Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Taciinta Sare XFS oo magaalada Kismaayo ka furay shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Waxbarshada

Wasiirka Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaliya Mudane  Cabdulaahi Abuukar Xaaji (Cabdulaahi Carab), ayaa magaaladda Kismaayo Xarunta KMG ee dowlad Goboleedka Jubbaland ka furay shirka dib-u-eegista Arrimaha Waxbarashadda ayna kasoo qeyb galeen Wasiirada Waxbarashadda Dowlad Goboleedyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshadda Dowladda Federaalka ee Soomaliya, Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Waxbarshadda Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaasi oo looga hadlayo horumarinta Waxbarashadda. gaar ahaan dhismaha laba-gudi oo muhuim u ah waxbarashada, kuwaasi kala ah 1. Gudiga qaran ee imtixaanaadka iyo 2. Gudiga Qaran ee maareynta iyo hormarinta manhajka Waxbarashadda.
shirkaas oo ay ka soo baxeen go’aamo muhiim ah.

Shirkan ayaa daba socda shir ay dhawaan ku yeesheen wasaaradda waxbarashada federaalka iyo Wasaaradaha waxbarashada ee Dowlad goboleedyadda dalka kaasi oo ka dhacay Magaaladda Goroowe ee Caasimada Puntland, 12 Luulyo ee Sanadkaan 2021, shirkaas oo ay ka soo baxeen go’aamo muhiim ah.

Shirkaan ayaa wejigiisa Sedexaad waxaa marti-galin doona Dowlad Goboleedka Gamudug, waxaana looga hadli-doona masiirka adeega waxbarasho ee loo haayo shacabka soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la leh Golaha Midowga Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Golaha Midowga Musharraxiinta, kuwaas oo ay ka wada hadlayaan arrimo quseeya doorashooyinka dalka.

Ra’iisal wasaare Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa kulankooda si gaar ah diirada ugu saaraya arrimaha doorashooyinka dalka iyo  Daahfurnaanta hannaanka doorashada Dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku boorrisay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.

AGAASIMAHA CUSUB EE MADAXTOOYADA OO KULAN LA QAATAY HOWL-WADEENNADA IYO HORMUUDKA SHAQAALAHA MADAXTOOYADA

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo kulan la qaatay Agaasimeyaasha Waaxyaha Madaxtooyada ayaa uga mahad-celiyey soo dhaweynta diirran iyo sida ay ugu taagan yihiin gudashada waajibaadka Qaran.

Agaasimaha ayaa soo bandhigay howlaha hortebinta u leh xilligan, isaga oo xusay in uu mudnaan siin doono xoojinta wadashaqeynta hay’adaha dowladda iyo Madaxtooyada, hirgelinta qorsheyaasha Qaranka, xoojinta dowladnimada, maamul wanaagga iyo awoodsiinta dhallinyarada.

Agaasime Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa tilmaamay in looga baahan yahay Agaasimeyaasha iyo Howl-wadeennada Madaxtooyada in ay hormuud u noqdaan fulinta baaqii Madaxweynaha ee gurmadka abaaraha dalka, maadaama ay tusaale u yihiin shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Dhankooda, Agaasimeyaasha Waaxyaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay Agaasimaha Cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) guulaha wax-ku-oolka ah ee la xaqiijiyey muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jiro iyo qorsheyaasha u baahan wax ka qabashada deg-degga ah ee horyaalla Agaasimaha iyo guud ahaan howl-wadeennada Madaxtooyada.

Aadan Madoobe oo dib loogu doortay golaha shacabka ee BJFS

Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)  ayaa ku guuleystey Kursiga tirsigiisu uu yahay Hop#189 ee Golaha  Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo doorashadiisu ay maanta ka dhacday magaalada Baydhabo, wuxuuna heley Codad dhan 63-cod

Xasan Cali Maxamed oo la tartamayay Aadan Madoobe ayaa helay 11-cod.

Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa markale ka mid noqonaya xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban oo hakiyey natiijada kursiga HOP#067

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 ayaa soo saaray go’aan ku aadan hakinta natiijada kursiga HOP#067 oo dacwad laga soo gudbiyey.

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada dadban oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday ayaa ku wargeliyay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal inuu hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga HOP#067 oo dacwad laga soo gudbiyey.

HOOS KA AQRISO BAYAANKA KASOO BAXAY GUDDIGA:-

 

Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlay cabashooyinka la xiriira doorashada golaha shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ayaa kala hadlay xal u helista cabashooyinka la xiriira doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinku in ay dhowraan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale, Wuxuu hoosta ka xariiqay in hufnaanta doorashada ay sal u yihiin saddex arrimood oo kala ah madax bannaanida guddiyada doorashooyinka, ilaalinta habraacyada doorashooyinka iyo caddaalada iyo xalinta khillaafaadka.

Qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka waxaa si habsami leh uga socda doorashada xildhibaanada golaha shacabka halka qaarka kalena la filayo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo maanta xilalka u kala warejiyay Wasiirada cusub ee Howlaha Guud iyo Xanaanada Xoolaha XFS

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadir ayaa xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradaha Howlaha guud iyo dib u dhiska Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen iyo Wasiirka cusub ee Xanaanada Xoolaha mudane Maxamed Aadan Macallin kuwaas oo uu dhawaan xilalkooda isku shaandheeyay Ra’iisul wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Munaasbad kooban oo ka dhacday xaruunta Wasaaradda Howlaha guud oo ay ka qeyb galeyn Ra’iisulwasaare ku xigeenka Dalka , Xildhibaano, madax ka socotay xafiiska Hanti-dhowrka iyo Masuuliyiinta iyo shaqaalaha labada wasaaradood ayeey ugu horey Agaasimaaysha Guud ee labada wasaaradood kusoo bandhigeen macluumaad ku saabsan wax qabadka labada wasiir mudadii ay xilalka kala hayeyn.

Wasiirka Cusub ee Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Maxamed Aadan Macallin Ayaa xusay in mudadii uu hayey xilka Wasaradda Howlaha Guud ay u suurogshay dardargelinta howlaha baaxada leh ee looga fadhiyay wasaaradda sida mashaariicyo kala duwan oo dhanka dhismaha ah maadaama uu dalku u gudbay marxalada dib u dhiska, loona baahanyahay in horumarin lagu sameeyo dhamaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo in dib loo dhiso xaruumaha dowladda.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo horey u ahaa wasiirka Xanaanda xoolaha dhawaana uu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa ugu horeyn Ballanqaaday inuu sii laba jibaari doono shaqada hufan ee uu Qaranka u hayo, wuxuuna dhinaca kale xusay in mudadii uu joogay ay ku guuleysteyn inay sare u qaadaan dhoofka Xoolaha Soomaaliya oo sanadkii hore gaaray Seddex Milyan iyo Boqol kun oo aysan ku jirin xoolaha xajka, Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay inay u suurogashay inad dowladda Sacuudiga kala heshiiyaan In hada wixii ka dambeeya ay si joogta u dhoofsadaan Xoolaha Soomaaliya iyadoo aysan jiri doonin wax shuruud ah marka laga soo tago in la Talaali doono Xoolaha, islamrakaana ay rajeenayaan inuu Sacuudiga sanadkiiba dhoofsan doono ku dhawaad Lix Milyan oo neef taas oo fursad weyn u noqon doonta Xoola dhaqatada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed oo xilalka ku Kala wareejiyay Labada Wasiir ayaa kula dardaarmay inay sii kordhiyaan shaqada ay qaranka u hayaan maadama labada Wasaarood ay ka midyihiin kuwa dalka ugu muhiimsan.

Ra’iisal wasaare Rooble oo ku dhawaaqay 1 Milyan oo dolar oo loo qoondeeyay gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyay shirka Guddiga Gurmadka abaaraha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumaddu 1 Milyan oo Doollar oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Guddiga Gurmadka Abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Gudoomiye Maxamed Mursal oo dib loogu doortay golaha shacabka

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Baydhabo, ayada oo doorashada maanta ay ku tartamayeen Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya iyo mudane Feysal ibraahim Xasan.

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo markale ka mid noqday xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Mursal ayaa helay 88-cod oo uu kaga guuleystay musharaxii kale ee la tartamayay.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Prof. Maxamed Dheere ayaa xilligan muhiimka ah kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 28 sanadood, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.