Maxkamadda gobolka Galgaduud oo dhageysatay dacwad ciqaabeed dil ah

Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa maanta fadhigii ugu horeeyay ka yeelatay dhageysiga dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cismaan Ciise Afrax oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eedeeyay dil goobtiisa ganacsi loogu geystay 06-12-2020 Alle ha u naxariistee Marxuum Daahir Cabdulle Cabdi oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Maxkamadda, Axmed Salaad Kulane ayaa inta aan la guda-gelin dhageysiga dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha kahor, sharaxaad balaaran ka bixiyay eedda iyo cida dhibanaha ka ah.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Galmudug Cabdikariin Maxamed Xirsi oo cuskanaya xaanshi qiraal ah oo eedeysanaha laga qoray iyo cadaymo kale oo laga soo uruuriyey goobta falku ka dhacey ayaa garsoorka ka dalbaday in eedeysanaha la mariyo ciqaab adag.

Dhanka kale Abuukaate Xalane oo difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in qodobada eedu yihiin kuwo aan waafaqsaneen sharciga.

Ugu dambeyn, guddoonka Maxkamadda ayaa dib u madlay fadhi kale in la isugu soo laabto, iyadoo xeel ilaalinta loo diray in ay soo dhammeystirto qodobada eedda.

Diyaargarowga qabashada doorashada golaha shacabka oo laga dareemayo magaalada Jowhar

Maamulka Hirshabeelle ayaa qorsheynaya in dhawaan uu bilaabo qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana si aad ah magaalada Jowhar ah looga dareemayaa u diyaargarowga doorashada.

Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo loo asteeyay inay doorashada ka dhacaan ayaa waxaa ka socda diyaargarow xoog leh oo loogu jiro sidii looga bilaabi lahaa doorashada Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Shabeelaha dhexe Maxamuud Cilmi Raage ayaa ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Jowhar iyo diyaargarowga doorashada golaha shacabka.

“ Amniga magaalada Jowhar aad buu u wanaagsan yahay, sida laga warqabo doorashadii Aqalka sare si nabadgalyo ayay ku dhammaatay, haddana waxaan rajeyneynaa in ay bilaabato doorashada golaha shacabka, aad baan ugu diyaargarownay, nabadgalyada degmada Jowhar waaa mid la isku haleyn karo,” ayuu yiri guddoomiye Raage.

Amniga magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamada Booliska ay joogta ah u sameeyaan howlgalo amniga lagu sugayo looguna diyaarinayo in doorashada in si nabadgalyo ah ay ku dhacdo.

Maamulka gobolka Banaadir oo balaarinaya mashaariicda Leerarka Cadceeda ku shaqeeya

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xalay kormeeray wadada Janaraal Daa’uud iyo Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere oo ay Dowladda hoose Xamar ka hirgalisay Leerarka Cadceeda ku shaqeeya.

Mashruucan lagu hirgaliyay Leerarka Cadceeda ku shaqeeya ayaa ah mid lagu muujinayay bilicda Wadooyinkaasi, sidoo kale hirgalinta Leerarkan ayaa qeyb ka ah xoojinta sugida nabadgalyada,

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay madaxda qeybta howlaha guud ee dowlada hoose Xamar in ay dardargaliyaan balaarinta mashraariicda lagu hirgalinayo Leerarka Cadceeda ku shaqeeya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Alberto Vecchi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal.

Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay salaan iyo hambalyo ku aaddan xilkan cusub ee loo magacaabay, taas oo uu uga siday Dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo xusay saaxiibtinnimada dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa tilmaamay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dowladda Talyaaniga..

Intii uu kulanku socday, waxaa lagaga wada hadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada ammniga, dhaqaalaha, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhanka Waxbarashada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii ay dowladda Talyaanigu gacan uga gaysan lahayd tababarrada iyo tayaynta shaqaalaha dowladda, iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay fursad uga heli lahaayeen deeqaha Waxbarasho ee dowladda Talyaaniga.

Saraakiisha Turkiga oo kulan la qaatay wafdi ka socday howlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya

Saraakiisha Turkiga ayaa kulan kula yeeshay magaalada caasimadda ah ee Ankara wafdi ka socday howlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL).

Sida lagu sheegay bayaan qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay, kulanka ayaa ku dhacay codsi ka yimid guddiga wadajirka ah ee militariga Liibiya ee 5+5 (JMC).

“Kulanka; 5+5 JMC waxay bixisay macluumaadka ku saabsan Qorshe Hawleedka lagu sii daayay Geneva Oct. 8, 2021. Tallaabooyin dheeraad ah oo la qaadayo oo ku saabsan dejinta nabadda, xasilloonida iyo ammaanka Liibiya ayaa sidoo kale looga hadlay,” ayaa lagu daray bayaanka.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale lagu nuux-nuux saday xiriirka taariikhiga ah iyo xiriirka dhow ee ka dhexeeya Turkiga iyo Liibiya iyo sidoo kale muhiimadda ay leedahay in la sii wado dadaallada ku aaddan nabadda, daryeelka iyo xasilloonida Liibiya

Madaxweynaha Turkiga oo Istanbul kula kulmay Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa magaalada Istanbul kula kulmay Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga Kerem Kınık iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas (IFRC) Jagan Chapagain.

Hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee qaxootiga, gaar ahaan Suuriyaanka ku sugan Turkiga iyo dalalka ku xeeran, iyo ka shaqaynta sidii Istanbul looga dhigi lahaa saldhigga saadka ee gargaarka bini’aadantinimo ayaa looga wada hadlay intii uu socday kulanka, sida uu sheegay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada.

Dhanka kale, Kınık iyo Chapagain ayaa uga mahadceliyey Erdogaan dadaalkiisa bini’aadantinimo iyo sida uu ajandaha uga dhigay dhibka qaxootiga goob kasta.

Generaal Biixi “Wallaahi Askarigii qof shacab ah xabad ku rida tiirka Maxkamadda geyneynaa”

Taliyaha Ciidamada Dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidamada Dowladda uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in askarigii qof shacab ah xabad ku rida in tiirka maxkamadda la geynayo.

“ Wxaaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa,” ayuu yiri Generaal Biixi.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay in habeenadan magaalada Muqdisho uu ka dhacayay falal amnidaro oo aad u fool, kuwaas oo qaarkood lagu dilay dhalinyaro waxbartay oo ubixii dalka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarii shacab dhibaateeya.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay sheegay in ay ha’adaha amniga gacanta ku soo dhigeen askar dilal ka geystay magaalada Muqdisho.

Ciidamada DANAB oo howlgal ka dhan ah argagixisada ka fuliyay deegaanka Leego

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa Howlgal qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanka Leego, halkaas oo ay maleeshiyada Al-Shabaab dadka ku dhibaateynayeen.

Ujeedka Howlgalkaan ayaa ahaa burburinta goobo cadowga Argagixisada Al-shabaab ay kaga dhumaalaysan jireen deegaankaas oo ciidanka ay ka war heleen.

Shacabka deegaanka Leego ayaa argagixisada kala kulmi jiray barakicin iyo boob joogta ah,iyagoo soo dhoweeyay howlgalka ciribtirka maleeshiyada Al-Shabaab oo ay ciidanka Xoogga soo qaadeen.

Mareykanka oo adkeynaya shuruucda khuseysa xagga safarka

Madaxweynaha Mareykaka Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday in la adkeynaayo xeerarka safarka xili Mareykanku uu xaqiijiyay in ay jiraan tiro ku saabsan cudurka Omricom oo lagu arkay gudaha dalkaasi.

Laga bilaabo todobaadka soo socda, dadka safarka ah ee caalamiga ah ee tagaya Mareykanka, oo ay ku jiraan dadka Mareykanka ah, waa in ay maraan baaritaan 24- saac ah ka hor inta aysan dhoofin, iyadoo aan loo eegeyn heerka tallaalka.

Shuruudaha qaadashada maaskarada ee loogu talagalay diyaaradaha, tareenada iyo basaska ayaa la kordhin doonaa illaa bartamaha Maarso.

Toban kiis oo nooca Omicron ah ayaa laga helay Maraykanka,gaar ahaan California, Colorado, Minnesota, iyo New York, iyo Hawaii.

Dhinaca kale ,Saraakiisha Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqay manta oo Jimco ah in dalalka caalamka,gaar ahaan Wadamada Aasiya-Pacific ay kor u qaadaan awoodda daryeelka caafimaadka,isla markaana ay si buuxda u tallaalaan dadkoda.

3-da December Maalinta Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah (warbixin)

Guud ahaan madaxda iyo shucuubta dalalka caalamka ayaa manta u dabbaaldegaya xuska maalinta caalamiga ah ee  Naafada

Xuska  maalinta Naafadaoo waa mid sanadle ah,waxaana lagu dhawaaqay 1992-dii,ka dib kolkii Qaramada Midooay ay soo saartay qaraar tirsugiisu yahay 47/3 oo khuseeya muhiimadda maalintaasi.

Xuskaaan ayaa ujeedku yahay in kor loo qaado fahamka arrimaha naafada iyo in la muujiyo xuquuqda iyo wanaagga ay leeyihiin dadka naafada ah.

Barnaamijka Qaramada Midoobay ee ku aadan xuska maalinta Naafada waxa uu dhiirigalinayaa in la helo isdhexgal bulsho iyo in dadkaasi ay ka qeybgalaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha kale ee wax u taraya umadda.

Iyada la raacayo nidaamka Qaramada Midoobay ee ay u dejisay dadka Naafada ah, wuxuu dhigayaa in xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah ay yihiin kuwo aan la leexin karin, la taaban karin oo aan la qaybin karin .

Dadka naafada waxayna ka mid yihiin kuwa ugu daran ee ay dhibaatadu saameysey,waxay u badan yihiin in ay helaan daryeel caafimaad, waxbarasho, shaqo iyo ka qaybgalka bulshada,waana kaliya ee lagu hubiyo in dadka naafada ah aan laga tagin.

Qorshaha Qaramada Midoobay ee 2030-ka ayaa ah in la sii wado horumarka waara ee dadka Naafada ah ,iyadoo aan laga tageyn ballanqaadka la xiriira xaqiijinta xuquuqda dadkaasi.

Qaramada Midoobay waxay soo jeedineysaa in kor loo qaado wacyiga iyo horumarka dadka Naafada ah,isla markaana la dhowro xuquuqda iyo aragtida dadka naafada ah ee dunida.

W/qoray Shire Xasan Kulmye