R/W Rooble oo u magacaabay Jamaal Xasan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 29//11/2021 ugu magacaabay Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS,isagoo u rajeeyay in uu mas’uuliyaddan Eebbe la garab galo.

Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ayaa horay wasiir kuxigeen ka soo noqday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta XFS.