Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo maanta olole is-xilqaan ah Ka Fuliyey guriga hooyooyinka ee Maama Baxsan

Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka ayaa maanta ka qeyb qaatay wareegga 19-aad ee Barnaamijka Is-xilqaan, kaddib markii uu hakiyey cudurka Karoonahu howlihii dib u dhiska ahaa ee socday.

Ololaha Is-xilqaan ayaa ay Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranku ka fuliyeen guriga ex-Hooyooyinka ee loogu magac daray Guriga Maama Baxsan.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka oo ka hadlay muhiimadda Barnaamijka Is-xilqaan ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ka qeyb qaadashada dib-u-dhiska xarumaha danta guud ee Dalka.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada iyo Wacyi Gelinta ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Farxaan Xasan Axmed ayaa xusay in shaqaaluhu ay u soo diyaar garoobeen sidii ay u dhisan lahaayeen dalkooda hooyo.

Madaxa Ololaha Is-xilqaan Marwo Maryan Aadan Amiin ayaa ku boorisay dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Shaqaalaha dowladda in ay sii labo laabaan Ololaha Is-xilqaan ee lagu dhisayo Dalka.

Barnaamijka Is-xilqaan ayaa waxaa horay loogu soo dhisay xarumo muhiim ah sida Tiyaatarka Qaranka, Maktabadda Qaranka, Matxafka Qaranka iyo xarumo kale.

Wasiirka Wasaaradda shaqadda iyo arimaha bulshada ee XFS oo maanta daah furay Xarunta Qaran ee adeegga shaqo abuurka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray xaruntii u horreysay ee Adeegga Shaqo Abuurka Qaranka.

Xarunta oo laga hirgaliyay gudaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa door weyn ka qaadanaysa dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aanta ay wajahayaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada. Adeegyada ay xarunta qabanayso waxaa ka mid ah, tababarada iyo diyaarinta dhallinyarada waxbaratay sida ay uga faa’iideysan lahaayeen  suqa shaqada ee dalka.

Adeegyada muhiimka ah ee xarunta ay qaban doonto, waxaa sidoo kale ka mid ah inay fursadaha shaqo ee Dalka ka jira gacan ku siiso dhallinyarada, iyadoo oo ay intaa dheertahay horumarinta xirfadaha , waxaana lagu diyaariyay xarunta dhammaan adeegyada u ah howlaha ay qabanayso.

“Maalin muhiim ah ayay inoo tahay maanta, waxaana si rasmi ah  u daahfuray xarunta adeegga shaqo abuurka Qaranka, oo dhallinyarada u diyaarinaysa inay ka faa’iideystaan fursadaha shaqo, sidoo kale tababaro iyo dooddo ayay xaruntan martigalin doontaa.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Daah-furka xarunta waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka tirsan Hey’adda Save the Children oo gacan ka geysatay hirgalinta xaruntan.

Ciidanka xoogga oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Millitariga AMISOM ayaa howlgallo lagu baacsanayo haraadiga Al-Shabaab ka fuliyay degaanno hoos taga Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.

Col; Xasan Jaamac oo ka mid ah Saraakiisha AMISOM ee qaybta ka ah howl-gallada ayaa sheegay inuu ujeedkoodu yahay sidii ay u cirib tiri lahaayeen haraadiga Argagixisada, kuwaasoo xubno ka mid ah ay dhici karto inay ku dhuumaalaysanayaan dhulka howdka ah ee miyiga Baladweyne.

Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Cusmaan dhicisoow dhuuboow ayaa sheegay in howl-galkan uu wax badan ka baddalayo ammaanka Magaalada, wuxuuna sheegay inuu sii socon doono inta ay ka qabsoomayaan doorashooyinka golaha shacabka ee dhowaan la filayo inay ka dhacaan halkaas.

Magaalada Baladweyne ayaa isu diyaarineyso inay dhowaan marti-geliso qabashada doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka hoose, waxaana si is-daba jooga halkaasi ugu soconaya howl-gallo lagu sugayo ammaanka guud.

Wasiir Dubbe oo Rwanda kaga qayb galay shirka hoggaanka dalxiiska Afrika

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa dalka Rwanda kaga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee hoggaanka dalxiiska Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa madaxda Afrika ee shirka ka qayb-gashay kaga war bixiyay horumarrada dhinaca dalxiiska ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya sanadahan dambe.

Shirka oo ahaa mid heer Wasiir, ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka socday in ka badan 22 Dal oo Afrikan ah, waxaana lagu gorfeeyay arrimo dhowra oo quseeya dalxiiska Qaaradda iyo sidii loo horumarin lahaa, iyadoo si weyn loogu lafa guray saamaynta dhaqaale ee Cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalxiiska Afrika.

Wasiir Dubbe ayaa intii uu ku sugnaa Rwanda wuxuu xarigga ka jaray shirkad Soomaaliyeed oo ka shaqaynaysa arrimaha dalxiiska, taasoo ay dhallinyaro Soomaaliyeed ka hirgeliyeen dhowaan Magaalada Kigali ee Caasimadda Rwanda.

Mudane, Dubbe ayaa sidoo kale kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalka Rwanda, isagoo ugu warbixiyay xaaladda guud ee Dalka iyo horumarrada ay samaysay Dowladda Soomaaliya.

Galmudug oo gargaar gaarsiisay barakacayaal ku sugan duleedka Dhuusamareeb

Duqa Magaalada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, wasiir kuxigeennada beeraha iyo shaqada iyo wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug ayaa deeq ay iska aruuriyeen waxa ay gaarsiiyeen dadka ay Abaaruhu Saameeyeen ee ku sugan duleedka Dhuusamareeb.

Boqol Qoys oo ka mid ah Dadkan oo intooda badan ah kuwo kasoo barakacay dagaalkii ka dhacay dhowaan degaanka Bohol iyo kuwo ay abaaruhu saameeyeen oo ay duruuf adag ku haysato halkaasi ayaa loo qeybiyay raashiin isugu jira Bur, Bariis ,Sokor iyo saliid.

Cali Cabdinuur oo ku hadlayay afka mas’uuliyiinta halkaasi geysay deeqda ayaa sheegay in dadka ay raashiinka siiyeen ay ahaayeen kuwo aad u duruufeysan, wuxuuna intaa ku daray inay u qiimeeyeen sida ay u kala daran yihiin dhowaanna ay gargaar kale gaarsiin doonaan inta aan weli helin gargaarka.

Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay guddiyada doorashooyinka dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan kula qaatay Magaalada Baydhabo Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET), Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Kulanka ayaa waxaa sigaar ah looga hadlayay arrimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee ka socoto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in ujeedka safarka ay Baydhabo ku tageen uu ahaa la socodka doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee ka socda Koonfur Galbeed.

Maxamed Xasan Cirro, ayaa sidokale sheegay inay bilaabi doonaan baaritaan la xiriira cabashooyinka ka yimid qaar kamid ah Kuraastii halkaas lagu dortay.

Ugu danbeeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa Guddiyada doorashooyinka kula dardaarmay in ay si Caddaalad ah u qabtaan Doorashooyinka halkaas ka socda.

Guddiga doorashada Gobolladda waqooyi oo shaaciyey qabashada doorashada 16 kursi

Guddiga maamulka doorashada Gobolladda waqooyi ee Somaliland ayaa u gudbiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal inay qaban doonaan 16 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. sidaas darteed Guddiguna waxa uu ku war galinayay beelaha kuraastaa leh in ay 1/12/2021 ay yimaadan xarunta Guddiga SEIT.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo dayactir lagu sameynayo

Garoowe- Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, oo uu ku socdo dayactir iyo dib u habayn lagu samaynayo kadib bur bur ka soo gaaray qaybo ka mid ah wadadaani Roobab sanado kala duwan wax yeeleeyay.

Madaxweyne Dani, ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta dowladda ee shaqadan gacanta ku haya iyo Injineerada Shirkadda dhisaysa dayactirka wadadaani oo uu maanta kula kulmay deegaanka Buura-wadal oo hadda dayactirka Wadadu marayso.

waxaana Kormeerka madaxwaynaha ku wehelinayay wasiirada Maaliyada, Howlaha Guud, iyo Kusimaha Hey’ada wadooyinka Puntland.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa in ka badan 7 million oo dollar oo laga bixinayo qasnada dowlada ku dayac tiraysa wadooyinka Muhiim ka ah ee isku xira deegaanada Puntland uuna soo gaaray burbur kala duwani.

Wasiirka warfaafinta oo khudbad wadaniyada ku saabsan u jeediyay ardayda Soomaaliyeed ee Kampala.

Kampala: Wasiirka Warfaafinta XFS Sen. Cusmaan Abokar (Dubbe) ayaa khudbaddan ku saabsaneyd wadaniyadda iyo isku xirnaanta ardayda oo ka dhacaysay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa waxaa kasoo qayb galay ardayda waxkabarata dalka Uganda.

Gudoomiye ku-xigeenka ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda Cabdiqaadir Xasan iyo Naciima Maxamed ayaa sheegay in farxad u tahay in wasiirka khudbad u jeediyo.

Wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa ardayda kala dardaarmay muhiimadda ay leedahay wadiniyadda iyo in uu yahay dalka wax walba ka muhiimsan yahay oo dal la’aantii dadku aysan jirin.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta XFS Sen. Cusmaan Abokar (Dubbe) ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan midnimadooda oo aysan isku khilaafin reero reero iyo IWM.

Kulankaas ayaa waxa uu kusoo dhamaaday jawi qurxoon oo ardayda wax badan ka faa’ideen khudbadaas qiimaha lahayd

MADAXWEYNAHA IYO AMIIRKA DOWLADDA QATAR OO KA WADA HADLAY XOOJINTA XIRIIRKA LABADA DAL

Dooxa- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjireheenna dalkan Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano.