Isbital rasmi ah.

Daawooyinka la gaarsiiyay deegaankaasi ayaa ah kuwo loogu talagalay in ay wax ka taraan cudurada shubanka, nafaqadarrida iyo cudurada neef mareenka.

Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada Saddex ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa shaaciyay qabashada Saddex kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka ee degaan doorashada Maamulkaasi.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in 27-ka Bishaan oo Beri ku beegan la qabanayo doorashada Saddexda kursi, iyaga oo horay u shaaciyay in la qabanayo doorashada 11 kursi.

Kuraasta doorashada la qabanayo ayaa waxaa ay kala yihiin, HOP#182 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, HOP#170 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta Golaha Shacabka, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo.

Soomaaliya iyo dalal kale oo xusay maalinta ciribtirka xadgudubyada ku dhaca haweenka

Xaflado ay horkacayaan Qaramada Midoobay ayaa maalinimadii shalay oo ku beegneyd 25-ka November ka kala dhacay guud ahaan dalalka caalamka,gaar ahaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Maalintaan  oo ku asteysan Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobay oo tirsigiisu yahay 54/134) ayaa ujeedku yahay in lagu baraarugo in haweenka adduunka ay la kulmaan kufsi, xadgudubyo qoys iyo tacadiyo kale.

“Waxaan soo dhaweyneynaa guuxa codadka ee ku baaqaya in la joojiyo rabshadaha iyo xadgudubyada ku dhaca haweenka,waxaanna sidoo kale bogaadineynaa hoggaamiyeyaasha gacanta ka geysanaya dejinta iyo hirgelinta shuruucda iyo beddelka lagu ilaalinaayo dumarka”sidaa waxaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Fariinta 25 Noofambar ee sanadkaan ayaa ah in dunidu ay u soo jeestaan sidii loo ilaain lahaa xuquuqda haweenka,isla markaana loo joojin lahaa xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

Qaramada Midoobay waxay ku dhiirigelinayaan dawladaha, ururada caalamiga ah iyo NGO-yada inay sanad kasta ay abaabulaan xusas lagu taageerayo xuquuqda haweenka,gaar ahaan maalinta caalamiga ah ee 25-ka Nov.

Dhinaca kale, Xubno wasiiro ah iyo Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug ayaa  ka qeyb galay xaflad loo sameeyay maalinta caalamiga ah ee joojinta xadgudubyada ka dhanka ah haweenka  taas oo lagu qabtay   Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Munaasabadan oo ay soo agaasintey Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee galkacyo Waxaa ugu horeyn ka hadlay Safiyo Sigaale oo wakiil ka ah Xarunta Waxbarashada, nabada iyo hormarka ee galkacyo iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka Galmudug Maxamed Cali Alaale ,iyagoo ka waramay tacdiyada loo gaysto haweenka iyo sida ugu haoon ee looga hortagi karo.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug Cusmaan macalin Xassan  ayaa ugu danbeyn ku dheeraaday dhibaatooyinka  ay ku keenaan haweenka tacdiyada loo gaysto wuxuuna bulshada u soo jeediyay in la joojiyo  tyacadiyada lagula kacyo haweenka .

Olole ka dhan ah tacdiyada lagula kaco haweenka ayaa lagu wadaa in mudo lix iyo toban cisho ah uu ka dhoco gudaha dalka Soomaaliya.