Guddiga maamulka doorashada Koonfur Galbeed oo qabtay Tartanka kursiga Hop#193
Faransiiska oo wada hindise heshiis cusub ku dhex marayo midowga yurub iyo Ingiriiska
Faransiiska ayaa soo jeedin doona heshiis cusub oo dhexmara Midowga Yurub iyo UK si loo xalliyo arrinta taagan ee muhaajiriinta sharci darrada ah, wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa ku dhawaaqay sidaas.
Ra’iisul wasaare Jean Castex ayaa warqad u qori doona talaadada dhigiisa Ingiriiska Boris Johnson oo ay ku jirto tafatirka hindisaha Faransiiska, Darmanin ayaa shir jaraa’id ku sheegay ka dib kulan uu guddoominayay madaxweyne Emmanuel Macron oo ku saabsan socdaalka aan caadiga ahayn.
Kulankaan ayaa daba socday ka dib dhacdadii dooni degtay todobaadkii hore oo galaaftay nolosha 27 qof.
Hogaamiyaasha Qatar iyo Lubnaan oo wada hadal ku yeeshay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Doha Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.
Tamim ayaa u diri doona wasiirkiisa arrimaha dibadda Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Beirut si uu ugala hadlo sidii taageero loogu fidin lahaa Beirut, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Lubnaan.
Qatar “waxay diyaar u tahay inay Lubnaan ka caawiso dhinac walba si ay uga gudubto xaaladaha adag ee sida xun u saameeyay nolol maalmeedka Lubnaan,” ayuu yiri hogaamiyaha Qatar.
Aoun ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Qatar ay siiso Lubnaan ay tahay mid ku dayasho mudan, wuxuuna soo dhaweeyay dadaalka Qatar ay ugu jirto maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Lubnaan.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.
Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY DALKA QATAR
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyey Masuuliyiin Sarsare oo ay ka mid yihiin Wasiiru Dowlaha Xamad Al-kawari iyo Safiirkeenna inoo jooga dalka Qatar Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Qatar waxaa uu kulan doceedyo la qaadan doonaa hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda Furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxweynaha iyo Madaxda kale ee dalalka Carabta.
Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo habka Fogaan Aragga Shir kula qaatay Gudiyadda Doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Gudiyadda faray inay ilaaliyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.
Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo kulan la qaatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya
Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.
Kulankan ayaa lagaga wada hadlay howlgalada amni ee wadajirka ah iyo sidii la iskaga kaashan lahaa sugida amniga Doorashooyinka.
Waxaa kulankan Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka amniga Mudane Janaraal Yusuf Xuseen Cismaan dhuumaal iyo sarakiisha hay’adaha amniga Jubaland.
R/W Rooble oo u magacaabay Jamaal Xasan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 29//11/2021 ugu magacaabay Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS,isagoo u rajeeyay in uu mas’uuliyaddan Eebbe la garab galo.
Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa horay wasiir kuxigeen ka soo noqday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Qatar
Ciidamada Duufaan oo gacanta ku dhigay keyd hub ah iyo horjoogayaal Al-Shabaab ah
Ciidamada NISA ee Duufaan ayaa howlgal ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ku soo qab-qabtay saddex Horjooge oo ka tirsanaa kooxda Alshabab.
Howlgalkaasi oo ahaa mid qorshysan ayaa dhacay habeenimadii xalay waxaana warku intaa ku darayaaIn sidooo kale ciidankasi ay soo qabteen keydad hub ah oo kooxdaasi ay u adeegsan jireen in ay ku dhibaataeeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha ciidamada Duufaan,ayaa u mahadceliyay Bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan dadkii sida hufnaanta ah ula shaqeeyay laamaha Sirdoonka Qaranka ee ku guuleystay soo qabashada horjoogayaashaasi iyo nuucyadii hubka ee ay adeegsan jireen.










