Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga

Safiirka JFS ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xarunta safaaradda ee dalkaasi kula kulmay saraakiil uu hoggaaminaayey  Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Cabaas Amiin Cali.

Kulankaasi waxaa dhinacyadaasi ay isku dhaafsadeen xaaladda dalka ,gaar ahaan kaalinta iyo doorka ciidamaa Xoogga kaga aadan horumarka dalka iyo sida ugu haboon ee loogu helo karo tababar iyo qalabeyn.

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa u qeybsanaha Ciidamada ee Safaaradda Jeneraal Liibaan Alow Yarow ,waxaa kaloo ka qeybgalay Jeneraal Maxamed Sharmaan,Taliyaha Ciidanka Cirka Jeneraal Maxamuud Sheeq Cali iyo Gaashaanle sarre Axmed Maxamed Xasan .

Saraakiishaasi ka socotay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,waxa ay ka mahadceliyeen sida diiran ee loogu soo dhoweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

Ciidamada Kumaandooska Danab oo bur buriyay fariisimo ay argagixisada ku lahayd Jubbada

qorshaysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ururka 5aad Guutada 16 ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Daraawiishta ayaa laga sameeyey deegaanka Buula Xaaji iyo Lagta Caanoole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu bur-buriyey goobo argagixisada ay dadka shacabka ah kaga qaadi jireen lacago baad ah iyo goobo kale oo ay dadka ku dhibaateyn jireen.

Arrinta ayaa ka dambeysay kaddib markii ay ciidamada ka jawaabayeen codsi uga yimid shacabka ku nool deegaannada ay ciidanka howlgalka sida wada jirka ah uga fuliyeen, kuwaasi oo si diiran ugu riyaaqay guulaha ay ciidamada ka soo hooyeen howlgalka.

Madaxweynaha Galmudug oo shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada Maamulkaas

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Shir guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Galmudug.

Shirka ayaa looga hadlay arrimaha amniga, doorashada, ayadoo dhinaca kale warbixin looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuna saabsaneyd Degmeynta Xeraale oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Shirka, oo uu ka soo qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, ayaa laga dooday, warbixinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, iyadoo ugu danbeyntii cod loo qaaday degmeynta Xeraale oo ay Goluhu si aqlabiyad leh u ansixiyeen.

Dhinaca kale, Wasaaradda Amniga ayaa golaha u qeybisay nuqulo Xeerka Hubka fudud ah oo ay goluhu soo akhrin doonaan, kaasi oo looga doodi shirkan kan xiga.

Mudane Jamaal Xassan Ismaaciil oo loo dhaariyey Xilka Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa XFS

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Baarlamanka 10-aad Ayaa Maanta Kulan Isugu Yimaadeen Xarunta Guddonka Iyo Guddiyada Villa Hargeysa Lagu Dhaariyey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa XFS Mudane Jamaal Xassan Ismaaciil Oo Ra’iisalwasaaraha XFS dhowaan U Magacaabay xilkaasi.

Waxaana Kulanka Dhaarinta shir Guddominaayey habdhowraha ku xigeenka Golaha shacabka BJFS Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan iyo Xildhibaano,

Wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ayaa waxaa dhaariyay guddomiyaha guddiga Garsoorka, diinta iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Shariif Shiikhuna Maye.

Madaxweyne Farmaajo oo Dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallim, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Dooxa kaga qayb galay Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dooxa waxaa uu kulan la qaatay Amiirka Dowladda Qadar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qadar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Wasiirad Fowsiya Abiikar oo kormeertay xarumaha caafimaadka ee Kismaayo

Kismaayo-(SONNA)-Wasiirka Caafimaadka XFS Drs. Fawziya Abikar Nur oo ay wehliyaan Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad Gobaleedyada dalka ayaa maanta booqday Machadka Tababarada Umulisooyinka ee Magaalada kismaayo iyo Xarumo Caafimaad oo adeeg siiya dadka danyarta ah.

Wasiirdda iyo wafdiga ayaa u kuurgalay Shaqada Caafimaad ee ay baxiyaan xarumaha Caafimaadka iyagoo dhanka kale kulamo la qaatay muumulka Machadka umulisooyinka oo kawarbixiyay caqabadaha jira ee u baahan in la xaliyo.

Wasiirka Caafimaadka XFS Drs. Fawziya Abikar Nur ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland dedaalka ballaaran ee ay ugu jirto dib usoo nooleynta adeegyada Caafimaadka xilli dalku uu ku jiro ladagaalanka Caabuqa Covid-19.

Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay xarumaha caafimaadka ee Kismaayo

Wasiirka Caafimaadka XFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur oo ay wehliyaan Wasiirrada Caafimaadka ee Dowlad Gobaleedyada dalka ayaa maanta booqday Machadka Tababarada Umulisooyinka ee Magaalada kismaayo iyo Xarumo Caafimaad oo adeegyo kala duwan siiya dadka danyarta ah.

Wasiirdda iyo wafdiga ayaa u kuurgalay Shaqada Caafimaad ee ay bixiyaan xarumaha Caafimaadka iyagoo dhanka kale kulamo la qaatay muumulka Machadka Umulisooyinka oo ka war bixiyay caqabadaha jira ee u baahan in la xaliyo.

Wasiirka Caafimaadka XFS Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa uga mahadcelisay Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland dadaallada ballaaran ee ay ugu jirto dib usoo nooleynta adeegyada Caafimaadka xilli dalku uu ku jiro ladagaalanka Caabuqa Covid-19.

 

 

NISA ayaa caawa hawlgal Qorshaysan ka fulisay Caasimada Muqdisho.

NISA ayaa caawa hawlgal Qorshaysan ka fulisay Caasimada Muqdisho.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo Argagixisada Maafiyada ah ee Alshabaab u qaabilsanaa khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yirri War qoraal ah oo ay hey’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA .

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kormeeray xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi- Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo safar shaqo ku joogay magaalada Neyroobi ayaa kormeer ku tagay Safaaradda Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya.

U qeybsanayaasha Safaaradda ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Agaasimaha Guud iyo Wefdigiisa ku soo dhaweeyay Xafiisyada adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka, isla markaana Agaasimaha Guud uga warbixiyay adeegyada ay siiyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Ugu dambeyn Agaasime Guud ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ka howlgala safaaradda, isagoo kula dardaarmay in ay si hufan ugu adeegaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Kenya, isla markaana ay ilaaliyaan Shuruucda iyo Habraacyada lagu bixiyo adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka.

Wasiirka wasaaradda Haweenka ee XFS oo Muqdisho ka daah furtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Xaquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay shir wadatashi ah oo ku saabsan xaqiijinta qoondada Haweenka ee Golaha Shacabka.

Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee dowladda, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, ururada haweenka, xubno ka socday Wasaaradaha Haweenka ee Dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka hadlay madasha ayaa dhankooda shaaciyay inay dadaal xoogan ku bixiyeen xaqiijinta kuraasta haweenka ee Golaha Aqalka Sare, haatanna ay ka shaqeyn doonaan qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Wasiirka Haweenka ee Soomaaliya Marwo Xaniifa ayaa xustay in ay kulamo kala duwan la qaateen Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed, kuwaasi oo ay sheegtay inay isla meel dhigeen xaqiijinta qoondada Haweenka ee Baarlamanka, isla markaana kan Wasaarad ahaan aysan ka seexan doonin ilaa iyo inta ay ka dhamaaneyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka.